|
|
Tan iyo intii uu la wareegay madaxtinimada laanta afka Soomaaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad Cumar Axmed, waxaa isa soo tarayay cabashooyinka iyo eedaymaha ay dhagaystayaasha iyo maamulada ka jira Soomaaliya u soo jeedinayeen idaacaddan oo ah midda ugu dhegaystayaasha iyo saamaynta badan ee ku hadasha afka Soomaaliga. Eedaymayha loo soo jeediyo BBC-da oo aad u fara badan ayaa waxaa ka mid ah in aanay si dhexdhexaad ah uga waramin dhacdooyinka iyo wararka ay ka soo gudbiyaan Soomaaliya. Waxaa ay dad badani qabaan in BBC-du ay dad gaara wararkooda buunbuunin iyo xayaysiis u sameeyaan, halka ay qaar kalena dacaayado iyo sumcad dil ku hayaan, iyagoo isla markaana dhacdooyinka muhiimka ah ee aanay jeclaysan iska indhatira ujeedada ay doonaan ha ka lahaadeene. Haddaba waxaan qormadan ku eegi doonaa idaacaddan, anigoo isku deyi doona soo bandhiga sababaha keenay eedaymaha aan dhaammaan iyo guud ahaanba duruufaha ku gadaaman shakiga iyo walaaca laga muujiyay tifatiraha idaacaddan. Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da ayaa dhidibadda loo taagay 18 July 1957, xilligaas oo ay Boqortooyada Biritayn ka talinaysay gobolada waqooyi ee Soomaaliya.
Xilligaas wixii ka dambeeyay waxay idaacaddani noqotay midda ugu dhegystayaasha iyo saamaynta weyn ee warbaahinta ku hadasha afka Soomaaliga. Laba arimood ayaan ku sababayn karnaa sumcadda iyo magaca ay BBC-du ka kasbatay shacabka Soomaaliyeed. 1- Tayada saxaafadda gudaha Soomaaliya oo aad u liidatay, isla markaana ay dawladdu gacanta ku haysay. Dhageytayaasheeda ka sokow waxaa maalinba maalinta ka dambeysa sii kordhayay waqtiga ay hawada ku jirto, shaqaaalaheeda iyo dhaqaalaha ay dawladda Britayn ku bixiso idaacaddan. Haddaba wixii ka horeeyay markii Yuusuf Garaad la wareegay madaxtinimada idaacaddan way yarayd ama maanay jirinba ahmiyadda ay dhageystayaashu siiyaan cidda madaxa u ah idaacaddan. Xataa waxaa dhici karta in dhegystayaasha badankooda aanay aqoon u lahaan jirin magaca tifatiraha laanta af Soomaaliga ajnabi ama Soomaali mid kuu doono ha noqdee. Sidaas darteed cidda keliya ee cabasho ka soo jeedin jirtay idaacaddani waxay ahayd xukuumaddii Maxamed Siyaad, oo aan iyadu jeclayn in la sheego xaqiiqada dalka ka jirtay, warbaahinta xorta ah iyo xoriyadda fikirkana nacayb weyn u haysay. Waxaa xusid mudan xilliyaddii ay dagaaalada ba’ani ka dhex aloosnaayeen qabiilooyinka Soomaaliyeed in idaacadda BBC laanteeda Soomaaliga iyo shaqaalihii xilligaasi ka hawlgelayay ka badbaadeen eeddaha qabiil la safashada iyo dhinac u xaglinta ee waayadan dambe hadheeyay idaacadda. Madaxa laanta af Soomaaliga Mr.Yuusuf Garaad Cumar oo ah runtii nin aad u firfircoon, waxa uu markii uu la wareegay madaxtinimada idaacaddan isbedel muuqda ku sameeyay barnaamijyadii ka bixijiray idaacadda oo aan muddo dheer wax dib u eegid ah lagu samayn. Waxa uu meesha ka saaray barnaamijyaddi maalmaha iyo mawduucyada u kala qaybsanaa badankooda, isagoo ku bedelay barnaamij maalmeed arimaha iyo dhacdooyinka markaas taagan lagu soo tebiyo. Waxaa kaloo uu Yuusuf Garaad isbedel ku sameeyay weriyayaashii ka shaqayn jiray idaacaddan, isagoo isla markaana abuuray weriyayaal wararka ka soo dira gobolada dalka qaarkood iyo wadamada kale ee Soomaalidu ku nooshahay. Haddaba tuhunka iyo eedaha loo soo jeediyo Yuusuf Garaad waxay soo baxeen ka dib markii uu weriyayaal ka shaqayn jiray