Dahabshiil
Home Articles Somali Songs About us

Al Shabaab oo sheegtay mas'uuliyadda weerarkii maanta iyo madaxweyne Xasan Sheekh oo Villa-da la dajiyay‏

Muqdisho, Sebt. 12, 2012 (WDN)- Kooxda Al-Shabaab, ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkii lagu qaaday Hotelka Jaziira ee uu deganaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo la doonayay in lagu madaxweynaha cusub, hasa yeeshee uu ka bad baaday.

War lagu soo dhigay bogga Twitter-ka ee Al Shabaabku isticmaalaan, ayaa lagu sheegay in ay wax ay ugu yeereen mujaahiddiintooda weerar geesanimo leh ka fuliyeen xarun ay sheegeen in ay ku kulmayeen cadow, sida ay warka u dhigeen.

Sidoo kale afhayeenka AlShabaab Cali Maxamuud Raagge (Cali Dheere), ayaa sheegay in weerarkaasi bartilmaameedkiisa la heleen, ayna sii wadi doonaan weerarada noocaani ah.

Laba nin oo isa soo miidaamiyay ayaa isku qarxiyay iridka hore ee Hotelka Jaziira oo ku dhow xarunta Xalane, oo ah saldhiga ugu weyn ay AMISOM fariisinka ku leeyihiin gudaha Muqdisho.

Weeraradaasi, ayaa waxa ku dhintay toddobo ruux oo isugu jira ciidama AMISOM ah, kuwa ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dadkii isa soo miidaamiyay intuba.

 
 

 

 

 

 

Madaxweynihii waqtigiisa dhamaaday ee Shariif Sheekh Axmed, ayaa gaaray Hotelka wax yar kadib markii qaraxyadaasi ay dhaceen, waxana uu sheegay in nasiib darro ay tahay in arrimahani ay dhacaan.

Waxa uu goobta ka soo kaxeeyay madaxweynaha dooran ee Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo isla soo raacay hal gaari nuuca raaxada ee aan xabadi karin, islamarkaasina wada degay xarrunta Villa Soomaaliya, oo madaxweyne Shariif la rajeynaayo in uu baneeyo wixii ka dambeeya maalinta Axadda, oo munaasabadda xil la wareegidda ay dhici doonto.

Labada madaxweyne ayaa hadda si wada jir ah ugu wada nool xarrunta Villa Soomaaliya, oo ay si weyn u adkeeynayaan amnigeeda ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Wafdigii ka socday dalka Kenya oo uu hoggaaminaayay Professor Sam Ongeri, wasiirka arrimaha dibadda Kenya oo madaxweynaha hambalyo uga siday madaxweynahiisa, ayaa dib ugu noqday dalkooda Kenya iyagoo sidoo kale bad qaba, xilli qaraxyada ay dhaceen intii ay wafuudda ku sugnaayeen hotelka Jaziira sidoo kale.

Jamaal Cismaan
WardheerNews, Nairobi


Copyright © 2012 WardheerNews.com