Gorfaynta Gabayga

Cabdillaahi Diiriye Guuleed  “ Carraale”

July 15, 2008
Print Friendly


Odhaahda Tifaftiraha:

Wardheer News waxa akhristayaashi la socday dooddii “Miisaanka Maansada” ay usoo bandhigaysaa buuggii  Bare Sare Carraale ee Gorfaynta Gabayga ee uu daabacay horraantii sannadkii 1976. Carraale wuxu xilligaa ku afjaray buugga magaalada Marka.

Sida waraysigii ay WardheerNews la yeelatay Carraale ku cad waxa uu ku xejiyey buuggaas mid labaad oo la yidhaahdo "Miisaanka Maansada". Kaas oo uu ku xusay Carraale Gebagebada buugga (eeg bogga 51). Waxa uu Carraale halkaas ku sheegayaa  in uu hawshan qaybteeda dambe  oo uu  u bixiyey "Miisaanka Maansada" uu ku soo bandhigayo qaybaha kala duwan ee maansada.

Waxa Golaha Tifaftirka ee WardheerNews rajayanayaa in qoraalkan oo daabacaadda ka baxay (out of Print) ay dadka darsa Af Soomaaliga ama xiiseeya aqoonta la xidhiidha afka Soomaaligu ay ka faa’iidaysan doonaan. Waxa sidoo  kale ay Mareegtani soo gudbin doontaa dhawaan haddii Eebbe idmo wareysiyo, qoraallo iyo daraasado la xidhiidha Miisaanka Maansada iyo aqoonta kale ee af  Soomaaliga iyo suugaantiisa .

Ugu dambayn waxa aanu mahad gaar ah u jeedinaynaa Bare Sare Carraale oo noo ogolaaday in aanu buuggan halkan ku soo daabacno.

Si aad u akhrisato qoraalkii Gorfaynta Gabayga oo dhamaystiran fadlan guji halkan
                                                                                 


Copyright © 2008 WardheerNews.com