
|
Dawladnimo
W/C Xuseen Cabdi Xalane
November 29, 2008
Gabaygan waxaan gocdey tirintiisa horraantii 2008, waanse ka wahsaday. Horraantii Bisha November 2008, ka dib markii la I weydiiyey maxay dawlad Soomaaliyeed u cago dhigan la’dahay ayaan ebyey curintiisa. Waxaan ku tiriyey Magaalada Khartoum, waxaanan ku halqabsaday Axmed Jaalle oo ah nin Soomaalinimadu aad ula weyn tahay.
- Axmadow da’duba waa aqoon, naga dahsooneyde
- Dawaaraha dabayshiyo xilliga, falagga duuflaalsha
- Cimilada isdoordooriyiyo, bay’adiyo daaqa
- Dirirkiyo daruuraha cirkaa, loo da’tirinaayo
- Ma deggana duruufaha naflaha, doojiyee hage’e
- Diraac iyo abaar kugu duntuu, doog bedelayaaye
- Nin dagaag ahaan jirey hadduu, duunyo buux yahaye
- Didmadiyo colaadaha adoo, shalayto daw jiidhey
- Dariskiyo deegaankoo nabdaa, daaqan kuu xigiye
- Waa duruus adduunyadan degdegi, laga dabqaataaye
- Dalmareen wax badan daalacdiyo, duq iyo waayeelka
- Kama durugto dulucdii murtida, dood markay tahay
- Wax badanoo durduradii yaraan, iga dabayl raacey
- Dib-u-qoomamayskii haddaan, dibinta ruugaaye
- Haddii aan qof iga doojiyiyo, helo cid dooneysa
- Maantey da’deydiyo khibradu, daawo dhalayaane
- Maantuu wixii iga dadnaa, daahir ii yahaye
- Maandhow dad badanoo murtida, dihanayoo buuxa
- Waxaan ooga soo dudey waxaan, adiga kuu doortey
- Dagaalyahan dadaal badan inaad, tahay nimaan daalin
- Dabcigiyo anoo garan dadnimo, waxaad ku daaweyso
- Dudadiyo deegaankiyo dhalyaha, daris wadaageenna
- Anigoo docdaa kama madhnee, xeerin danaheeda
- Inaad tahay nin dulucdooda garan, ereyadaan duubo
- Oo gabayga daalacan karaan, kuu danniyaaye
- Duuduubka Soomaaliyeed, ceebta nagu daahan
- Dacda iyo waxaa digada dhigay, dawladli’deena
- Dulmarkeeda duugtii murtida, maanso dulucdeeda
- U duuflaali Doolliyo ciddii, gabay daneynaysa
- Cid u diirnaxaysaa shacbigan, diiftu ku abaadey
- Cid damqani haddaad garan, ciduun xumaha diideysa
- Dawiyoo u gee maansadaa, ha isku duubmeene
- Dawlad li’ Soomaalidu intay, dala dhacyeyneysey
- Inta ay dagaag iyo qax iyo, dacati luufluuftay
- Waa labaatan deyrood intuu, dhiig ka da’yaaye
- Allahayow dahaadh aakhariyo, dunida guudkeeda
- Mid inaad ku deysey ahayd, labada daaroode
- Dulalaati dhexe waayadaa, daw ka lulataaye
- Haddii adan inay dabar go’aan, looxa ugu duugin
- Mar uun baad ka sii deyn lahayd, dabinka haystaaye
- Danbi ay galeen baa mindhaa, loo daldalayaaye
- Dunidiyo dadaalkii wax badan, uunku nagu daalay
- Marna xoog xitaa lagu dayee, daawo dhalin waayey
- Wixii shirar naloo dumey wixii, darisku noo yeedhay
- Wixii xeer dib loo qorey wixii, doodda lagu xiiqey
- Dawlad been ah iyo duul shacbigu, diidan yahay xooggi
- Wixii loo durbaan tumay wixii, duubka lagu gaarey
- Isma doorsho kii laga dajiyo, kii darraad yimid
- Kooxdii la doortaba bulshada , wawga darayeene
- Halkii bay durraaqdaa hashii, dacasha weyneyde
- Iyadoo daldalan oo miskaha, doogi kaga taallo
- Iyadoo waraabihi dabxaday, qaarba dacal haysto
- Ma dirgane dulkii bay cillaan, dagal dhabaysaaye
- Xalaan daawo loo haynin iyo, dulucdu waa quuse
- Ka dareer dadyowgii kaloo, deyrshe aadmiguye
- Iyaguna ma doorsoomayaan, waa dadkaa rogane
- Inay doc isku raacaan la waa, beel isdiidaniye
- Dirkey tahayba Soomaalidii, dabargo’weeyaane
- Markay daacaddii dhimatay bay, degentay maandeeqe
