Rajada Qofka Soomaaliga ah
Ismaaciil C. Xasan
December 16, 2005
                                                               

Rajo

Dadku waa rajo ku nool. Qofkastaa wuxuu ku hamiyaa in xaaladda uu markaas ku suganyahay mid ka sii fiican uu gaadho. Inta uu qofku rajo qabo marna kama quusto nolosha ee wuxuu ku dadaalaa sidii uu horumar u tiigsan lahaa.

Marka uu qofku nolosha ka rajo dhigo waxaa timaada quus. Waxaa isugu mid noqda nolosha iyo dhimashada. Mararka qaarkoodna waxaabu doorbidaa dhimashada.

Falalka is miidaaminta  ee Falastiiniyiinta ee uu qofku naftiisa ku qarxinayo isla markaana uu tiro badan oo dad ah sii sahayano ayaa tusaale inoogu filan  marka dadku ay xaalad quus ah gaaraan.

Waxaan had iyo jeer maqalnaa madaxda waddamada reer galbeedka oo marka ay xaaladda dadka reer Falastiin ka hadlayaan dhaha: "waa in dadkaa loo abuuraa rajo si ay u joojiyaan weerarada is miidaaminta ah uguna fikiraan nolol iyo mustaqbal fiican, Yuhuuduna nabad gelyo u hesho."

Rajada Qofka Soomaaliga ah

Hadaba Soomaalida oo muddo 15 sanno ah ku sugnayd xaalad dawlad la’aan iyo dagaallo sokeeyo oo ay weheliyaan cudur iyo gaajo soo noqnoqda ayaa muddadaas waxay ku noolaayeen rajo. Waxay rajaynayeen in mar uun ay dawladnimadii iyo haybaddoodii qaranimo dib u soo ceshadaan. Taas ayaana sababtay in markasta oo ay maqlaan shir dib u heshiisiineed in ay si niyadsami ah u soo dhaweeyaan.

La yaab ma lahayn in hawl galkii ay horseedka ka ahaayeen Maraykanku ee lagaga hor tegayay macaluushii ba’nayd ee ka jirtay meelo ka mid ah Soomaaliya horaantii sagaashameeyadii  in loogu magac daro hawl galka rajo soo celinta maadaama ay ummadda Soomaaliyeed ku sugnayd xaalad xun oo rajo la’aana. Hadaba rajo soo celinta shacabka oo dhanka kale la mid ah rajo beelidda dagaal oogaha ayaa sababtay in mid ka mid ah dagaal oogayaashii masiibadaas sababta u ahaa uu ka soo hor jeesto hawl galkaas una arko mid  halis ku ah jiritaankiisa.

Shirarkii badnaa ee hore loo qabtay ee lagu fashilmay ayaa qofka Soomaaliga ah ku dhaliyay in uu indho shakisan ku fiiriyo midhaha ka dhashay shirkii labada  sano loo fadhiyay Kenya.

Dawladdii ay dagaal oogayaashu ku soo dhiseen wadanka Kenya oo markii horeba aanay shacabku rajo fiican ka qabin ayaad hadda moodaa in kuwii dhisay ay cadaw ku noqdeen maadaama aanay dawlad iyo nidaam iyaga dani ugu jirin.

Xaaladda fawdada ee wadanka ka jirtaa waxay qiimo tirtay nolasha qofka Soomaaliyeed, waxaana luntay xurmadii iyo sharftiisii bani’aadanimo. Waxaa la gaaray heer  uu qofku 500 sh.so. ku waayo naftiisa.

Hadaba arrintani ma keenin in qofka Soomaaliyeed  uu ka raja dhigo nolosha maadaama uu dalkiisii nabad gelyo iyo nolol fiican ku waayay ee waxay sababtay in uu  ka rajo beelo ku noolaanshaha wadankiisa. Waxa uu u hayaamay dunida si uu u helo nolol midda uu ku jiro ka roon. Haddii beri aqoonyahanada taariikhda baadhaa ay macnaha magaca Soomaali  meelo  fog ka raadin jireen, waxaan shaki lahayn in kuwo badani maanta ay ku fasiri lahaayeen qaxooti.  

Magaca Soomaali ayaa wuxuu noqday astaan (brand)  Soomaalida ka sokow ay ku soo hirtaan dadka magan gelyo doonka ah ee aan rajada ka qabin in ay wax ku helaan magaca dalkooda siiba kuwa ka yimaada qaaradda Afrika.

Maanta rajada qofka Soomaaliyeed qabo ayaad moodaa inay tahay sidii uu magan gelyo uga heli lahaa wadamada reer galbeedka, waxaanu ku dhaqaaqaa wax walba oo u suurto gelin kara sidii uu uga dhabayn lahaa rajadiisa.

Hadaba haddii  Falastiiniyiintu markii ay rajo dhigeen ay falal is qarxin ah ku dhaqaaqeen, Soomaalidu markii ay saluugeen nolosha wadankooda waxay galeen safaro is miidaamin ah. Safaradaasi ma ahan kuwa sahlan oo mar walba lagu guulaysto ee waxay marar badan kala kulmaan halaag ay naftooda ku waayaan. Waxay iska buuxshaan doonyo itaal daran oo bad weynta kula qaraqma iyadoo maydkooda laga soo ururiyo xeebaha Yaman ama kuwa Talyaaniga, halka qaar kalena haraad iyo gaajo ay ugu dhintaan dhulka lama degaanka ah ee u dhexeeya Suudaan iyo Liibiya.

