Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

AFKEENNA HOOYO: Haddii aad taqaan bar, haddii aadan aqoonna baro!

W.Q. Ruqiyo Aw- Maxamed faarax

Waa maxay “Salaan ka gadaal”, “Ujeedkaygu waxaa weeye” iyo Webiga fatahaadda sameeya”?

Marka adeegsiga afka Soomaaliga maanta la eego, dhibaatada la dareemi karo waxaa weeye in dad badan oo afka ku shaqeeya, sida saxaafadda, xafiisyada maamullada, dadka bulshadu dhegeysato, sida madaxda, siyaasiinta iwm, aysan xil weyn iska saarin sida ay afka u adeegsadaan amaba aysan ogeyn in hadalkoodu saxanyahay naxwe ahaan iyo micno ahaanba (grammatically and semantically).  Waa la sixi karaa wixii aqoon-darro iyo ogaansho la’aan ku yimaadda. Laakiin waxaa jirta oraah oranaysa “qof walba qummanihiisa baa qoorta ugu jira”. Taas oo macnaheedu tahay: “Taydaa saxan iyo waan aqaan”

Shaki kuma jiro inay siyaasadda Soomaaliya ku salaysantahay aragtida noocaas ah. Waana sababta dhibaatooyinka siyaasadeed ee Soomaaliya rubuc qarni ka badan weli in xal loo helo, la furdaamiyo lana kala furfuro ay Soomaalida iyo beesha caalamkaba xujo ugu noqotay. Taasi waxay ka mid tahay dhibaatooyinka laga dhaxlo burburka nidaam dawladeed iyo kala dambayn la’aanta bulsho. Laakiin waxaa kale oo burburkaas ka dhashay in dad badni aysan garawsanayn, xil weynna iska saarin waxa ka dhaxeeya dadka Soomaaliyeed, isku nuda, qiimo weynna u leh jiritaankeenna sida afkeenna hooyo.

Waxaynnu wada ognahay saameynta ballaaran oo burburkii Soomaaliya ku dhacay uu ku yeeshay nolosha bulshada Soomaaliyeed dhinac walba. Gaar ahaan, dib u dhaca iyo burburka saameeyay waxbarashada iyo fakarka dadka ayaa si weyn loo dareemi karaa. Saameyntaas xagga waxbarashada waxaa ka mid ah tirada dhallinyarada waxbarashadu dhaaftay amaba aan helin waxbarasho tayo leh oo barashada afka Soomaaligu ay ka mid tahay manhajka waxabarashada dugsigyada.

Af-Soomaaligu wuxuu leeyahay naxwe aad u ballaaran (isku dhafan) iyo qaab dhismeed la raaco oo xukuma isku xirka iyo isbedbedellada erayada ku dhaca si loo dhiso weero/weedho milgo ama macne buuxa leh. Waayahan dambe, waxaa ciddii u fiirsataa ay arki kartaa in dad badan oo afka Soomaaliga ku hadla, Af-Soomaaliguna yahay afka ay u dhasheen aysan xil iska saarin amaba aqoon u lahayn qaab dhismeedka afka iyo shuruucda naxwaha. Qaab dhismeedka afka iyo shuruucda naxwaha ayaa asaas u ah adeegsiga af saxan oo macne buuxa xambaarsan. Waxayna taasi lagama maarmaan u tahay adeegsiga afka ee xagga is-fahamka iyo wax ku oolnimada macluumaadka la isugu gudbiyo qoraallada iyo oraah ahaanba. 

Waxaan haddaba qoraalkan ku eegayaa saddex erey oo qaabka khaldan ee loo adeegsado ay aad u sii kordheyso. Iyadoo guud ahaanba burburka iyo dayaca haysta afka Soomaaliga ay aad u ballaaranyihiin, ayaan waxaan jeclaan lahaa inaan gaar ahaan halkan ku muujiyo sida khaldan ee erayadan loo adeegsado marka laga eego xagga naxwaha iyo macnahaba.

  1. Salaan ka *gadaalmarkaas/xilligaas ka *gadaal

Ereyga ‘gadaal’ in sida tusaalahan ka muuqata loo adeegsado naxwe ahaan iyo micna ahaanba ma sax baa?

Jawaabtu waxaa weeye ‘maya sax ma aha’. Haddaba halkan aan ku muujiyo sababta aysan sax u ahayn. Ereyga ‘gadaal’ waxaa loo adeegsadaa in lagu muujiyo goob/rug/jiho wax la taaban karo oo muuqda ay leeyihiin sida shay ama qof. Afka Ingiriiska waxaa lagu yiraahdaa ‘preposition of place’.

Tusaale: “Guriga gaadaashiisa baan alaabta dhigtay”,  “Madaxweynayaasha Soomaalida niman baa gadaashooda is-taaga. “Aniga gadaashayda fariiso!”

Waxaa lagaga jawaabi karaa su’aalahan: xaggee alaabta dhigatay?, xaggee nimanku is-taagaan? Xaggee fariistaa?

Haddaba ereyga “salaan, markaas, xilligaas” ma aha wax la taaban karo oo muuqda mana laha goobo ama jihooyin. Afka saxda ah oo aynnu adeegsanaa waa  “salaan ka dib, markaas ka dib, xilligaas ka dib ”. Erayga ‘ka dib/kaddib’ waa erey muujinaya xilli/waqti oo afka Ingiriiska lagu yiraahdo ‘preposition of time’. Haddaba ereyga ‘gadaal’ oo jaho ama goob muujinaya looma adeegsan karo sida ereyga ‘ka dib’ oo xilli muujinaya.  

