|
|
Ninkii Shalay walaalkaa diloo diyadii kuu diiday Oo dafiray xaqii aad laheyd kuguna duullaan ah Damqashiyo wanaag iyo qofkii deeq ka filanaaya Dareenkeyga waa ila dabbaal daacadnimadiiye Waa ruux garashadiis dam too damac hodaayaaye Waa duunyadoo kale amaba waa ka daranyahaye Digdigtaa baxaysiyo beryahan dabinnadaa qoolan Dowladnimada beenbeenta iyo waxa la daahaayo kuwa miino noo duugayow waan digtoonnahaye Annagaa dalkeenniyo iska leh degelkan aan naalle Diinteenna annagaa xora u ah Daa’in mahaddiiye Dirqin yeeli meyniyo xisaab laysku dagayaaye Darsi fulay idiin meeriyiyo dannigu waa beene Cidna uma darnine maatidaan isku dumeynaaye Daqarradii na gaaraan rabnaa inaan dabiibnaaye Dimuqraaddi haddii uu jiroo duni xushmeyneyso Hadii uu dadweynaha tashaday dooran karo tiisa Daawadeennu waa noo caddoo helnay dariiqiiye Dabkii nagu baxaayiyo haddaan damin colaaddiiye Haddii aadan dagaal doon ahayn dhiig hor loo daata War na daaya danihiinna jaan doqon un baa mooge. Waxaa laga wada war hayaa maati-dooxii ka dhacay magaalada Muqdisho bilihii la soo dhaafay. Marka laga reebo kooxihii Soomaalida ahaa ee ku hardamayay gacan ku haynta magaalada waxaa soo ifbaxday in dowladda Mareykanku ay maaliyad faro badan ku bixisay hurinta dagaalkaas xasuuqa ahaa. Markii laga itaal roonaaday Qabqableyaashii ay dowladda Mareykanku taageeraysay oo noqday wax Muqdisho laga eryay iyo wax ku dhawaaqay in ay ka baxeen Isbahaysigii Sharta ee ay qandaraaska ku soo qaateen ayay dowaladda Mareykanku billowday waji kale oo ay ku xagaldaacineyso isbeddellada cusub ee ka socda magaalda Muqdisho kaasoo hadda ku sii fidaya gobollo kale. Haddiiba uu xishood jiro waxay ahayd in dowladda Mareykanku ay cudurdaar ka bixiso maati-xasuuqii ay lugta ku lahayd isla markaana ay magdhow ka bixiso khasaarihii dhacay oo naf iyo maalba lahaa. Lakiin marka la qiimeeyo dhanka dunidu u rarantahay iyo xaaladaha jira arrinkaasi ma aha mid looga fadhiyo Bush iyo inta wax la maamusha. Kulanka ay dowladda Mareykanku abaabushay oo maalinta berrito ah ( khamiis , 14-june 2006) ka dhici doona Magaalada Newyork ayna ka soo qaybgalayaan dowlada Ingiriiska, Talyaaniga, Iswiidhan, Norwey, Tansaaniya iyo ururro caalami ah ayaa la isweydiin karaa ujeeddada ka dambeysa abaabulkiisa. Maxay tahay ujeeddada aan shirka loo abaabulin markii maatida madaafiicda lala dhacayay oo loo baraarugay markii loo itaalsheegtay qabqableyaashii calooshooda u shaqeystayaasha ahaa? Fikirkayga, shirkani wuxuu u saansaan egyahay shirkii 122 ( Boqol iyo labaatan iyo laba ) sano ka hor lagu qabtay magaalada Berlin ee waddanka Jarmalka sanadkii 1884tii. Shirkaas iyadoo la qiimeynayo rabitaankii dowladihii Yurub ee xilligaas adduunka ugu xoogga roonaa waxaa ummaddii Soomaaliyeed loogu qaybsaday shan qeybood, iyadoo aan ka warhaynin. Hubaal shirkan berrito innaba loogama fadhiyo in looga hadlo maslaxad ummad Soomaaliyeed, waxaase la isla meel dhigi doonaa sida ugu macquulsan ee loo dhiraandhirin karo danaha culsulus ee Soomaaliya laga leeyahay, gaar ahaan danaha