Dahabshiil
Home Articles Somali Songs About us  

Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada & liiska magacyada musharixiintii buuxisay sharuudaha oo la shaaciyay

Muqdisho, Sebt. 06, 2012 (WDN)- Guddiga doorashada madaxtinnimada dalka Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday inay soo gabagabeeyeen howshii diiwaan galinta musharrixiinta u taagan xilka madaxtinnimada dalka.

<script type="text/javascript"><!--
google_ad_client = "ca-pub-0972684763151837";
/* WardheerNews.com */
google_ad_slot = "1684824057";
google_ad_width = 728;
google_ad_height = 90;
//-->
</script>
<script type="text/javascript"
src="http://pagead2.googlesyndication.com/pagead/show_ads.js">
</script>

Afhayeenka guddigaasi Cismaan Libaax, oo galabta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay in howsha diiwaan galinta ay si wanaagsan ku bilaabatay ayna sidoo kale si heersare ah ku soo idlaatay.

Waxa uu Cismaan Libaax sheegay in 37 musharax ay qaateen foomamkii araajida xilka madaxtinnimo dadka u tartamaya, hasa yeeshee ay shuruudihii lagu xidhay ay buuxiyeen 25 musharrax.

Musharixintaasi ay tiradoodu dhantahay 25ka oo noqonaya kuwa sida rasmiga ah ugu tartami doona xilka madaxweynenimada Soomaalyia, ayaa waxay kala yihiin sida uu guddigu shaaciyay:-

1 Axmed Ismaaciil Samatar.
2 Bashiir Nuur Bidaar.
3 Cabdullaahi Axmed Caddow.
4 Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex.
5 Cabdiweli Maxamed Cali.
6 Cabdiraxmaan Macallin Baadiyow.
7 Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi.
8 Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
9 Cabduqaadir Cosoble Cali.
10 Cismaan Maxamed Gacal.
11 Cumar Salaad Cilmii.
12 Ibraahim Cali Xuseen.
13 Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
14 Maxamed Cabdullaahi Oomaar.
15 Maxamed Axmed Saalax.
16 Maxamed Cabdiweli Sheekh Yuusuf.
17 Maslax Maxamed Siyaad.
18 Shariif Sheekh Axmed.
19 Salaad Cali Jeelle.
20 Saciid Ciise Maxamuud.
21 Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi.
22 Xasan Sheekh Maxamuud.
23 Xaaji Maxamed Yaasiin.
24 Xuseen Khaliif Jaamac.
25 Yuusuf Garaad Cumar.

Liiskan kama dambeysta ee ay maanta saxaafadda u soo gudbiyeen guddida doorashada madaxweynimada, ayaa waxaan ka dhex muuqan xubno badan oo hore ugu dhawaaqay in ay jagadaas u tartami doonaan, oo uu ka mid yahay ra'iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya md. Cali Maxamed Geeddi oo isagu shalay Muqdisho yimid sheegayna inuu ka qayb galayo tartankaas.

Ma cadda sababta Geeddi uga hadhay liskan, hase yeeshee musharrixiin kale oo badan oo quudarraynayay xilka madaxtinmada Soomaaliay, ayaa la sheegayaa in ay uga hadheen tartankaas iyagoo ku guuldarraystay in ay bixiyaan lacagta diiwaan gelinta musharixiinta oo dhammadayd toban kun oo dollarka Maraykanka.
Guddiga doorashada madaxtinnimada, ayaa sheegay in beri ay bilaabmi doonto dhageysiga qudbadaha musharaixiinta oo min toban ruux loo kala qeybiyay, taas oo socon doonto illaa iyo maalinta Axadda ah iyadoo Isniintana ay doorashada dhici doonto.

Wixii warar ah ee ku soo kordha doorashada madaxtinnimada kaga bogo WardheerNews.com Insha ALLAH.


Jamaal Cismaan
WardheerNews, Nairobi


Copyright © 2012 WardheerNews.com