Casharada Wadaadadii Hore & Kuwa Cusub Camaladooda
Maxamed Hirad

August 29,2005


Wadaadadan siyaasadda   galee waranka soofaystay
Surwaalada kuwaa gaabsadee   weerarka u soogan
Ee nooga sii daran kuwii   silica noo loogay
Iyaguba waxay soo wataan   waa Allow sahale
     
Culimada sidii lagu ogaa   kama sugaysaane
Samirkiyo dulqaadkii badnaa   saamax laga waaye
Dar ilaah in loo saahidiyo   suufinimo daaye
Qarqaradii kitaabadu sudhnaa   saanad lagu qaadye
     
Xukun aan la soo dooran oo   dhalada kaa saaran
Oo aan saxiix lagu wadayn   sidii Ilaah sheegay
Sandullayn afduubaa dilkaba   nooga sii darane
Seef la bood qabsaday dowlad      waa saymo lagu reebye

Arrimaha Soomaalida tan iyo intii burburku dhacay waxa iyana qayb ka ahaa wadaadada, gaar ahaan kuwa cusub. Waxa dad badan maskaxdooda ku soo dhaca su'aalo dhawr ah. Waxa ka mid kuwaas: hawl gallada wadaaddada cusub ee Soomaaliyeed ma ku saxan yihiin diin ahaan iyo dhaqan ahaanba? Ma waafaqsan yihiin tubtii nebigeenna(csw) iyo asxaabtiisu (rc) u fulin jireen dacwadda diinta islaamka?

Masjidka Arbaca Rukun oo ka mid Masaajidda Taarrikhiga ah

Waxaa la wada ogsoonyahay shacabka Soomalidu in ay ka dhowrsadaan su'aalahan oo kale. Inta badan dadku way mastuurtaan oo ma jecla wax ka sheegidda wadaaddada, xataa haddii ay khaldan yihiin. Sidaa darteed waxa la odhan karaa dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa wax qora arrintan sidii loo bahnaa waxba ugama qorin ama sheegin, iyadoo ay weliba jiraan ficillo loo aanaynayo wadaadada cusub oo khatar ku ah dalka, dadka, iyo diintaba.  

Haddaba maqaalkan waxa aan wax yar jecelahay in aan ka iftiimiyo wadaada cusub iyo camaladooda aniga oo raacaya hab dhaqankii Soomaalida ee ixtiraamka iyo dhawrsashadu ku jirtay. Nin baa laga sheegay  war haddaan dab idhaahdo ma afkaa I gubanaya.”

Ugu horayn wadaadadii hore ee dalka Soomaalida diinta islaamka dadka bari jiray ma ahayn kuwo aqoon badan leh. Qaar badan oo ka mid waxa haysay aqoon yaraan. Sidaa daraadeed ma aanay khaladaad la'ayn. Tusaale ahaan iyaga oo isku madhab iyo isku hadafba ah ayaa haddana waxaa   jiray khilaafaad badan sida kan dariiqooyinka. Mararka qaarkood waxa dhici jirtay qaar ka mid ah wadaadadaas aan aqoonta fiican lahayni inta ay beela dhan rigaystaan ay waxyaabo khuraafaad ah ay dadweynaha wax kaga cuni jireen amase qabyaalad iyo fiqi bahdii kama janna tago ku shaqaysan jireen. Hasa yeeshee, waxaan la illaawi karin ama laga abaal gudi karin sida wadaadadaasi diinta Islaamka ay ugu faafiyeen dhaammaan dalka Soomaaliya iyo Geeska Afrikaba. Arrintaas oo aan runtii la sahlan karin marka la fiirsho dadka cawaamka ah ee waagaas ku dhaqnaa mandaqadda   iyo wadaado iyaga qudhoodu aan jaamacado diimeeed iyo kuwo medeni ah toona ka soo qalin jabin.

Waxaa taariikhdu sheegtaa in dadka qaar ay ku muslimiyeen durbaan iyo cayaartii ay tuman jireen, iyaga oo ugu turjumay Laa Ilaaha Illaa laah. Taas oo aakhirkii noqotay xadro iyo shallaad dabdeedna isu rogtay ardo quraan, salaad iyo wardi. Waxaa intaas dheeraa kaalinta ay wadaadadaasi kaga jireen xornimo doonkii Soomaaliya. Waxa ay isticmaarkii Soomaaliya gumaysan jiray iska hortaageen in uu wax raad ah oo xaga diintooda ah ku reebo dad weynaha Somaaliya. Boqolkii sannadood ee isticmaarku xukumayey Somaaliya dad uu duufsado oo diinta gaalada raaca wuu ka waayey.  

