Book Reviews
|
|
|
By Hassan Abukar |
|
|
Doorashada Madaxweynaha: Tijaabadii 1aad ee Xildhibaannada Baarlamaanka Cusub
W/Q Khaliil Cabdiraxmaan X. Xasan
Sept 09, 2012
|
Shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaanba dadka daneeya arrimaha Soomaalidu, waxay si aad ah isha ugu hayaan doorshada maalinta berri oo taariikhdu tahay 10 Sebtember ka dhici doonta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Waa doorasho ka geddisan doorashooyinkii 21kii sanno ee aan soo dhaafnay lagu soo dooran jiray madaxweynayaashii magac u yaalka ahaa ee iyaga iyo dawladdoodaba lagu soo dhoodhoobi jiray wadamada dibadda.
Doorashadani waxay ka dhacaysaa wadanka gudihiisa, iyadoo illaa haddana aanay muuqan amaba ay aad u yartahay faragelintii iyo saamayntii ay ku yeelan jireen waddamada shisheeye cidda ku guulaysanaysa. Waxaa xusid muddan in doorashadani ay ku soo aaday ka gadaal geeridii ra'iisal wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi, oo lagu tirin jiray in uu si aada saamayn xoogan ugu lahaa guud ahaan arimaha Soomaaliya. Doorashadani waxay kale oo ay ku soo beegmaysaa xilli ay shacabka Soomaaliyeed ka muuqato bislaansho siyaasaddeed, islamarkaana aad moodo in laga soo bogsoonayo cudurkii iyo caadifaddii qabiil ee Soomaalida dishooday.
Inkastoo ay shacabka Soomaaliyeed meelkstoo ay joogaan ay si xamaasad iyo niyadsami ah u hadal hayaan doorashadan, haddana ma ahan iyagu kuwa waxdooranaya. Xildhibaanno tiradoodu gaadhayso 275 oo ay beelaha Soomaaliyeed iska soo dhex xuleen iyadoo la adeegsanayo nidaamka 4.5 ayaa maalinta berri ah dooran doona madaxweynaha Soomaaliya hogaamin doona afarta sanadood ee soo socda.
Dhanka kale musharrixiin ay tiradoodu gaadhayso 25 qof ayaa u taagan oo ku tartami doomi jagada madaxweynenimada Soomaaliya. Musharixiintan oo labadii maalmood ee aan soo dhaafnay horyimid Baarlamaanka, kana jeediyey qorshe hawleedkooda ayaa ay ka dhex muuqdaan kuwo badan oo aqoon, karti, akhlaaq iyo waayoargnimaba ku sifoobay,oo haddii xilkaas loo doorto wax badan ka bedeli kara xaallada qallafsan ee ka jirta Soomaaliya. Iyada oo durba ay soo baxayaan ama aan arkayno isbahaysiyo iyo ol'ole looga gol leeyahay sidii xildhibaanada codkooda lagu heli lahaa ama saamayn loogu yeelan lahaa.
 |
Haddaba su’aasha dad badani isweydiinyaan ayaa ah xildhibaannadu ma u dooran doonaan xilkaas qofkii ku habboonaa?
Waayo aragnimada laga kasbaday habdhaqanka siyaasiyiinta Soomaaliyeed waxay innagu khasbaysaa in aan marwalba indho shaki iyo kalsooni darro ah ku fiirino siyaasiyiintaas.
Xusulduubka iyo dhadhaqaaqyada ay wadaan shakhsiyaad ka mid ah musharrixiintu si ay xaq iyo xaq darroba u helaan codka xildhibaanadu waa arrin sidoo kale innagu khasbi karta in aan rumaysanno wararka tirada badan ee laga soo sheegayo sayladda kala iibsashada codadka xildhibaanada.
Waa wax aan qofna caad ka saarnayn in madaxweyne lagu soo doortay laaluush uu bixiyay iyo xildhibaan laaluush qaatay aanu midkoodna khayr iyo maamull wanaag u soo wadin shacabka Soomaaliyeed ee xukuumad wax ku ool ah oo si caddaalad ah ugu adeega u ooman.
Haddii ay xildhibaananda Soomaaliyeed daacad ka tahay in ay wadanka badbaadiyaan kana dhabeeyaan dhaartii ay kitaabka gacanta saareen, waxaa maanta hortooda tuban aqoonayahanno karti, hufnaan iyo daacadnimo ku sifoobay una diyaar ah in ay ummadda u shaqeeyaan ee aanay ka shaqaysan. Aqoonyahanno hiraal leh oo si siman ula xaajoon kara dhiggooda wadamada shisheeye, iyadoon usha cid kale u hayn. Aqoonyahanno dantoodii gaar ahaan u soo dayacay si ay dadkooda iyo dalkooda dulinimada uga saaraan.
Ha ogaadeen xildhibaannadu in maanta mustaqbalka Soomaaliyeed ilaahay ka sokow uu gacantooda ku jiro, haddii ay haadaan ka tuurayaan iyo haddii ay horumar iyo badhaadhe u horseedayaanba. Maanta go’aanka ay qaataan xildhibaanadu waa mid ay taariikhdu xusi doonto.
Waxaan shaki lahayn in doorashadani noqon dooto tijaabadii 1aad ee la soo gudboonaata xubnaha Baarlamaanka, qaabka ay u maareeyaana uu saadaal u noqon doona shaqa wanaagga, wadaninimada, damiirka iyo waxqabadka mustaqbalka laga filan karo.
Xildhibaanow ha ka dooran mustaqbalka iyo aayaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed macmacaan iyo malabsi aan macno lahayn oo aad maalmo ku dheefto.
Khaliil C/raxmaan X. Xasan
WardheerNews, London.
Email:khaliilha484@hotmail.com
____________________________________________________________________
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
WardheerNews will only consider articles sent exclusively.
Please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.
WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.
WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2012 WardheerNews.com |