Home Articles Somali Songs About us  

 


 

GABAY: Joorjow Nin Geesiyaa Tahoo, Garasho Loo Daayay
WT. Maxamuud Axmed Cabdalla (Shiine)
March 30, 2010

Georgi Kapchits
Dr. Georgi Kapchits oo hadal ka jeediyana shirkii Buraanburka iyo Suugaanta haweenka ee lagu qabtay San Diego bishii March 2007
Gabaygan Maxamuud Axmed Cabdalla (Shiine) waxa uu u hibeeyey Georgi Kapchits oo ah qoraa ku xeel dheer afka Soomaaliga, dersayna maahmaahaha iyo suugaanta Soomaaliyeed. Waxa uu Georgi qoray buugaag fara badan. Waxa uu sidoo kale daabacay qoraallo tira badan oo uu kaga hadlayo dhaqanka iyo hiddaha soomaaliyeed. George walaalkeen Somali ah, inkastuu asal ahaan u dhashay dalka Russia, Soomaalinnimadiisu waa mid qota dheer. Waxa aan u aqoonsaday inuu yahay "Soomaaliga Qarniga." Lama soo koobi karo hawsha George walaalkeen qabtay, imminkana waxa uu dhowaan socdaal ku tegey meelo badan oo Soomaaliya ka mida, isagoo qoraallo dhaxal gala ka soo sameeyey. Gabaygiina waa kane, akhris wanaagsan.

Joorjow nin geesiyaa tahoo, garasho loo daayey
Waxa tahay guntaha dhaqanka iyo, gebiba suugaane
Waxa tahay nin garabsada hiddaha, gola ka maahmaahee

Waxa tahay nin goor iyo ayaan, guraya raadkiiye
Gudgudiyo hillaac galalacliyo, gabaxii dayreede
Dayax gelinkii hore soo baxoo, gada habeenkiiye

Gabay iyo nin geeraar tirshiyo, guurow iyo heello
Gadhcaddaaga taariikhda oo, garangar loo waabay
Waxa tahay nin goobtii kastaba, aan ka gees noqone

Gurgurshaa waxaa tahay, murtida nagu galliimayne
Soomaalidoo garab martaad, ugu gargaartaaye
Hadba jiilka soo gooday baad, ugu gorfaysaaye

Afarteeda goonyood naflaha, guulle wada uumay
Ummad waliba dhaqan guun ahbay, gaar u leedahaye
Gar Allee Af-soomaaliguna waa gu' weyn yahaye

Ilaahay gargaaryow caqligu kaama gaasiro'ee
adigow guntaday oo fasiray gun iyo baarkiise
Abaalkaa ma gudi karo, ee waan kuu garwaaqsadayee


WT. Maxamuud Axmed Cabdalle (Shiine)
Xiriir:mabdalle@gmail.com

Qaar ka mid ah Suugaanta kale ee Maxamuud Shiine:

- Dhamamax Waalid
-
MUQDISHO (Maanso)
- Lixdankii dad jira baan ahayn
- BAAQ NABADA BAAN XAMAR U DIRI

________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2009 WardheerNews.com