Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Dagaalo xooggan oo ka socda Hiiraan iyo Galgaduud

Muqdisho (WDN)- Dagaalo ayaa ka socda deegaano hoos taga gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ee Maamulada  Hirshabeelle iyo Galmudug. kawaasi oo looga soo horjeedo maleeshiyaadka Alshabaab. Ciidamada Xooga oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa la wareegeen deegaamo ay AlShabaab gacanta ku heysay oo  labadaasi gobol hoos taga.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo warbaahinta hadal kooban siiyey, ayaa sheegay in ciidamada militariga Soomaaliya iyo dadka deegaanka ay xoreeyeen deegaanka Booco oo qiyaastii 45 Kilomitir dhanka bari kaga beegan magaaada Baladweyne ee gobolkaasi.

Gudoomiyaha ayaa ku amaaney dadka deegaanka kaalinka  muga leh ee ay ka qaadanayaan hawlgalada ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda gobolka Hiiraani, isaga oo tilmaamey in deegaanada ay ka saaraan maleeshiyaadkaasi maamulo loo samayn doono oo dib aan looga guran doonin.

Md. Jeyte ayaa xusey in khasaaro xoog leh ay gaarsiiyeen Alshabaab isla markaana ay kala wareegeen saanad milatari oo aad u badan, waxa uuna tilmaamay in maamulka Hirshabeelle oo gacan ka helaya maleeshiyaadka deegaanka ay ka go’antahay in ay dagaalka sii wadaan illaa Alshabab looga xoreynayo deegaanada maamulka.

Dhanka kale maamulka gobolka Galgaduudd ee Galmudug, ayaa sheegay in dagaalo xooggan oo ay la galeen Alshabaab kaga saareen deegaano hoostaga magaalada Dhuusamareeb. Halkaasi oo Alshabaab ay kasoo abaabuli jireen weerarada iyo qaraxyada lala beegsanayo xarumaha dawladda iyo dadka deegaanka.

Alshabaab ayaa wajahaysa culeysyo badan oo uga wada imanaya ciidanka milatariga Soomaaliya iyo dadka deegaanka, oo go’aansadey in ay iska dulqaadaan dhibaatada Alshabaab oo muddooyinkaan danbe cadaadis xoog leh dadka deegaanka kusoo rogey.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.