Home Articles Somali Songs About us  

 


 

Gabay: Dhamamax Waalid
WT. Maxamuud Axmed Cabdalla (Shiine)
December 26, 2009

Dhibaatooyinka Soomaalida ka haysta qurbaha waa kuwo aad u laxaad weyn, haba ugu sii darnaadeen dhaqan gaddoonka ilmaha Soomaaliyeed ee qurbaha qoysaskoodu ku sugan yihiin. Waxaan booqasho ugu tegey 12/23/2009 reer soomaaliyeed oo aan deris ku nahay magaalada Seattle, ee gobolka Washington ee dalka Maraykanka. Odaygii reerka iyo hooyadii aqalka ayaan la kulmay, waana isoo dhoweeyeen.

Sheeko iyo shaah cabbid, dalkii iska waraysi iyo faallayn ciidaha gaalada ku saabsan ayaan gallay. Waxaan aad ugu dheeraannay sidii reerku ku yimaaddeen Maraykan oo odaygu iiga sheekeeyey. Jabkii, qaxii, dhibaatadii, guri la’aantii, gaajadii, cabsidii, yahoonkii, harraadkii, silicii, halistii iyo baaxadsoorihii ay soo mareen ka hor noloshooda qurbaha.

Ilaa dhawr saacadood baan la joogey, anigoo si fiican u dhuuxayey oday Yuusuf iyo Eeddo Maryan sheekadooda. Maray xoogaa fiid sii gabaabsiya ahayd, ayaa waxa irridda aqalka ka soo gashay gabar dhallinyar, dhuuban, dheer, asturan, gacantana ku haysata telefoon yar oo dhalaalaya (Cellphone). Markiiba waxay u gudubtay xagga jaranjarta sare, laakiin aabbeheed oo cadho ka muuqatey, oo ila fadhiyey ayaa u dhawaaqay.

Wuxuu odaygu yiri: Aabbo xaggee saacaddan ka timi, goortii la arkaba ma taleefan baad ku hadlaysaa? Si debecsan bay yartii u soo weecatay. Aabbo iskoolkii baan ku soo daahay.
Hooyadii baa soo booddoo tiri: iskuulla xilligan laguma maqnayne sheeg meeshaa ku maqnayd? Hadalkii baa taagtaagmay. Laakiin yartii horay uguu sii siqday xagga sare ee aqalka.
Odaygii baa ku calaacalay: “nin nooli wax kasta waa arkayaa,” gabadhaa dul iyo hoos waa ula hadlay, waa uun dhega daguugan waano u sheeg. Xaajiyaddiibaa iyana dhawr hadal daba dhigtay. Wax yar ka dib, meeshii baan isku macasalaamaynay, waana ka soo tegey.

Gurigaygaan imi, Cishe kolkaan tukaday ayaan seexday. Hurdadu gebilay bay igu ahayd, oo horaan u gami waayey, anigoo soo xusuusanayey qisadii inanta iyo waalidkeed.

Waxaan raftaba, Ilaahay waa ii sahlay oo waan gam’ay aakhirkii. Laakiin, wakhti aanan hore u kici jirin ayaan ka soo booday hurdadii. Shaydaankaan iska naaray, oo saacadda geestayda tiil baan jalleecay, mise waa 3:00dii habeennimo. Sheeko malaha aan hurdada ku haystay ayaa markiiba qalow igu soo tiri. Waa riyo, riyaduna haddaad markaaba dib u xasuusato wax baad ka haleeshaa.

Waxaan ku riyoonayey anigoo gabadh aan dhalay oo lix iyo toban jira (walow aanan gabadhba dhalin,) le'eg gabadhii xalay waalidkeed ku qaylinayey, waaninaya, anigoo uga sheekaynayey sidaan qurbaha ku nimi, dhibaatadii dalkii ka dhacday, iyo waxa aan ka filayo Faaduma Dhool mustaqbalkeeda.

Gabayga intiisa hore riyuu igu ahaa, ka dibna waa dhammays tiray markaan toosay ka dib. Waa sheeka guud oo khusaysa ummadda Soomaaliyeed ee ilmaha ku koriya qurbaha. Akhris wanaagsan, Gabaygiina sidan buu ku bilowdaa:

Faadumooy dhammays baa tahay dheg iyo miisaan leh
Dheeho lix iyo toban sano jirtoo aan dhib soo marine
Alla dhawryeey aabbooy! ducaan kuu dhafrinayaaye
U dhug yeelo waanadaan ku faro dheguhu yay seegin


Adigoo dhabtii hooyaada dhaafin maradeeda
oo dhixir sidaa tahay ku maran dhinaca geesteeda
Ayuu Eebbe iisoo dhigay dhul aanan doonayne
Dhulkii hooyo waxaynu uga nimid dhoyga geli caawa


