Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Doorasho mise ku shubasho: Doorashada Xildhibaanada Labada Gole ee 2021 (Qaybta 2aad)

W/Q Cismaan X. Maxamed

Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Dawlad Goboleedka K/Galbeed

Doorashada dadban ee Aqalka Sare waa qayb ka mid ah Doorashada 2021 isla markaana tusaale u ah tayada ay yeelanayso doorashadatan oo ay indhaha si gaar ah ugu hayaan murashaxiinta madaxweynaha 2021 u taagan iyo dadweynaha Soomaaliyeed. Doorashadani waxay ifafaale ka sii bixinaysaa waxa Golaha Shacabka doorashadiisa laga filan karo. Haddii aan degdeg looga hortagin oo R/Wasaare Rooble tallaaba adag ka qaadin, madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyada waxaa laga filan karaa in mid walba   kuraasta Gobolkiisa taala ka yeeli doonaa   sida kuwan Aqalka Sare ee gacantiisa ku jirtey uu ka yeeley.

MW. Cbadcasiis Laftagareen

Haadaba doorashadii  dhibta badan loo soo maray waxay ka billaabantay Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed  02 August, 2021 iyada oo dhammaatey 15 August 2021, taas oo ka dhigtey Dawlad Goboleedkii labaad ee dhammaystirey doorashada Aqalka Sare. Madaxweyne Cabdicasiis (laftagareen) waxuu soo saarey Liiska Murashaxiinta Aqalka  Sare oo ka kooban Siddeed kursi oo Lix iyo Toban xubnood ku tartamayaan.  Xulka 16ka Murashax ee Dawlad Goboleedka KGS waxuu ku yimi la tashi uu la sameeyey Madaxweynuhu odayaasha dhaqanka ee KGS, taas uu kaga duwanyahay inta la arkay Madaxweyne Axmed Islam iyo Madaxweyne Dani   oo aan iyagu qofna la tashan.

Liiska Senatorada ka soo baxay Dawlad Gobeeleedka Koonfur Galbeed waxuu meesha ka saarey damacii Madaxweynaha Jubbaland uu Afarta Kursi ee uu kor  hayey uguna talagalay in uu  kugula gorgortamo Madaxweyne Cabdicasiis (Laftagareen) si uu Senator Ogaadeen ah uga soo saaro dawlad goboleedka KGS.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa kursi Koombe ka dhexeeyey oo Aqalka Sare ahaa siiyey Majeerteen, isagoo raaligalinaya Madaxweyne Dani isagoo qadar lacag ahna faraqa loogu shubay oo uu ku iibsaday dadnimadiisii. Qof walba sida uu isagu yahay ayuu qofka kalana moodaa oo waxuu ku talagalay sida uu sameeyey oo kale in uu madaxweyne Cabdicasiis (Lafta Gareen) sameeyo oo kursi ay jufo leedahay ama jufooyin ka dhexeeyey intuu ka faramaroojiyo Madaxweyne Axmed Islaan siiyo oo uu ceeb dhex fariisto, laakiin Madaxweyne Cabdicasiis waa diiday in ceebta uu dhex fadhiyo Madaxweyne Axmed Islaan uu wehel ugu noqdo. Waxaa xusid mudan ilaa hadda Liisaska Dawlad Goboleedyadu soo saareen, waxaa ka muuqda madaxweyne sameeyey musuqmaasuq la mid ah kan Jubbaland in uu yahay Madaxweyne Dani.   Madaxweynaha Puntland waxuu sameeyey wax laga xishooda oo kursi Jambeel Koombe lahayd ayuu u boobay Majeerteen isla markaana reerihii Daarood ee kalana isaga ayaa u doorey Senatorada Kuraasta ugu fadhiisanaya.

