|
|
Geeraarkan loogu magac darray Qaldaan oo uu curiyay abwaan Maxamed Hirad waxa uu soo Ma aha maansadani tii iigu horraysay ee aan falanqayn, faallo ama aan hordhac u sameeyo. Laakiin waxa geeraakani uu kaga geddisan yahay kuwii aan hore wax uga idhi waa qofka ay maansadu markan ku halqabsanayso oo aniga ah. Haddii nin uu Eebbe hal abuurka maansada ku manaystay aan ahaan lahaa, shaki malaha in Abwaan Maxamed Hirad oo aad hore maansooyinkiiisa in badan uga akhrisateen WardheerNews iyo degello kaleba waxa uu geeraarkan kaga hadlayaa xaaladda guracan ee Soomaaliya ka jirta iyo duruufaha qallafsan ee ka dhashay xaaladdaas.. Soomaaliya uguma ay horreyn waddan ay jabhaddo hubaysani ka dillaacaan, dagaal dad iyo duunyo ku dhammaadeen ka dibna lagu dumiyo xukuumaddi xilligaas talinaysay. Hase yeeshee waxaan odhan karnaa waxa ay kow ka tahay xilligan casriga ah dal ay dadkiisu ku guul darraysteen in ay dawlad bedesha middii ay dumiyeen dhistaan. Qawmiyadda Soomaaliyeed oo Eebbe ku manaystay midnimo asal ah oo isir, af, diin iyo dhaqan isku mida salka ku haysa, waa arrin in badan la isweydiiyo sababta keentay burburka qaranimo iyo kala furfuranka qawmiyadnimo ee haleelay Soomaalida xilligan. Haddaba Abwaan Hirad waxa uu geeraarka ku muujinayaa walaaca iyo werwerka uu ka qabo Soomaalida iyo sida ay xilliyadan dambe u dhaqmayaan. Waxa uu abwaanku aad ula yaabban yahay sida aanay waxba uga hirgelin qorshe iyo isku day kasta oo la rabay in lagu badbadiyo qaranimada ummadda Soomaaliyeed. Waxa uu abwaanku aad u saluugsan yahay oday dhaqameedyada, culumada, aqoonyahannada iyo guud ahaanba wax garadka Soomaaliyeed sida ay kaalintooda u gabeen., qaarkoodna qayb uga yihiin isirrada dhibaatada Soomaaliya ragaadisay. Waa wax lala yaabo in dadkii la rabay in ay dabka damiyaan in ay iyagu horseed ka noqdaan burburka iyo halista Soomaaliya maanta ka jirta. Waxa uu abwaanku aaminsan yahay in Soomaalidu guud ahaan habka ay maanta u dhaqmayaan uu yahay mid aan habboonayn kana suurtoobin ummad caafimaad qabta,oo wax waliba ay u socdaan hab qaldan. Meeye haddaba dadkii qaladkaas sixi lahaa? Waa su’aasha ay isugu soo biyo shubanayso murtida uu xambaarsanyahay geeraarkan Qaldaan, isagoo abwaanku islamarkaana si gaara farta inoogu fiiqaya khaladaadka jira iyo cidda ka mas’uulka ah. Haddaba abwaanka oo arrimahaas iyo kuwo kale oo badan geeraarkiisa kaga hadlaya waxa uu ku bilaabay sidan:- Khaliilow hab qoraalkiyo Qandho aan ka jabayn iyo Qulub aan ka hadhayn buu Ka qabaa ummaddeena Qorshihii mar la keenaba Haddii gaalo qalaad iyo Miyaan qaar odayaaloo Miyaan qaar cilmi yeeshiyo Miyaan qaar dad qafaalkiyo Beelaha la quudhsadee Qaxootigaa qulqulaayee Kuwa diinta ku qayshee Kuwa geestan qarqoortee Kuwa qiiradu haysee Kuwa doon dad ku qaadee Kuwa qaadka cunaayee Inta aan qarribaadiyo
Copyright © 2007 Wardheernews.com |