Dhololkayga maahayn inaan debed u dhoofaaye
Kuma dhiirranayn abidinkay inaan dhuyaalaaye
Dalkeennaa dhisnaa oo ahaa midaan dhantaallayne
Dhereg iyo barwaaqaa dhexyiil dhayda caanaha


Dhankastaad u eegtaba nimcaa dhoobanayd gebiye
Bulsha dhaqan wanaagluu lahaa oo is dheefsada
Maammul loo dhegtaagaa jiroo qaran ku dhaataaye
Dhakhtarriyo iskuulliyo daryeel dhawran baa jiraye


Dhagta waaga waxaan aadi jiray shaqo aan dheerayne
Galabtii kolkaan soo dhacee daal dhanba illaawo
Dhalad ehela iyo derisyadaan soo dhowayn jiraye
Dhawaaqaan maqlaba wuxu ahaa dheemman iyo luule


Innagoo dharaar gurigayaga aayar dhacadiidna
Oo Villa dhaayuhu qabtaan nabad u dhoocaarna
Dhitaduna inoo taal anfaco dhiil walbiba buuxdo
Ayuu amar dhacoo la isku galay Xamar dhexdeediiye


Dhamacdiyo rasaastaa sidii roob u soo dhacaye
Dhalfiiftay noqdeen deriskayagi dhaaxa badidoode
Dhimbiilaa ku yaacoo arlada dhuudhibaa galaye
Dhiigbaa dariiqyada qulqulay suuqyo nagu dhowe


Cabsi baan la dhirifniyo Madfaca dhararqdiisiiye
Hurdo dhinaca dhigiwaaga iyo dhiilladiyo tawsta
Dhaca tuugadiyo boobka iyo dhidarka mooryaanta
Wax dheeraa qabiil dhuuntog iyo dhac iyo laystaane


Goortii dhuuni daayoo wax badan gaajo lagu dheelmay
Goortaan dhabqalalownayee baahi dhugatownay
Goortaad habeen iyo dharaar oohin dhalandhooshay
Ayuunbaan sidaan kuu dhib tiro Dhooleey soo qaxaye


Lixdan baan u dhaxay Baydhabiyo dhegedkii Waamoode
Dhagax quudannaa iyo dhunkaal dharaq ku leelleelka
Waayeel dhanqalan iyo carruur waaqla lagu dhaafay
Dhaayahaygu waxay soo arkeen dhawr kunoo melege


Dhiilladiyo colaaddaa ku fiday taniyo Dhoobleeye
Dharab lagu badbaadiyo kolkay nabadi dheeraatay
Dhabbadii Habaar Waalid baan Dhooleey soo maraye
Dhafoor moordi Keenyaan ah baan dheef ka saanyadaye


Dhabatada sideedaa xeryaha deyr naloo dhigaye
Dhamas baa dugaal noo noqdiyo hoy dhilmaanyalehe
Dhurwaa iyo abeesaan rafiiq noqonnay dhawr goore
Dhoorlaha libaax reemayaa noogu soo dhacaye


Waxa aan aroor dheelmadoo dhuuni kula raadshey
Dhakal caydha waxaan lalansadoo badar ku soo dhaanshey
Dhufays sidan ku jiro waxan lignaa dhoobadiyo ceelka
Dhooleey aqooniyo inaad dhaxal u aydaaye


Dhoofkii Marakani anigu uma dheg taagayne
Kolkii uu dalkii dheelliyee dhiillo dami weydey
Adna aad dhallaan nolol dhur sugi noqotay dhaameelka
Ayaan talo ku dhoobdhoobay inaan tago dhul gaalaade


Rabbi kama abaal dhicine way dhaqay Ilaahaye
Inkastoon dhulkii tebahayoon gacal ka dheeraaday
Inkaastaannu hoy Dhookir iyo David wada joogno
Kolkii aan ku dheehdaa farxadi igu dhammaataaye


Dhebigii Caleed sidaa tihiyo Dhuurta iyo Jiica
Ama dhumuc Galool yeeshayoo Damal ka dheeraaday
Abbooy mid kula dhalan ah duni hooyo may dhaline
Dhal jacaylka waa waalid uun dhamamixiisiiye


Dhaqankaaga iyo diinta iyo dhawro sharaftaada
Dhaddig hooyadaa kaga dayoo eedyar ha u dhaafin
Afkeennaan dhaliil aan lahayn dhaxal aan guurayne
Maandhey cilmiga dhigo adoon dhuminin tawxiidka


WT. Maxamuud Axmed Cabdalle (Shiine)
Xiriir:mabdalle@gmail.com

Qaar ka mid ah Suugaanta & Gabayada kale ee
Maxamuud Shiine:

- MUQDISHO (Maanso)
- Gabay: Lixdankii dad jira baan ahayn
_ GABAY: BAAQ NABADA BAAN XAMAR U DIRI

________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2009 WardheerNews.com