Haddii aan faahfaahiyo dawlad goboleedka KGS sida kuraasta loo kale heley :-

  1. Kursiga ka dhaxeeyey qabiilada Eelaay iyo Xariin, Malaaqyadoodii waxay isla garteen in Sanadkan Xariin qaadato sidaas ayuu u wareegey Kursiga Senator Ilyaas Cali Xasan oo afar Sano ku Fadhiyey. Qabiilka Xariin duqeydoodii waxay u garteen Jufo qadsanayd ee Waraasle – Gaarusuule in ay siiyaan Sanadkan Kursiga. Duqeydii Jufada Waraasle – Gaarusuule waxay soo magacaabeen laba musharax oo kala ah Ayaan Aadan Cabdullaahi oo ka adkaatay Farxiya Nuur Aadan
  2. Kursiga Hadamo – oo uu Senator Xuseen ku fadhiyey afartii sano ee la soo dhaafay waxay Odey dhaqameedyadii Hadamo isku raaceen in Sanadkan lagu celiyo   jufada Ligsi  laakiin Senator Xuseen Sh Maxamuud laga wareejiyo oo la siiyo ina adeerkiis, sidaas darteed ayuu Kursigii uga wareegey Senator Xuseen Sh Maxamuud. Duqeydii Jufada Hadamo- Ligsi ee la siiyey Kursiga ayaa soo xuley laba tartame oo kala ah Aadan Cabdinasir Maxamed oo ka adkaaday Maxamed Xasan Aadan.
  3. Kursiga Jiido – Wajiis oo Senator Zamzam Ibraahim Cali ku Fadhiday waxaa qabiilkoodu isku raaceen in ay u tartanto sanadkan mar kale maadaama oo shaqadeedii afarta sano ay  ku qanceen. Senator Zamzam Ibraahim Cali waxay ka guuleysatay Shariifo Cusmaan Xaaji. 
  4. Kursiga Yalale Boqol Hore –  oo Horey ay ugu fadhiday Senator Timiro Maxamed Cali waxa ku tartamay labada Musharax ee Dr. Xuseen Maxamed Daahir oo ka guuleystay Xasan Maxamed Nuur.    
  5.  Kuriga Geledle – Wardheere  Waxaa horey  Korsigan ugu fadhiyey Senator. Cabdulaahi Cabdi Garuun.   Waxaa ku tartamay Maxamuud  Maxamed Cabdinuur (Garabeey) oo ka guuleystey Nuur Baabul Caddow 
  6. Kursiga BiyomaalDaadow-  Kursigan waxaa horey ugu fadhiyey Senator Xuseen. Waxaa ku tartamey kursigan Dr. Cali Sheekh Maxamuud Gacal oo ka guuleystey  Cabdiqaadir Cabdi Axmed   
  7. Kursiga Garre – Quraanyow – Kursigan waxaa horey ugu fadhiyey Senator Cabdikaafi Macalin Xasan. Waxaa ku tartamayDr.Xasan Xuseen Xaaji oo ka guuleystey Cabdiraxmaan  Maxamed Cabdulaahi.   
  8. Kursiga Leesaan – Bananey – Kursigan waxaa horey ugu fadhiyey Senator Adan Gaab. Waxaa ku tartamay Cabdiwali Maxamed Ibrahim oo ka guuleystey Cabdulaahi Maxamed Rabow.     

Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Madaxweynaheeda Md. Cabdicasiis waxuu u maamuley doorashada KGS si aad iyo aad uga duwan sidii madaxweyne Axmed Islaan u maamuley Afarta Kursi ee Jubbaland. Xulidda Koonfur Galbeed waa mid ay ka muuqato maamul wanaag ka heer sareeya Dawlad Goboleedyo badan. Waxa sharciyad siinaya xulashada DGKG  in talada xulidda lagu saleeyo doonidda iyo raali ahaanta jufooyinka kursiga iska leh ama kuwa uu kursi ka dhexeeyo.

Liiska Siddeeda Kursi  ee DKGS, la tashi dheer dabadeed waa liis ay soo diyaarsheen Malaaqyada mas’uulka ka ah beelaha kuraasta lahaa. Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya isaga oo awood buuxda u leh in uu soo qoro magacda murashaxiinta ayuu maamul wanaag, xishood, masuulnimo iyo daahfurnaan awgeed door bidey in uu Kuraasta dhexda dhigo, oo Malaaqyada yiraahdo idinku wadahadla oo aniga liiska murashaxiintiina ii keena, idinka oo tixgalinaya qoondada haweenka. Doorashada Koonfur Galbeed waxay qaawisey oo ay bannaanka soo dhigtey musumaasuqii qaawanaa ee madaxweynaha Jubbaland ka sameeyey Kismaayo.