Waxa in la xuso mudan wadaadadii iyo odayadii markii Ingiriisku soo galay gobolada Waqooyiga Soomaaliya sannadkii 1887 qoraalka kaga qortay saanta geela heshiis ka koobnaa sidan:

1 Qor in aanu annagu dhulkan leennahay oo aadan nala wadaagin
2 in markaanu doono aad nooga tegeyso
3 in aan diinta Islaamka mooyee diin kale lagu faafin karin dalkan
4 in aan qof aan soomaali ahayn dalkan ku dhalan laguna aasin
5 in aan khamri iyo dhilaysi midna laga ogolaan
6 in degaankeenu kala go'naado oo aynaan isna dhex degin kalana guursan

Waxa wadaadadaas aan waxqabadkooda soo xusnay ka mid ahaa halgankii dheeraday ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan. Kaas muddo labaatan sano ah la tacaalayay gumeysigii Ingiriska. Markii la jabiyay dhaqdhaqaaqii Daraawiishta muddu ka bacdina waxa ay culimadu dib u billaabeen halgankii xorriyad doonka ahaa ee ka bilowday dhinaca koonfurta iyo ururkii S.Y.L . Kaas oo wadaadadu ay lafdhabar u ahaayeen. Dhinaca waqooyiga waxa wadaadadu abaabuleen ururadii kala ahaa S.N.L iyo U.S.P. Labadaa urur oo salka ku hayey ururkii wadaadada ee la odhan jiray Xisbullaahi ee lagu asaasay Raydab Khaatumo.  

Runtii waxaa la odhan karaa wadaadadaasi waxay ahaayeen awoodda koowaad   marka laga reebo tan Ilaaha weyn ee xoriyaddii iyo midnimadii Soomaaliya ay gaadhay keeney. Waxa intaa dheeraa waqtigii dowlad Soomaaliyeed la helayna wixii xukun iyo siyaasad ahaa waxba kama damaaciyin ee waxay u daayeen raggii siyaasiyiinta ahaa. Waxaa kale oo aan marnaba la illaawi karin wax ceeb ku ah dhaqanka Soomaaliya ama diinta mar qudha looma nisbayn xaggooda.

Wadaadadaas waqtigaa sidaa wax u garanayey iyagii iyo fikraddoodiiba waa joogaan, waana shaqeeyaan, iyaga oo diinta fanniyadeeda oo dhan dhiga oo weliba kaga taya badan kuwo badan ee yidhaahda jaamacado ayaanu ka soo qalin jabiney.

Madaxda Wadaada Cusub ee Muqdisho - Sheekh Indha Cadde & Sheekh Xasan Daahir Aweys

Dhinaca qolada cusub waxaa hormuud u ahaa dhalin yaro ka soo baxday jaamacado iyaguba cusbaa oo laga furay dalka sacuudiga waqtiyadii dambe ee Ilaahay batroolka u soo saaray.   Kuwaa oo la odhan karo waxa ay habaysnaayeen si hanuunin (orientation) oo kale ah. Waxa lagu faafin jiray afkaarta Wahaabiyada iyo mabaadi'da boqortooyada Sucuudiga. Sucuddigu waxa uu kaga duwanaa dalalka kale ee Carabta iyo kuwa Muslinka ahba waxa ay si cad ula bahoobeen reer Galbeedka oo aynu wada ognahay sida ay u diidanaayeen   mujitamcyada iyo xukuumadaha kale ee Islaamku.

Markaa dhalinyardaas laga soo waariday Sucuudigu waxa ay kuwoodii ugu soo horeeyey dalka Soomaaliya soo gaadheen horraantii lixdamaadkii, marka laga reebo sheekh Nuur Cali Colow oo isagu ka yimi sacuudiga horaantii kontomaadkii. Wadaadkaas markii la maqlay afkaartuu wato aad iyo aad baa laysu waydiiyay. Qabsoo afkaarta Wahaabiyadu markaas baa ugu horaysay dalka. Hasa yeeshee in kastoo aanay tira badan ahayn haddana markii nimankii dhalinyarada ahaa iyo wadaadkii waynaa ay is haleeleen oo weliba lacag iyo dowladdi ay maal gelin la daba joogsadeen waxay noqdeen dad miisaan weyn ku leh bulshada Soomaalida dhexdeeda. Laakiin intii dowladdii kacaanka ka horraysey wax wayn oo is beddelo ahi ma muuqan jirin.  

Sannadkii 1970 iyo illaa maanta oo taariikhdu tahay 2005, ayaa la odhan karaa wadaadada cusub iyo camaladooda si xoog leh bay dalka iyo caalamkuba u dareemay.  