  • Ereyga “ujeedka”

Ereygani wuxuu noqday mid aad loo adeegsado oo waayahan dambe si khaldan loogu beddelayo ereyga saxda ah ee “ujeeddo”. Ereygani markuu sidan u qoranyahay waa keli wuxuuna ka kooban yahay: ujeed + do (lifaaq eray beddelid). Markii wadar laga dhigo, wuxuu u qormayaa  ‘ujeeddooyin = ujeeddo+ oyin (lifaaq wadareed). Bal haddii aynnu kaba soo qaadno in ereyga ‘ujeedka’ (keli) wax saxan yahay, sidee baa wadar looga dhigi karaa? *ujeedadka, *ujeedyada.  

Ereyga ‘u jeed” oo erayga ‘ujeeddo’ laga keenay waa fal, wuxuuna leeyahay laba macne oo kala duwan. Macnaha kowaad waa marka loo adeegsado wax indhaha lagu eegayo ama lagu arkayo. Bal tusaale aan ka bixiyo sida loo adeegsado. ‘qofka halkaas taagan u jeed!, ‘xoolaha u jeed!’,  ‘waxaan u jeedaa dad jidka maraya’. Markii ereyga ‘ujeedka’ oo magac ah la adeegsado waxaa loola jeedaa jiho. Tusaale: ‘qorrax ujeedka guriga fariiso.’ Taas oo macnaheedu tahay dhinaca qorraxdu guriga ka xigto.

Macnaha labaad waa marka loo adeegsado si dadban. Tusaale, maxaad su’aasha ula jeeddaa? Taas oo macnaheedu tahay waxa aad su’aasha ula danleedahay ama ujeeddada aad ka leedahay. Haddaba, erayga ‘ujeedka’ wuxuu muujinanayaa jiho. ‘Ujeeddana’ waxaa loo adeegsadaa waxa loola dan leeyahay wax la niyeystay in la sameeyo ama macnaha ka dambeeya. Sidaa darteed, waa wax khaldan macne ahaan in ereyga ‘ujeedka’ loo adeegsado sida ‘ujeeddo’. *Ujeedkaygu waxaa weeye….. *ujeedkayagu waxaa weeye…..

Af-Soomaaliga saxda ahi waa in la yiraahdo “ujeeddadaydu waxaa weeye … Ujeeddadayadu waxaa weeye….    

  • Ereyga ‘Samee’

Ereygani waa fal loo adeegsado wax la farsamaynayo iyadoo gacmaha ama qalab la adeegsanayo. Tusaale, ‘xargo/raro samee’! ‘qalabka gacanta lagu sameeyo’. Waxaa kale oo loo adeegsadaa fal ula kac ah sida: ‘maanta waxba maan samayn’. ‘Bal waxa uu samaynayo eeg!

Hadda waayahan dambe waxaa si khaldan loo adeegsadaa ereygan. Tusaale: ‘Webiyada Jubba/Shabeelle oo fatahaado sameeyay’. ‘Waxyeellada dadka ka soo gaartay fatahaadda uu webigu sameeyay’. Haddaba webigu si ula kac ah fatahaad ma u samayn karaa? Amarse ma la siin karaa? Waxay tani ku tusaysaa in erayga ‘samee’ aan fatahaadda webiga loo adeegsan karin micne ahaan waayo webigu qof ma ahan! Sida saxda ah ee Af-Soomaliga arrintan fatahaadda webiyada lagu yiraahdo waa: ‘webiyada ayaa fatahay/webigu wuu soo fatahay’. ‘Fatahaadda webiyada ayaa waxyeello ka dhalatay’. Sida khaldan ee ereyga ‘samee’ loo adeegsado marka laga hadlayo fatahaadda webiyada waxay la mid tahay iyada oo la yiraahdo: ‘*digsigu/dherigu kar buu samaynayaa’- digsigu/dherigu wuu karayaa/karkarayaa. ‘*Nalku iftiin buu samaynayaa’- nalku wuu iftiimayaa.Falalka sida ‘kar’, ‘iftiin’ waxay ka mid yihiin falalka asalkooda aan si ula kac ah loo adeegsan karin ama la fale (object) aan qaadan karin.Markii fal gudbaya ama ‘la-fale’ qaadanaya laga dhigayo,waa in lagu daro lifaaqa (i) – ‘kari’, ‘iftiimi’.

Qoristii Af-Soomaaliga ee sanadkii 1972, waxaa la hirgaliyay Af-Soomaaliga rasmiga ah

(Somali standard) oo guud ahaan lagaga hadlo Soomaaliya gudaheeda iyo meelaha kale ee dadka Af-Soomaaliga ku hadlaa ku noolyihiin sida Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya. Afkaas rasmiga ahi waxa uu noqday afka wax lagu barto waxna lagu qoro, kan hay’adaha dawliga ahi ku shaqeeyaan, kan idaacadaha iyo taleefishinka iyo kan shaqaalaha xirfadleyda ahi (dadka xirfadaha ku shaqeeya) qoraal iyo hadalba u adeegsadaan.

Qoristii af-Soomaaliga iyo hirgalintii af rasmi ah oo dalka Soomaaliya yeesho waxay ahayd tallaabo taariikhi ah iyo horumar weyn oo waqtigaas Soomaaliya ku tallaabsatay. Haddaba waxaa nasiib darro iyo dadnimo xumo ah inaynnu taas illowno oo aynnu afkeenna hooyo rifasho iyo ragaadin joogta ah ku hayno!

Qore: Ruqiyo Aw- Maxamed faarax. (Bare/af-yaqaan afka Soomaaliga, UK).

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.