- Anna maasha lay daday halkay, daarran tahay iintu
- Aan dillaacsho duulkii wax garan, ha ila duubteene
- Nabad-doon da’dii talin jirtiyo, duubcad iyo caaqil
- Duqaydii dabkaa ololayaa, damin lahaa maanta
- Raggii boogta daaweyn jiriyo, madhay nin doorkiiye
- Doqon iyo dilaa baa dhulkii, loogu dawgalaye
- Waa dayday nimankaa xukuma, dawladahan baase
- Dawarsiga wasiirkaa baryada, dibadda meereysta
- Ee galin Hoteeluu degiyo, daafida u ooman
- Ee aan damiir kale lahayn, qaranna dooneynin
- Inta uu danjiraheeda yahay, daawo laga dhawri
- Durugtaye sidey dawladnimo, dib ugu soo laaban
- Dal aqoonta loo deyriyoo, laysku dacareeyey
- In ditoor hoggaanshiyo dalkaa, Khubaro loo diidey
- Warlord damiiniyo dalkaa, daadufku horjoogo
- Dabadhilif Axmaariyo wataa, mudatay daaduune
- Dabaqoodhi weeyaan raggaa, diiradow side e
- Dibbatay sidey dawladnimo, dib ugu soo laaban
- Da’yartaa dagaalada ku korey, duullankiyo boobka
- Ee aan dugsina maalin tagin, deelna garanaynin
- Dooxatada da’daa naga ba’diyo, diiratada waalan
- Ee aan dalkoo nabada arag, dirirtan mooyeene
- Dabka iyo intay wali sidaan, danabka baaruudda
- Dibatay sidey dawladnimo, dib ugu soo laaban
-
- Dibjirkaa dekedihii qabsaday, daarihiyo fawqa
- Dad la dhaco intaa uu dulmiga, moodi danahiisa
- Inta uu sharciga diidan yahay, doorashiyo maamul
- Ee uu dareen culus ka qabo, dib-u-heshiisiinta
- Intaan daawo loo hayn intaan, danihi loo oofin
- Isna uu dabbaabbaad-midfaca, dariska guulaayo
- Durugtaye sidey dawladnimo, dib ugu soo laaban
- Digarogasho daa iyo inay, dul u hayaamaane
- Maantey libaax labadi daan, dalaq ku siiyeene
- Maantey wedkii dili lahaa, daawo bidayaane
- Dulliguu gumeystuhu na baday, dacatiguu reebay
- Dawladaha dalkeenaa qoqoban, qaarba daraf haysta
- Ee wali digtoonaan ka qaba, aaya dirirkeena
- Kala daadsanaanteenu waa, guusha danahoode
- Dibindaabyo iyo waad ka fili, dalaw ka sii tuure
- Inay doog ku gaadhsiinayaan, damac ku xiisoodka
- Doqonkiyo dammanahaa ayiday, xeesha dabargoynta
- Intay qaranka daafida ku gadan, damac yaraantooda
- Dibataye sidey dawladnimo, dib ugu soo laaban.
- Markii balo dalkii wada camima, na lagu soo daayo
- Nabaddoo dibawdiyo markii, darisku eedoobo
- Diintiyo Islaam buu ahaa, deyrka noo hadhaye
- Shuyuukhdii u duubneyd maslaxo, damisa aafaadka
- Deegaankii ka suul culummadii, daahirka ahayde
- Daalibaan gadh daafula leh iyo, daaduf baa yimide
- Duul waalan kureydaa dardaran, ee jinnigu duufshay
- Dabagaab wadaadkaa didmada, shaadhka kor u duubtay
- Oo daabka qoriguuu hayiyo, dirir u soo xaytay
- Oon diir naxaa lagu ogeyn, waran-daf mooyeene
- Dad wadaaddo lagu sheegayoo, dili masaakiinta
- Oo dhiigga ay daadiyaan, kaba diqooneynin
- Inayn docina noo cayman bay, tahay daliilkeede
- Qof isdiley danbiyo naar ku mudey, diintu say tidhiye
- Cunug miino lagu duubay, oo dumiyey suuq buuxa
- Duq ma werin dalkana sooma marin, duulkan ka horow e
- Dakaniyo dilkii ruux muslima, nimanka diin moodi
- Da’da soo koreysiyo intay, dumarka aafeyni
- Durugtaye sidey dawladnimo, dib ugu soo laaban
Waxaa curiyey Xuseen Cabdi Xalane
Khartoum, Sudan
Email: hhalane@hotmail.com
---------------------------------------------------------------------------
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews

Copyright © 2008 Wardheernews.com |