waddanka Mareykanka oo ruwaayaddan cusub arbe ka ah. Soomaalida arrinkeeda waxaan u rajeynayaa inuu noqdo “ Allaa watoo wehel uma baahna” Wayse habboontahay in la dadaalo oo la feejignaado. Waa nasiibarro in dadkeennii, diinteennii iyo dalkeennii ay dowlado shisheeye u tashadaan iyadoon Soomaali cidina waxba ka weydiineynin. Gabgabadii waxaa ila habboon in aan lagu habsaamin in Mareykan la raalli galiyo, lana aamino in wax uusan raalli ka ahayni aysan socon karin, waa sida ay dad badani ku doodaane. Mowle ayaa wax kasta ka weyn kana awood badan isaga ayaana mudan in la raalli galiyo oo la magan galo. Ha la xusuusnaado in Madaxweyne Bush iyo inta wax la maamushaa ay hoog nala damacsanaayeen oo ay calooshooda u shaqeysteyaal Soomaali ah iyo kuwo ajnabi ahba noo soo kireysteen. Laakiin uu Rabbi ayaa noo hiilliyay oo uu Burcaddii kala haatiyay. Sow markaa naguma habboona in aan qirno awoodda Eebbe aanan siinno kalsooni buuxda taasoo maslaxad noo ah. Anigoo 100% aaminsan in waxa shirka berito ah ka soo baxaya aysan u daneyneynin ummad Soomaaliyeed balse looga daneysanayo ayaan qoraalkeyga ku soo gabagabeynayaa Shiribkan aan ku magacaabay: Ku diida Buush, oo aan ku tilmaamayo siyaasadaha jiho-wareersan ee maamulka Washiton uu hadda la damacsanyahay Soomaaliya. Shiribku wuxuu ku billaabmayaa sidan:
7.. Dullaal ha beecsho shiik da’ weyn, ka diida Buush dadkeygiyow
11. Qofkii dakiya waa dilaa, ka diida Buush dadkeygiyow 12. Diktoor ma rabee deldelaay, ka diida Buush dadkeygiyow 13. Damiinnadaan idiin xulaa, ka diida Buush dadkeygiyow 14.Dayuus danjire iiga yeel, ka diida Buush ha dadkeygyow 15. Doqonka duubta daallinkaa, ka diida Buush dadkeygiyow 16. Dalaq ku soo dheh dabinkaan, ka diida buush dadkeygiyow 17. Dabka dhigee daciif ahow, ka diida Buush dadkeygiyow 18. Daraja la’aan damiin ku joog, ka diida Buush dadkeygiyow 19. Deegaanku yuu difaac lahaan, ka diida Buush dadkeygiyow 20. Derisyadaan idiin dabraa, ka diida Buush dadkeygiyow 21. Daroogo quuta waa dawee, ka diida Buush dadkeygiyow 22.Dalkiinna siista doollar baas, ka diida Buush dadkeygiyow 23.Soo dajiyoo calanka duub, ka diida Buush dadkeygiyow 24. Deeqda dhulkiinnaan daldalaa, ka diida Buush dadkeygiyow 25. Adna dambiisha ii xamaal, ka diida Buush dadkeygiyow 26.Damiir xumo dugaag ahow, ka diida Buush dadkeygiyow 27.Dabbaal noqoo walaalkaa doox, ka diida Buush dadkeygiyow 28.Colaad ha damin ee duljoog, ka diida Buush dadkeygiyow 29.Dumi dhulkaadoo doon ka raac, ka diida Buush dadkeygiyow 30.Aan soo dagee adna dagaag, ka diida Buush dadkeygiyow Dusha I saar sidii dameer, ka diida Buush dadkeygiyow Anaaba Daa’in doorinaa, ka diida Buush dadkeygiyow Doqonka duubta daallinkaa, ka diida Buush dadkeygiyow Derisyadaan idiin dabraa, ka diida Buush dadkeygiyow Aan soo dagee adna dagaag, ka diida Buush dadkeygiyow Ka diida Buush dadkeygiyow, ka diida Buush dadkeygiyow Ka diida Buush dadkeygiyow, ka diida Buush dadkeygiyow Ka diida Bush ! Dadkeygiyow! Inj. Maxamed Cali Cibaar 14 Juun, 2006
Copyright © 2005 Wardheernews.com |