Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Dhaqashada digaagga oo fursad shaqo-abuur u noqotay dhallinyaro waxbartay oo ku nool Muqdisho

Arday fadhisa fasalka jaamacadda/Kaydkasawiradda/Ergo

Dhaqashada digaagga oo ku yar Muqdisho waxaa muddooyinkii u danbeeyay dhaqaale fiican ka sameeyay koox dhallinyaro ah oo fahmay xannaanayntooda. Ruqiyo Cabdulqaadir Boono oo ka mid ah waxay subaxa hore u soo shaqo tagtaa halkan oo ah xero ay ku jiran oo duleedka Dayniile ah.

Waa kun iyo shan boqol oo xabbo oo digaag ah, Ruqiyo iyo saddex qof oo caawiyaasheeda ah ayaa u xilsaaran ka warqabka cuntada digaagga iyo daryeelka caafimaadkooda.

Kooxdan ayaa waqtiga ugu badan maalintii ku bixiya la dagaalanka xanuunada dhibaateeya digaagga. Waxay ku haystaan xerada adeegyada caafimaad ee lagula tacaali karo, Ruqiyo waxay u aragtaa xannaaneynta digaagga shaqo ku habboon oo xirfaddeeddeeda ay taqaanno. Waxay ka warrmaysa caqabadaha ay kala kulmaan.

“Caqabadaha ugu badan ee aan ka marno waxay tahay maaddama digaag bay’adiis ay tahay in aad ka soo fogaato magaalada oo meel baadiye ah aad ku dhaqdid sidoo kale caqabadaha ka marno waxay tahay waqtiga kulaylku uu jiro in xanuunka kogsiidiyaha uu kugu yahay riski oo ay tahay in aad si fiican uga taxadarto oo aad siiso antibiyootikis waxyaabo ka hortaga aad siiso si bahashaada caafimaadkeeda aad ugu dadaashid..”

Wax tarka digaagga ayay sheegtay Ruqiyo in ay ka qayb qaadan karto helida dhul jilicsan oo nadaafaddiisa laga shaqeeyay, toddobaadkii labo mar ayaa laga badalaa ciidda halka ay ku noolyihiin digaagga ay xannaaneeyso.

Digaaggan oo badankood laga keenay dalka Kenya ayaa la bacrimiyaa si ukumo kaliya looga helo. Gabadhaan waxay xustay in nidaamkan uu ka qayb qaato tirada iyo tayada wax soo saarka digaagga. Waxay sharraxaysa sida ay shaqayso habka bacriminta digaagga.

“Digaagaduhu mar walba waxay u diyaarsan yihiin in ay ukun dhalaan kaliya waxa laga rabo waxaa weeye in ay hesho 16 ilaa 17 saacadood oo iftiin ka qoraxda iyo koronta oo la iskugu daro habeenkii qayb ka mid ah markaas ukun way kuu dhalaysaa laakiin waxay ku xiran tahay ukunta ay dhalayso haddii Diig ukuntaas uu masuul ka yahay ukun waxay noqonaysaa hadhow jiijiile isku baddesha laakiin ukunta hadda annaku aan soo asaarno ukun jiijiile noqonaysa maaha maddaama uusan wax Diig ah ka qayb qaadan process-ka ukun dhalista.”

Shaqadan xannaaneynta digaagga ayay ka heshaa mushaar dhan $300 bishii. Lacagtan ayay qayb kamid ah ku caawisaa qoyskeeda oo danyar ah halka inta kale ay dhigaal-sato si ay iskaga bixiso qarashka waxbarashada jaamacadda Benaadir oo ay ka dhigato kulliyadda xannaanada xoolaha oo sanadkii u danbeeyay ay ku jirto..

Najmo Cabdullaahi Qaanso oo ah milkiilaha digaaggan waxay u bareertay qasaare iyo faa’iido markii ay billaabaysay mashruucan billowgii sanadkan sida ay sheegtay.

Waxay xustay in ay samaysay baaritaan la xariiray waxtarka digaagga ka hor howl-galkeeda iyo caqabadaha ka hor imaankara sida cimilada maaddama qorshaheedu uu ahaa in ay ka dalbato dibadda.