Idaacadda uu shaqada ka fadhiisiyay, isagoo ku bedelay kuwo kale oo la sheego in ay ku jiraan dad aan lahayn habayaraate aqoon iyo waayo aragnimo saxaafaddeed midna oo hayb qabiil lagu soo xulay. Waxaa dad badan u cuntami weyday sababta weriyaal waayo arag ah dadkuna aad u jeclaayeen oo sumcad ku dhex lahaa saxaafadda Soomaalida, mar keliya shaqada looga fadhiisiyay looguna bedelay kuwo kale oo saxaafadda ku cusub. Xilligaas wixii ka dambeeyay waxa uu Yuusuf Garaad si buuxda gacanta ugu dhigay hannaanka iyo shaqada idaacaddan isagoo marba dhinacii uu doono u jiheeya. Xayaysiisntii la yaabka lahayd ee ay idaacadda BBC-du laanteeda afka Soomaligu u samaysay dawladdii Carta ee uu hogaamin jiray C/qaasim Salaad ayaa ah arin ay dad badani si kale u fasirteen. Taasi oo si buuxda indhaha dhageystayaasha ugu soo jeedisay tifatiraha idaacaddan Mr. Yuusuf Garaad. Waxa uu tuhunkii sii batay wixii ka dambeeyay dhismihii dawladda FKMG Soomaaliya ee madaxweyne C/laahi Yuusuf hogaamiyo, oo la sheego in BBC-du si cad uga hor timid kana baahisay dacaayado dhan ka ah. Waxay xilligaas BBC-du xoogga saartay wararka dagaal oogayaashii reer Muqdisho ee ka fallaagoobay dawladda bilawgii iyo hawlihii ay ka wadeen Muqdisho. Waxaa kaloo jirta in BBC-du had iyo jeer wareysato aqoonyahano Soomaaliyeed oo la sheego in saaxiibtinimo gaar ahi ka dhexeyso tifatiraha. Kuwaas oo ay shacabka Soomaaliyeed ka wada dheregsanyihiin aragtidooda iyo mawqifkooda ku aaddan arimaha murugsan ee Soomaaliya siiba dawladda FKMG ah iyo qadiyadda gooni isu taagga Somaliland. Haddaba iyadoo ay jiraan aqoonyahano farabadan, aragtiyo kala duwana ka qaba xaaladda Soomaaliya, ayaa waxaa caado noqotay in mar walba ay BBC-du wakhti badan siiso aqoonyahano gaara oo ay ka mid yihiin walaalaha ilmo Samatar. Kuwaasi oo hadda u eeg in ay ka tirsan yihiin shaqaalaha idaacadda. Aqoonyahan Soomaaliyeed oo ku sugnaa muddo dheer koonfurta Soomaaliya ayaa ii sheegay in uu marar badan la soo xidhiidhay BBC-da laanteeda Af Soomaaliga si uu wax uga yidhaahdo xaalad muhiim ah oo ka jiray deegaanka uu joogay, haseyeeshee aanay marnaba dheg u jalaq siin madaxda BBC-du. Soo ifbixii Maxakiimtii Islaamiga ee Muqdisho ka abuurmay, iskuna fidiyay qaybo kale oo ka mid ah Soomaaliya iyo qaabkii ay u wajahday BBC-du ayaa iyana ahayd arin ka fog dhexdhexaadnimada la sheego in ay ku shaqayso idaacaddani. Xilligii Maxaakiimtu ka talinayeen caasimadda iyo qaybo ka mid aKoonfurta Soomaaliya BBC-du waxay gaadhay heer ay salaanta gacaltooyo ee Bariise iyo Sh. Daahir Aweys war uga dhigaan dhegeystayaasha, lana kala garan waayo weriyeyaasha BBC-da iyo afhayeenaddii Maxaakiimta. Waxaa intaasi sii dheeraa oo dad badan ku noqotay amakaag, iidheh dii uu u sameeyay markii lagu dhawaaqay maamul goboleed loogu magac daray “ Galmudug “ bishii Augost ee 2006 .. Kaasi oo uu siiyay barnaamij khaas ah muddo ku dhaw saacad (prime time air),”. Dad badan ayaa u arkey arintaaasi borobogaandho looga gol leeyahay qabiil iyo hayb la rabo in laga dhaadhiciyo shacbiga Soomaaliyeed ee dhagaysta Idaacadda BBC-da. Galmudug waxa ugu horeysay ugana danbeysay ka hadalkeeda xayaysiiskii uu Yusuf Garaad u sameeyay. Magacii iyo sumcaddiii BBC-du waxaa bedelay maanta in ay dad badani u aqoonsadaan idaacaddan iyo tifatiraheeda qayb ka mid ah dhibaatada Soomaaliya, lana barbar dhigo dagaal oogayaasha dhibta ku haya shacabka Soomaaliyeed.
