Book Reviews
|
|
|
By Hassan Abukar |
|
|
Hargaysa: Magaalo u baahan Dugsi Fikir
By Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq)
Ock 19, 2012 |
Guushu sida ay macaansi iyo dhadhansi u leedahay ayay guuldaraduna marka qadhaadhka hore laga gudbo u yeelataa dhadhansi iyo macaansi. Xaalladan danbe ee khatarta ahi waxay bilaabantaa marka qofku guul-daradiisa dusha ka saaro dadka kale, ee uu naftiisa bari ka yeello. Halkani waa heerarka ugu hooseeya ee ilma aaddan gaadhaan, waxa ka hooseeya malahayga dhimashada. Haddaba, naftan taagta darani awood uma laha iska caabinta dhirbaaxooyinka dabiicadda ama dadka, sidaa darteed waxay ciirsataa cadho iyo cabudh.
Ku go’aan qaadashada labadana waxa ka soo baxa ciil iyo cuqdad. Ciilkan iyo cuqdadanna waxay meesha ka saaraan geesinimadii caqliyeed ee aad u lahaan lahayd afkaarta cusub ee adduunka ku soo kordhaysa inaad qaabisho.
 |
Haddaba, waxaan dhawaan fasax ku tagay dalkii. Fasaxaasi tabnaan(-) iyo tognaan(+)labadaba waa lahaa. Tabnaantiisa waxa ka mid ahayd inaan ku koobnaado Hargaysa iyo hareeraheeda, duruufo ardaynimo iyo caajis aan isaga dhashay labadaba. Tognaantiisana waxa ka mid ahayd inaan qaybaha kala duwan ee bulshada; qalin-yahan, qabiil-yahan, qaad-yahan, qurbe-yahan, urur-yahan, firqo-yahan, gaajo-yahan, dhereg-yahan, jaahil-yahan la falgalo, la sheekaysto, la kaftamo, mararna quusaba illaa ubucda dareenkooda, anniga oo u muraad leh inaan ogaado heer fikirkooda, adduun arragooda iyo himilo mustaq-baleedkooda.
Arrintani ma adka marka aad Hargaysa, siiba badhtamaha suuqa, maqaaxida Bangiga dhexe ku hortaalla ee “Dulcad” shaaheeda shiillan kula fuudayso dadwaynaha nooc walba leh ee halkaa isugu yimid, ama saarran tahay Basaska u baxa daafaha magaalada, dhugmadaaduna cabaysan tahay. Waayo? dadku saraaxad ay isaga dhasheen waxa u lamaaneeyay xoriyad hadal oo aan xuduud lahayn.
Haddaba, u kuur-galkaas ka dib, waxaan arkay dad lagu beeray dareen cabsiyeed, murugeed, war-wareed oo ku aaddan adduunka iyo aakhiraba. Haa, addduunka oo koonfurta Soomaaliya ugu horayso, Itoobiya ugu dhaxayso, reer galbeedna ugu danbeeyo. Dareenadan waxa ku beeray siyaasi dan leh iyo wadaad duunyo raba. Waxaanay dadka gayaysiiyeen go’doon nafsadeed,caadifadeed iyo firaaq badan oo nololeed. Sidaa darteed qof waliba wuxuu dareemayaa in la beegsanayo oo aannu haysan cid ka xijaabta sharka. Tani waxay dadka u fududaysay inay isku mashquulaann (keeb la yuurur ahaadaan), kana mashquulaan daboolidda baahiyaha aasaasiga u ah nolosha sida biyaha, caafimaadka iyo waxbarashada. Tusaale ahaan, biyuhu marar dhawr cisho ayay maqnaanayaan, haddana cid sababta iyo sidii xal kama danbaysa looga gaadhi lahaa is waydiinaysa ma arkaysid. Waa la cabanayaa uun, cabashadaas qof waliba waa isku bari yeelayaa.
Halkan waxaad ka dareemaysaa in aragti dhaliyayaashii bulshadu meesha ka maqan yihiin. Oo tolow maxaa ka maqnaysiiyay? Aragtida dadka lagu abuuray ee ku aaddan fikirka. Oo maxay tahay aragtidaasi? Inaan caqliga iyo diintu meel wada mari karin, sidaa darteed dadku inay adduunyada ku silcaan ay ka wanaagsan tahay inay aakhiro ku saxariiraan. Oo aragtidan qaldan yaa ku abuuray? Wadaad arrinkiisu yahay: Baqali ma dhasho wax dhalana ma doonto. Oo tolow muxuu ugu abuuray? Ogaal la’aan badan oo adduunka, aqoonta iyo fikirka ka haysa.
Haddaba, waxa halkaa gawrac loogu jiiday awoodda dhabta ah ee illaahay addoomadiisa ku galaday oo ah Caqliga. Tanina waxay dhashay, baahi calooleed, cilmiyeed, caqiideed, cudureed oo bulshada ku habsaday, illaa haatanna haysta.
Haddaba, bal si aan u soo dhawayno arrinka waa maxay fikir? Waa shaqada caqligu qabto isaga oo ka duulaya wixii uu garanayay, kuna baadi goobaya wax aannu garanayn. Weli imaad fahmin, waa rog-roga iyo ruugidda arrin kula soo gudboonaatay iyo xal u raadinteeda. Weli si baad ii soo eegaysaa, waa u kuur galka dhibo ku haysta, sababtooda iyo sidii looga bixi lahaa dajinteeda.
Haddaba, warcelinahan waxaan ku dabaqi doonaa qormadeenna labaad, waxaanse ku waydiiyay: Hargaysi ma u baahan tahay Dugsi Fikir si ay u noqoto Hoyga fanka iyo fikirka Soomaaliyeed? Haddii aanay suurta gal ahayn ma u baahan tahay in xiisad fikir lagu daro Dugsiyadeeda? Ka horse ma loo helayaa macallimiin dhigta?
Alla Mahad leh.
Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq)
Email:Awliyo177@hotmail.com
--------------
Axmed waa qoraaga buugga "Dhab u fiiri waayaha" waxa uu wax ka dhigtaa dalka Masar, isla markaana si joogto ah wax ugu qoraa degalka WardheerNews.
____________________________________________________________________________________
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
WardheerNews will only consider articles sent exclusively.
Please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.
WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.
WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2012 WardheerNews.com |