Sidii aan uga baranay mucaaradkii ku midoobay Badbaado Qaran isla markiiba waxay canbaareeyeen doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya ee xalaasho ahayd. Isla Kooxdan la baxday Badbaado Qaran waxay horey u hambalyeeyeen boobkii ka dhacay Jubbaland iyo kii Puntland. Waxaan filayaa kooxdani in ay wax weyn ka qaldantahay sababtoo ah sanad dhan bay qayladhaan iyo waraaqo isdaba joog ah soo qorayeen oo ay lahaayeen waxaan rabnaa doorasho daahfuran, xor iyo xalaal ah, haddana waxay hambalyeeyeen musuqmaasuqii ugu weynaa ee madaxweyne Axmed Islaan iyo madaxweyne Dani sameeyeen.

Dawlad Goboleedkii ay ku eedeynayeen madaxweyne Farmaajo ayuu taabacsanyahay   ,ayaa iyada oo la tixgalinayo xaaladda dalku ku juro iyo daruufaha khaaska ee dal burbur ka soo kabanaya,   caddaalad ka sameeyey doorashadii Aqalka Sare isla markaana qoondadii haweenkana tixgalintii ay mudnaayeen siiyey xagga madaxweyne  Axmed Madoobe ooy  mucaaradka Badbaada Qaran, ay taabacsanaayeen uu awooddii la siiyey ku  takrifalay  – Runtii awalba Jabhad xoog ku jooga meesha oo aan cidi dooran buu ahaa oo aan  dhaqan, diin iyo Dastuur midna joojinayn.

Madaxweyne Axmed Qoor Qoor, ilaa hadda liistada uu soo saarey waa mid ay kawada muuqdaan dhammaan darafyada tartanka ugu jira Madaxweynaha 2021 ee Soomaaliya. Galmudug Madaxweynaheeda waxay kooxda Badbaado Qaran ku tilmaamayeen in aanu ka madaxbannaaneyn Nabad iyo Nolol. Ilaa hadda labada awlad Goboleed ee madaxweyne Farmaajo la xijisiinayey ayaa ka caddaalad batay kuwii Badbaado Qaran xanbaarsanayd. Waxaan filayaa in Hirshabeele uu ka soo bixi doono liis la mid ah kuwa ka soo baxay Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Digniin Culus – Khiyaano Muuqata

Waxaan dadka Soomaaliyeed ooy ku jurto Badbaado Qaran ku baraarujinayaa  in ay si dhaw u eegaan caddaalad darrada ka dhacday labadan Dawlad Goboleed , Jubbaland iyo Puntland, ee qiiqa isku qarinayey oo hadda ku bahoobay mashruuc Imaaraadka ah oo ujeedadiisu tahay in kuraasta boobaan  iyo in qolyaha kale ee labada Dawlad Goboleed degan ay kuraastooda labada Gole dad ay wataan u magacaabaan iyaga oon cidna la tashan. Sababta sidaan loo sameeynayo waxay tahay Madaxweyne Dani oo raba in uu Madaxweynaha Federaalka  isu sharaxo.

Murashaxiinta u tartamaya madaxweynanimada 2021 oo uu ku juro Madaxweynaha hadda kursiga ku fadhiya, waxaa laga joojiyey in ay faragashadaan Doorashooyinka. Haddaba madaxweynaha Puntland oo Lacgtii Imaaraadka wata oo musharax ah ayaa labo Dawlad Goboleed loo gacan banneeyey in uu doorashadooda maamulo. Taasi umadda Soomaaliyeed bay ceeb ku tahay, waana in laga mamnuucaa in uu madaxweyne Dani isu soo Sharaxo Madaxweynaha Faderaalka maadaama uu jabiyey heshiiskii ahaa in aanu Murashaxu faragashan doorashada hadda socota.

La soco qaybta 3aad oo si gaar ah isu dultaageysa Dawlad Goboleedka Puntland.

W.Q. Cismaan X. Maxamed
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.