Waxaa la yaab lahaa markii wiil ka badbaaday doon badda ku degtay oo isagu bad qab ku gaaray Talyaaniga  wareysi uu BBC-da siiyay ku sheegay in aanu wax dhibaato ah u arkayn safarkiisii oo aanu isku qoomamaynayn halistii uu gashay naftiisa. Wuxuu intaas ku daray inuu waxaas oo dhib ah u soo maray sidii uu u hiigsan lahaa dadka ka hor maray ee uga soo horeeyay Yurub. Waa ayaan darro in qaxootinimada oo ah nolasha qof  ba’ni aadam ahi ku noolaado midda ugu liidata  aan u aragno horumar iyo wanaag.

Maanta in badan oo Soomaaliya ku nooli waxay ku hamiyayaan sidii ay mar uun ugu suurto geli lahayd inay cagaha soo dhigaan meel ka mid ah waddamada reer galbeedka.

Waxaa iyana jira kuwo badan oo loo taxaabo xabsiyada wadamada carabta ee aan laga aqoon dhawrista xuquuqda iyo sharafta qofka bani’aadamka ah.,Halkaas oo ay ku haleesho darxumo iyo saxariir aan la soo koobi karin. Waxaa arrin naxdin leh ahayd ka dib markii internetka lagu soo daabacay warar sheegaya in haween Soomaaliyeed ay guryo ugu xabbisan yihiin Yamaniyiinta dhaqan xumada ku caanbaxay, ulana dhaqmaan sidii addoon ay ku raaxaystaan(sex slave).

Qof walboo Soomaaliya ku nooli wuxuu ku xisaabtamaa ehelkiisa dibadda jira. Dadka qurbaha ku noolna waxaa la yidhaa qofba qofka ay ka tiro badantahay inta  uu soo dhoofiyay ayaa looga hanweyn yahay.

Waalid, ehel. Qabiil iyo xataa dagaal oogaba waxaa kaalin weyn ka geysta dhaqaalahooda dadka Soomaaliyeed ee dibaddaha qaxootiga ku ah. Kuwaas oo kaalin weyn ka qaata taakulaynta iyo taageeradooda. Qaxootigu waxa maanta la odhan karaa waa tiir ka mid ah tiirarka lafdhabarka u ah dhaqaalaha dalka Soomaaliya.

Aqoonyahan iyo wax garad tiro badan oo maanta wadanku haddii uu nabad ahaan lahaa waxtar weyn ka geysan lahaa ayaa ku shaqo la’ wadamada reer galbeedka ama qabta shaqooyin hoose oo aan u qalmin aqoontooda sida xamaali,shufeer iyo waardiye. Waxaan shaki ku jirin in Soomaali badan oo maanta ku dhaqan wadamada reer galbeedku ay kala kulmeen wixii ay filanayeen wax ka duwan. Taas oo ku abuurta niyad jab iyo rajo xumo.

Professor ka tirsan Jaamacadda Nijmegen ee wadanka Holland oo horaantii sagaashameeyadii daraasad ku sameeyay Soomaalida wadankaas qaxootiga ku ah ayaa wuxuu sheegay in qofka Soomaaliyeed siiba dhalinyaradu marka ay wadankaas soo galaan ay qabaan rajo aad u sarraysa, gaar ahaan dhinaca waxbarashada iyo shaqada. Hase yeeshee waxa markiiba ka hor yimaada caqabado adag oo uu afka wadanku ugu horreeyo ayna qofka sannado ku qaadato sidii uu ku baran lahaa. Arrintaasi waxay dhalisaa in qofka ay ku adkaato sidii uu wax barasho sare u geli lahaa ama shaqo ku heli lahaa. Taas oo gayaysiisa niyad jab iyo inuu candhuuftiisa dib u liqo.

Maanta waa fara ku tiris dadka Soomaaliyeed ee ku guulaystay ka dhabaynta riyadooda oo ka lib keenay halganka nolosha, inkastoo ay  ku haystaan wadamada reer galbeedka fursado badan oo ay ka faa’idaysan karaan.

Haddii ay beri Soomaalinimadu la qiimo badnayd qofka Soomaaliga ah oo ay bad mareenadii qurbaha yimid iskala weynaayeen inay qaataan sinjiyad kale, maanta dadka Soomaalieed waxay tirsadaan maalmaha iyo bilaha u hadhay si ay u qaataan dhalasho kale. Waxa dabadeed ay iska dhex gooshaan wadamada reer galbeedka iyagoo sidii reer guuraaga u hayaama hadba meeshii daruuri ka hillaacdo ee sharci bixinta iyo soo qaadista ehelka ku fiican.

Qaxootinimadu waxay noqotay xirfad uu Soomaaligu ku xoogsado, hase yeeshee waxaa shaki lahayn in mar uun ay albaabadu ka soo xirmi doonaan. Taas oo imikaba  sansaankeedu  muuqdo. Waxa cad in wadamo badan oo hore ugu caan ahaa soo dhaweynta qaxootiga ay maanta ka soo shaac baxayaan nacayb isa soo taraya oo loo qabo dadka magan gelyo doonka ah.

Waxaan qoraalkayga ku soo gabagabaynayaa erayo ka mida ah heesta wadaniga ah ee qiimaha badan, hal abuurkeedana uu lahaa Ilaah ha u naxariistee abwaan Cabdi Bashiir Indha Buur oo waxaan leeyahay:-

"Haybad waxaad ku leedahay dalkaaga Hooyo"

Ismail A. Hassan (khaliil)
E-Mail:khaliilha484@hotmail.com

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews

Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews

Copyright © 2005 Wardheernews.com