Dahabshiil
Home Articles Somali Songs About us  

Soo dhawentii Farmaajo ee Muqdisho oo dad ku dhinteen

Muqdisho, Agoosto 09, 2012 (WDN)- Raysal wasaarihii hor ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa maanta dib ugu noqday magaalada Muqdisho muddo sanad ah ka dib, isagoo markan ah musharax u taagan xilka madaxtinimo ee dalka Soomaaliya.

Md. Farmaajo oo ay si diiran Muqdisho ugu soo dhaweeyeen xubno hore uga tirsanaa golihiisa wasiirada, saraakiil ciidan, xildhibaano iyo dad kale oo rayid ah, ayaa hadal kooban saxaafadda ku siiyay garoonka Muqdisho ku sheegay in sababta ku kaliftey in uu musharax hadda noqdo ay tahay, iyadoo howshii uu bilaabay uu doonaayo in uu dhameystiro, waxana uu wax laga xumaado ku tilmaamay in askarta dowladda aanay mushaar joogto ah qaadan tan iyo markii uu xilka raysal wasaaranimo ka tagay.

Xukuumadda hadda jirta, ayuu ugu baaqay inay daryeelaan ciidanka guud ahaan, oo ay sidoo kale indhaha ku hayaan ciidamadii hore ee naafada.

Odayaasha dhaqanka, ayuu kula dardaaramay Maxamed Cabdullaahi inay soo xulaaan xildhibaano tayo leh oo waddanka samatabixin kara, waxaana uu sheegay haddii uu ku guuleysto xilka madaxtinnimo uu ku dadaalayo sidii dalka dhibaatada looga saari lahaa.

Ugu dambeyn Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, ayaa u mahad celiyay shacabka reer Muqdisho oo uu yiri “Waxay ii soo dhaweeyeen si aan hagar lahayn”.

Dhinaca kale in tii uu socday dibad bax lagu taageerayay musharaxnimada Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, ayaa waxa shaqaaqo ay ka dhacday barxaddii Sayidka ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay laba ruux ku dhinteen.

Gaari ay la socdeen qaar ka mid ah ciidamada meleteriga, ayaa rasaaseeyay meel ay dad taageerayay Farmaajo ku xoonsanaayeen, kadib markii ay ciidamada u suura gali waysay inay kala eryaan dadkan dibad baxyada dhigaayay.

Labada ruux ee dhimatay, ayaa la sheegay inay kala ahaayeen askari boolis ah oo amaanka ilaalinaayay iyo odey da’ ah oo ka mid ahaa taageerayaasha Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Dhacadaasi kadib, ayaa raysal wasaaraha Soomaaliya
Dr. Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas, waxa uu isugu yeeray kulan deg deg ah taliyayaasha ciidamada booliska, nabad sugidda iyo meleteriga oo looga hadlay dhacadaani.

Jamaal Cismaan
Wardheernews,Nairobi

 

Copyright © 2012 WardheerNews.com