Sidaas darteed la yaab ma laha in aan aragno marar badan Soomaali Boodhadh sidata oo ka hor mudaharaadaysa daarta Bush House. Maanta BBC-du waxay noqotay Yuusuf Garaad , sidaa darteed la yaab ma leh in BBC-da loogu yeedho idaacaddii Yuusuf Garaad. Barnaamij iyo wareysi kasta oo muhiim ah isagaa soo jeediya. Barnaamijka aragtida dadweynaha ee maalinta jimcaha baxa ayaa dad badani u arkaan barnaamijyada uu sida gaarka ah Yuusuf Garaad ajendayaashiisa qarsoon ugu fushado Dadka inta badan fikraddahooda la soo daayo iyo masuuliyiinta ama aqoonyahanada lagu martiqaado ayaad moodaa in ay yihiin dad fikirkooda lagu soo xulay. Wareysiyada qaarkood marka uu qaadayo Yuusuf Garaad waxaad ka dhex arakaysaa caadifad ku salaysan dano shaksi ama qabiil. Waxaa tusaale cad arintan inoogu noqon kara wareysigii uu la yeeshay afhayeenkii hore ee dawladda Diinaari, markii irridaha loo xidhay idaacaddaha Horn Afrik , shabelle iyo midda Quraanka kariimka ah. Wareysigaas waxaa ka muuqatay cadhada uu ka qabo Yuusuf Garaad arintaa, waxaana laga dhadhansan karay warysigaasi in isaga ay si gaara u taabanaysay arintaasi, sababtu wax kasta ha ahaatee. Waxaa kaloo iyana jirta in weriyeyaasha uga soo warama laanta af Soomaaliga geeska Afrika aanay isku dheeli tirnayn. Waxaad moodaa in ay xoogga saaraan koonfurta Soomaaliya iyo wadanka Kenya oo ay u joogaan weriyayaal badan oo qaarkood aanay si fiican ugu hadli karin afka Soomaaliga, halka ismaamulka deegaanka Soomaalida Itoobiya aanay u joogin habayaraadee wax weriye ahi. Haddaba cabasho kasta, qoraal, mudaharaad iyo si kasta oo la isugu dayay in wax laga qabto xaaladda ay hadda ku sugantahay BBC-du ,waxay noqdaan bar kuma taal aanay waxba ka soo qaadin madaxda sare ee world Service. Taasina waa ta kalsoonida buuxda uu Yuusuf Garaad ugu helay inuu waxyaabaha lagu eedaynayo halkooda ka sii miiso. Inkastoo ay BBC-da weli u rahmanyihiin dhagaha dad badan oo Soomaaliyeed, haddana waxaan shaki ku jirin in dhegeystayaasheedu ay maalinba maalinta ka dambeysa hoos u sii dhacayaan, maadaama ay jiraan hadda ilo kale oo ay ka heli karaan warar miisaaman.. Aasaaskii laanta af- Soomaaliga ee codka Maraykanka(VOA) oo tayo ahaan aan odhan karno waxay barnaamijyadeeda iyo shaqaalaheeduba ka heer sareeyaan BBC-da, ayaa dhabar jab weyn ku ahayd laanta afka Soomaaliga ee BBC_da oo iyadu muddo dheer ahayd idaacadda keliya ee dadka afka Soomaliga ku hadlaa maalin walba dhegeystaan. Sidoo kale idaacaddaha maxaliga ah ee Soomaalida iyo soo if bixii aaladda internetka oo ay maanta Soomaalidu ku leedahay mareego tiro badan oo lagu soo tebiyo wararka, ayaa iyana hoos u dhigtay ahmiyaddii ay lahayd idaacaddani. Waxaa hadda jira website badan oo soo tebiya warar daray ah oo lagu kalsoonaan karo noqdayna isha ay Soomaali badani kala socdaan wararka dhulkooda hooyo. Waxaad arkaysaa warar lagu soo qoray mareeha oo dhawr cisho ka dib laga baahinayo BBC-da . Haddaba arintu si kastaba ha ahaatee waxaan shaki lahayn in sumcaddii iyo magacii ay BBC-du ku dhex lahayd dhegaystayaasha Soomaaliyeed uu maalinba maalinta ka dambeeya sii gudhayo, isla markaana aanay muuqan waxa ifaafaale ah oo muujinaya wax ka qabashada arintaas. Ismail A. Hassan(khaliil) ---------------------------------------------------------------------------------
|