|
|
Muqdisho, Nov 10, 2005 (WDN) - Ciidmada la dagaalanka argagixisada geeska Afrika ee wadanka Germany ka socda, ayaa lagu wadaa in ilaalo ay ka qabtaan markab dalxiis oo wadankaasi laga leeyahay kaasi oo doonayo in xeebaha Soomaaliya uu kusoo tamashleeyo sida ay sheegayaan warar na soo gaadhay. Markabkan oo lagu magacaabo MV Deutschlandz ayaa haatan waxa uu ku suganyahay gobolka geeska Afrika, waxaana la filayaa inuu dhawaan xeebaha Soomaaliya usoo kicitimod sida uu sheegay afhayeen u hadlay shirkada markabkan iska leh.
Afhayeenkan ayaa sheegay in xiriir ay la sameeyeen wasaarada arimaha gudaha Germany si markabkasi aanu ugu dhicin gacanta burcad badeeda Soomaaliyeed ee maalmahan ku howlan afduubka maraakiibta.
Maalmo ka hor eyey ahayd markii markab dalxiis oo marayey xeebaha wadanka Somaaliya la weeraray, hasa yeeshee wuu ka badbaaday burcadii dooneysay in ay afduubtaan.
Ciidmada Germany ee ku sugan geeska afrika ayaa gobolka yimid ka dib weeraradii dhacay 11-kii September, waxaana xeebaha geeska Afrika loo keenay in ay la dagaalamaan argagaxisada la sheegay in gobolkan ay joogto gaar ahaan Soomaaliya.
WardheerNews, Muqdisho
C/laahi Sheekh Ismaacil oo wareysi dhinacyo fara badan taabanayey siiyey wakaalada wararka u faafisa wadanka Masar, ayaa sheegay in ujeedada socdaalka wafdigan uu yahay mid xaqiiqda raadin ah isla markaana ay arintan muhimad u leedahay dowlada federaalka kmg ah ee Soomaaliya.
Mudane Ismaaciil ayaa sheegay in booqashadan ay tahay mid walaaltinimo isla markaana ay noqonayso mid socota oo aan istaagi doonin, isagoo sheegay in wafdigan ay baaritaan ku samaynayaan sida ay u socdaan howlaha dowlada KMG ah ee Soomaaliya ee magaalada Jowhar.
Danjira C/llaahi Sheekh Ismaaciil ayaa wax laga weydiiyey kulankii dhex maray Geedi iyo samiir Alxusni waxa uu sheegay in labadaasi mas'uul ay kawada hadleen sidii iskaashi ballaaran uu u dhex mari lahaa jaamacada carabta iyo dowlada federaalka Soomaaliya, danjire C/Laahi waxa kale oo uu sheegay in ay filayaan in jaamacada carabta ay kusoo biireyso wadamada deeqaha balaaran siiya dowlada federaalka.
Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa cadeeyay in haatan dhul balaaran loo calaameeyey jaamacada carabta, kaasi uu noqon doona xarunta jaamacada carabta ee magaalada Jowhar si howlaha jaamacada carabta loogu sii wado inta dowlada kmg ahi ka u guureyso Muqdisho
Maxamed Cumar Aden, Copyright © 2005 Wardheernews.com |