“Digaaggeena iyo diggaagga kale marka la isbarbardhigo waxaa wax soo saarkooda aad u badan yihiin kan dibadda laga keeno annaga waxaan doorranay in aan dibadda ka keeno oo wax soo saarkeennu bato, labo meel baan ka kala keennay oo ah Kenya iyo Marooko, waa mid jawiga iska difaaci karta maaddama wadankeenu uu kululyahay sidaas baan u keenasanay sidaa baana ku dooranay labadaas waddan.”

Ujeedda ay ka leedahay dhaqashada digaagga ayay ku sheegtay helidda il-dhaqaale oo iyada iyo dhallinyarada la mid ka ah ay ka wada faa’iideystaan.

Dadka fursadaha shaqo ay siisay xarunteeda oo sagaal qof ah ayay sheegtay in ay u badan yihiin dhalinyaro heer jaamacadeed ah, kuwaasi oo kaalin ka qaatay horumarinta dhaqashada digaagga iyo in ukumaheeda door-fiican ay ku yeeshaan suuqyada loo beec-geeyo, shaqo-abuurkan ayay tilmaantay in noloshooda uu waxbadan uu ku soo kordhiyay.

“Maalin kasta ayay noo soo saarta ukunta si joogta ah ayaana u suuq-geynnaa. Tiro ahaan waxaa laga helaa 1,450 ilaa 1,500 way gaaraysaa.”

Saddex kun oo doolar ayaa uga baxday soo iibinta digaaggan iyo markabkii lagu keenay Muqdisho, ehelkeeda ayaa ku caawiyay lacagta ganacsigeeda ay ku maal-galisay hadda se iyada ayaa ka caawisa qoyska nolol-maalmeedka.

Ganacsato ku nool Kenya ayaa ka caawiyay soo qaadidda digaaggan oo iskumar ay keentay Soomaaliya. Waxay soo saaraan maalintii 1,300 oo ukun ah waxaana ay ka heshaa lacag u dhaxeysa $150 ilaa $200 oo faa’iido ah maalintii.

Mashruuca digaag-dhaqashada waxaa waaxda suuq-geynta u qaabilsan Cabdulqaadir Aadan Yalaxow oo bartay cilmiga maamulka ganacsiga, Cabdulqaadir oo ka qalin-jabiyay bishii siddeedaad ee sanadkii 2019-kii jaamacadda Benaadir waa markii ugu horreysay oo uu helo fursad shaqo, waxaana uu ahaa guri joog kadib waxbarashadiida.

Wuxuu sheegay in markii ay billaabayeen beec-geynta u kunta ay kala kulmeen caqabad maaddama aysan haysan macaamiil ku xiran hadda se ay xiriir ganacsi la leeyihiin ku dhawaad labaatan hoteel iyo ganacsato sii iibiya ukunta oo ku nool qaybo ka tirsan Muqdisho, kuwaas oo u adeegsada cunnooyinka ay kariyaan ama gaar ay gaar u iibiyaan.

Macaamiisha qaar ayaa maalin walba ukunta ka soo doonta halka kuwa kale ay ugu geeyaan labo gaari kiro ugu shaqeeya xarunta digaagga, dhaqaalaha uu ka helo shaqadan oo ah $250 waxa uu ku taageera qoyskiisa oo danyar ah.

“Noloshayda shaqadan wax badan ayay ka baddeshay waad garan kartaa qof jaamacad soo dhameeyay oo reerkiisu daqligoodu uu aad iskaga kooban yahay qof kaliya ee jaamacad u soo dhameeyay maaddama aad adiga tahay waad dareemi kartaa shaqo la’aanta dhibka ay kuu geysan karto, nafsiyan waxyaabaha aan ka qaaday shaqadan waxaa ka mid ah in tan dhaqaalaha reerkayga ay wax ka beddeshay, shalay markan shaqo la’aanta ahaa quus baan ahaa laakiin maanta waxa ai heysho rajo I yididiilo.”

Source: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.