Bilowgii xilligii dawladdii milatarigu hogaaminayey qabsatay shacabka Soomaalidu dhammaan waa soo dhoweeyey. Waxa ay u muuqdeen kuwo wax qabad muujiyay. Aad baa loogu riyaaqay wax qabadkii iyo hurumarkii markiiba dalku ku tallabsaday. Laakiin qoladaa cusub iyaga waxaasi uma dhadhamin. Waxa ay markiiba bilaabeen in ay wadaadadii kale ugu fasiraan waxa dawladdani ay waddaa in ay yihiin shuuciyad shacabka muslinka ah lagu gaalaynayo. Intii arrintaas ku raacaday iyo dawladdii markay iska hor yimaadeenna dhibaatadii ugu horreysey ee dadweynaha iyo dowladdoodii ka dhex dhacda ayaa halkaa ka curatay oo waatii tobanka wadaad la dilay.

Xilligaa bilowga ahaa wixii ka dambeeyay waxa marba marka ka dambeeya sii yaraanayay kalsoonidii xukuumadda iyo shacabku ay isku qabeen. Wadaadada cusub iyaga arrinkaasu waa anfacay. Si xoog leh bay uga faa'iidaysteen awooddaa dawladda ee sii daciifaysay. Waxa u hawl yaraaday in ay dadka barnaamijkoodii ka dhaadhiciyaan. Waxa ay dadkii ku faafiyeen cambaaraynta culimadii hore. Waxa ay dalka si xoog leh usoo geliyeen dhaqanno cusub.

Waxa ay iska horkeeneen waalidiinta iyo ubadkoodii. Waxa ay hantiyeen dhalinyaradii soo kacday. Waxa dalka aad ugu faafay culimo aad u dulqaad yar. Kuwo iyaga oo aan aqoon ku filan lahayn ka jawaaba madhab kasta. Waxa ay xalaashadeen in ay dadkii fikirkooda ka horyimaadda in ay ku tilmaamaan gaalo. Taas oo mararka qaar u sahashay in ay xalaashadaan xataa dilka dadka.

Culimada cusubi waxa ay ka qayb qaateen dumintii qaranka Soomaaliyeed iyada oo aan loo hayn wax u bedela. Waxa marar badan isu kay qaban waayay marka aad weydiiso sababta ay u taageeraan xukunka faasidka ah ee Sucuudiga jawaabtooduna aalaaba noqoto “haddii xukunkaa la rido fawdo ayaa dhacaysa. Sidaa daraadeed iyada oo aan la ballan qaadi karin waxa lagu bedelayo xukunkaas waxa habboon in aan lagu degdegin ridistiisa.” Bal taa barbar dhig halka ay ka taagnaayeen ridistii maamulka Soomaalida iyada oo aan la qorshayn wixii bedeli lahaa. Waa yaab sow ma'aha iyo hawlo kaleeto!

Meydadkii xabaalihii Talyaaniga ee dhawaan Muqdisho wadaadadu ka soo faageen

Wadaadada maanta jooga Muqdisho baan tusaale fiican ka bixin kara wadaadada cusub iyo camaladooda. Tusaale ahaan waxa ay caqabad ku yihiin in wax horumar ah laga sameeyo sidii maamul iyo dawldnimo loogu soo celin lahaa Soomaaliya. Waa kuwa fowdada qayb weyn ka ah. Bal xusuuso dhowr bilood ka hor afcaashii ay ku soo faageen xabaalihii Talyaaniga. Waa kuwa xoogga maanta ku haysta gobolka Shabeelaha Hoose. Waa kuwa dadkii gobolkaas u dhashay ka dhigay   dad “Gun” ah. Waa kuwa maxkamado ku sheeg ku salaysan qabaa'il ka aasaasay Muqdisho. Waa kuwa isbaarada meel walba dhigtay. Ma ku tilmaami karnaa kuwaas kuwo wakiil ka ah diinteenna wanaagsan. Aniga Kollay waxa ay ila tahay MAYA.

Wadaada cusubi waxa ay u xuubsiibteen dagaal oogaayaal. Shacabkii Soomaliyeedna waa cid walba u jaba aan kala aqoon waxa u wanaagsan iyo waxa u daran. Ma heli karaan in ay midoobaan oo wixii u xun ay diidaan. Waa kuwa aan weli isweydiin shan iyo tobankaii sannadood ee la soo maray, wixii qabsaday iyo dhibaatadu meesha ay uga timid. Laakiin Rabbi Talo ku Filan.

Maxamed Hirad

E-Mail: xagar2000@aol.com

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews

Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews

Copyright © 2005 Wardheernews.com