Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

60 sano kadib booqashadii Sharmaarke ee Mareykanka

Madaxweyne Kennedy iyo RW Sharma’arke

W.Q. Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon

27kii Nofember 1962kii waxaa dalka Maraykanka booqasho ku tagay wasiirkii koowaad ee Soomaaliya ee xilligaa Mudane Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Booqashada Maraykanka ee Md. Sharmaarke waxay isugu jirtay ka qaybgalka shirweynaha golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay iyo martiqaad uu ka helay madaxweynihii xilligaa ee Maraykanka John F. Kennedy. Mudane Sharmaarke oo ku hormaray Washington, waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Aqalka Cad ee looga taliyo dalkaas Mr Kennedy. Hadalladii soo dhaweynta ahaa ee ay is weydaarsadeen labada mas’uul ayaa madaxweynihii Mareykanku ku yiri RW Sharmaarke hadal sidan u dhigmaya, “Labadayada dal waxna waa ay ku kala fogyihiin waxna waa isaga mid, masaafada labada dhul u dhexeysa waanu ku kala fognahay, hase yeeshee waxaan isaga mid nahay qaab dhismeedka hay’adaha dawladaheenna oo ay kala madaxbannaan yihiin golayaasha fulinta, sharci-dejinta iyo garsoonka”.

Mudane RW Sharmaarke wuxuu u gudbiyey Kennedy salaan uu ka siday madaxweynihii Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Aden Cabdulle Cusmaan. Intaa kadib waxaa RW Sharmaarke u billowday booqashadiisii, waxaana xusid mudan in maalmahaas uu ra’iisulwasaaruhu joogay Maraykanka calanka jamhuuriyadda Soomaaliya uu markii ugu horreysay ka babbanayey dhowr meel oo dalkaas ka mid ah sida Aqalka Cad intii uu joogay, hudheelkii uu deggenaa, gaadiidkii lagu waday iyo weliba xarunta Qaramada Midoobay ee New York. RW Sharmaarke markii uu ka tagayey Washington, Kennedy wuxuu ku sii sagootiyey diyaaraddiisa khaaska ah, wuxuuna sidaa ku noqday madaxii dal shisheeye ee ugu horreeyey ee ku duula diyaaradda madaxweynaha Mareykanka.

Intaa wixii ka dambeeyey madaxweynayaal iyo ra’iisulwasaarayaal  dhowr ah oo Soomaaliyeed ayaa martiqaad iyo soo dhoweyn sare ay u sameeyeen dawladihii kala dambeeyey ee Mareykanka, waxaana ugu dambeeyey lixdan sano kadib, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhowaan booqday Washington iyo New York, Qaramada Midoobay iyo dawladda Mareykanka ayuuna martiqaad ka helay, soo dhoweyn wanaagsanna wuu helay inkasta uusan la kulmin madaxweyne Joe Biden oo taa aysan qorshahiisa horay ugu jirin, hase yeeshee uu la kulmay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda iyo xoghayaha difaaca, sidoo kalana madaxa hay’adda lacagta IMF.

Laba iyo lixdankii sano ay Soomaaliya madaxbanaanida haysatay sanooyin kooban mooyiye inta badan waxay ku tiirsanayd dalalka galbeedka oo Mareykanku ugu horreeyo, dib u curashada dawladda Soomaaliyeed sannadihii colaadda sokeeye kadibna, waxay dhaqaale iyo ciidan ahaan taageero mug leh ka heshaa Mareykan iyo xulafadiisa. Laba iyo lixdankii dalku wuxuu ahaa mid curdina wuxuuna ka mid ahaa dalal dhowr ah oo xilligaas madaxbanaanidii qaatay, Mareykankuna u soo dhoweynayey in dalalkaa laga ilaaliyo shuucuyaddii adduunka ku sii fidaysay.

Maanta Soomaaliya waa dal ka soo kabanaya dagaallo muddo dheer qaatay, Mareykankuna wuxuu safka hore kaga jiraa dalalka gacansaarka dhow la leh, iyadoo ay jirto in dalalka soo korayaa mar kale laga ilaalinayo Shiinaha oo aad mooddo in uu maroorsaday inta badan dalalka qaaradda Afrika.

Soomaaliya maanta ayey ka xiisa badan tahay 1962kii, maanta ayey uga mudan tahay in la soo dhoweeyo gacanna loo fidiyo, madaxda Soomaaliya iyaga ayaana laga rabaa in ay ka gadaan dalalka ay danuhu innaga dhexeeyaan in dalkeenu ka mid yahay kuwa ugu muhiimsan dunida marka la fiiriyo mandiqadda uu dhaco iyo khayraadka dihin ee Ilaah ku mannaystay     

W.Q. Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.