Toban Jaamacadood oo Afrikaan ah oo wada qorshe tijaabo ah oo manhaj iskumid ah loogu samaynayo.

Jaamacadda African Virtual University (AVU) oo xarunteedu tahay Nairobi ayaa ku hawlan sidii ay jaamacadaha Afriki u yeelan lahaayeen mahnhaj isku mid ah. Mashruucan oo uu maalgelinayo Bangiga Horumarinta ee Afrika ayaa waxa wejigiisa hore si tijaabo ah loogu diyaarinyaa manhaj ay yeelanayaan Kuliyadaha Waxbarashada ee 10 Jaamacadood oo ku kala yaal dalalka Afrikada Bari.

Si qorshahani uu u hirgalo ayaa AVU ay soo diyaarisay workshop ay Nairobi isugu yimaadeen tobankaasi jaamacadood. Kaasi oo socday 24 – 29 October 2005.

Workshop oo lagu diyaarinayay manhajka Kuliyadaha Waxbarashada ee Jaamacadaha wadamadaas ayaa waxa ka qayb galay Jaamacadaha Camuud, Hargeysa, Jaamacada East Africa (Bosaaso), Nairobi University iyo Jimma University (Ethiopia).

Qorshahan ayaa ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee laga hirgeliyo Afrika, waxana wejiga 1aad ee mashruucan loo qoondeeyey in ay ku baxdo lacag dhan 7.22 milyan oo dolar taasi oo uu ku deeqay Bangiga Horumarinta ee Africa . Wajiga labaad ee mashruucan ayaa lagu wadaa in ay ka qayb qaataan 25 jaamacdood oo ku kala yaala wadamada Badhtamaha iyo Galbeedka afrika.

Abdirashid A. Hassan,
Hargeisa

Copyright © 2005 Wardheernews.com