Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee Metela Jubbaland oo Musuq iyo Waxisdabamarin Hadheeyeen

Kismaayo (WDN)- Iyadoo sidii qorshuhu ahaa la filayay in bisha Julay 25, 2021, ay ka qabsoonto dawlad goboleedyada doorashada xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka F. Soomaaliya, ayaa waxaa magaalada Kismaayo ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, ka dhacday maalintii khamiista ee 29ka Julay doorashada xubno ka mid noqon doona aqalka sare. Xubnaha Aqalka Sare oo sida dastuurku dhigayo ay doortaan Baarlamaannada Dowlad Goboleedyadu, ayaa waxaa Juballand loo qoondeeyay 8 xubnood, iyadoo afartii u horreysay doorashadoooda la qabtay   maalintii Khamiista.

Madoobe iyo deni

Durba waxa soo baxaya in afarta kursi ee u horreeyay ay hadheeyeen musuqmaasuq iyo gacan bidixayn. Waxa jirta in kursi ku astaysnaa Beesha Geri Koombe iyo Harti, oo ay horey 2016 ku tartameen labada beelood, islamarkaana ay heshay beesha Geri ku guulaysatay, sanadkan loo xidhay beesha Majeerteen, oo aan haba yaraatee loo gelin wax tartan ah. Taas oo runtii ah xadgudub weyn iyo ku tumosho sharci gamatalaad. Falkan caddallada darrada ah ayaa la sheegayaa in ay iska kaashadeen labada hoggaamiye ee Jubbaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Deni.

Beesha Geri oo sanadkan soo sharaxday Musharax muddo ka badan  5 sano xilal kala gedisan ka ay ka mid ahayd wasiir dawlahah madatooyada ka soo qabtay Jubbaland Md. Axmed Cabdiraxmaan, ayaa gebi ahaanba laga saaray liiska musharraxiinta, iyada oo aanay jirin wax sabab ah, balse kaliya ka tarjumaya   falalka musuqmaasuqa, caddaalad darrada iyo ku takrufal awood si ka baxsan sharciga (abuse of power).

Sida uu dhawaan sheegay Md Faysal Cabdi Rooble isagoo soo xiganaya ilo xogogaal ah oo lagu kalsoonyahay in lacag dhan 250 kun oo doolarka Maraykanka ah ay siisay madaxweynaha Punrland shirkadda CJ oo iyadu ku leh Bariga Afrika ilaa Koonfurta Makhaayado caana oo laga cunteeyo si loogu xidho kursiga aqalka sare oo aan lagula tartamin beesha Majaarteen musharaxooda.

Musharax Axmed oo qabtay shir jaraa’id ka dib markii laga reebay liiska musharraxiinta, ayaa sheegay in xadgudubkaasi iyo musuqmaasuqaasi aysan joojin doonin dariiqii uu waday ee ahaa in si sharci iyo tartan xalaal ah matalaada loo raadsado, si markaasi dad xalaal ah ku soo baxa oo waddanka wax u qaban Kara loo helo.

Xubnaha dhaqanka ee Beesha Geri ayaa iyana ka hadley boobka , musuqa iyo cadaalad darrada ay ku kaceen Axmed Madoobe iyo Deni. Arinkan ayaa soo jiitay saxaafadda iyada oo aad looga hadlayay xadgudubkaasi, oo noqon doona mid billaw ama hordhac u ah damaca siyaasadeed ee Deni si uu hanto jagada madaxtinimada Soomaaliya islamarkaana is qabqabsi iyo fawdo doorasho oo dalku galo.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.