Home Articles Somali Songs About us  

 


Gabay: Muslim dhaqankii
WT. Mubashir sheekh Cabdillaahi
March 20 , 2010

Gabaygani waxa uu soo baxay bishan March 3 deedii 2010. Waxa uu muujinayaa waxa aan diinta iyo dawladnimada midnaba ahayn ee dadka lagu laynayo iyo khaladaadka ay ku kacayaan kooxaha dagaalada ka wada Soomaaliya. Waxa isweydiin mudan baaqa had iyo jeer ay soo saaraan qolyaha TFG da iyo mucaaradku ee ah shacabka ha loo tudho yay u jeedinayaan? Yaa marka hore dad laynaya? Yayse baaqan u jeedinayaan?

Gabaygani arrimahaas ayuu falanqaynayaa, waana kan e ee bal iga hooya:

Madfac xaafad laga tuuray oo maati lagu laayay
In mujaahid lagu gaadhayay doqontu moodaaye
Muslim dhaqanki waa dariska ood magan galyeysaaye
Macno maleh misikiin ruuxa dila suuqa marayaaye

Musuqmaasuq baa looga baxay magan Ilaahay e
Milatari shisheeya ah intuu meel isugu geeyay
Minawaarka qiiqiyo gantaal layska daba miisay
Sidii gaal munaafaq ah ninkii Xamar madoodsiiyay
Misna yidhi masuul baan ahow kaa muraal jabaye

Maxastii la boobiyo shacbigi aad u murugootay
Majoogaanka yaa badi ka dhigay hawdka moqoraysta?
Kuwii mahurtadeennii daldalay yaa maxkamad geeyay?
Kol haddaan intii laga mag dhabin dabinka meegaartay
Madaxweyne uma dooranine yaa u maxabbeeyay?

Haddaan reer is moogow tola’ay idinku maaweelsho
Mingistiyo Axmaar baa u hadhay madhaxi Soomaale
Kenyana waxay maagan tahay mooyi dabadiine
Afrikaan madow baa koley meersan dhaxalkaaye

Waa dumar la meeqaan raggaan meeye ku hayaaye
Intaan gabay madluun iyo catow idin mihiibsiiyay
Een idin maraanmaray ka badan maadha geedaha’e
Cadowgii mutuxan ficil xunbaa lagu majiiraaye
Waxba muujin maysaan anaad igu mashquushaane

Gob muraaday waa inay dhaqsaba mahadi gaadhaaye
Muqaawamadi dirirtiyo jabhado magac islaameed leh
Mutfi sheekh ah aw macalin iyo culimo maamuusan
Marwo iyo mudane wiil ah iyo duqay maqaawiir ah
Masuul qaran mid beeleedki iyo maamul goboleedba

Maqaal waxaan u dirayaa intii miirku tabayaaye
Bal car yaa xaqeenii maqnaa maanta soo celiya?
Care yaa intuu muranka dhigo hiil u maraxoora?
Masayr iyo xin lama doonayee yaa muddaca howsha?
Nabad baa macaan lehe intuu mudh isu soo siiyo
Ha midowdo Soomaali weyn yaa na maqashiiya?

Mabda’iisa gaarka ah ninkaan igu maleynaynow
Mugdi baan dhex jiifaa Abees maqashi taallaaye
Midigta iyo bidixduu dugaag mawda ka hayaaye
Malkadana libaaxyaa fadhiya miciyo waa weyne

Kolay mawdka Eebbaa hayoo madhay sadkaygii
Naftu inay macaan tahay ayaan maanka ku hayaaye
Maskaxdana rayigii baa ka lumay mawjadda ahaa
Isku murugtay geeriduna way milicsanaysaaye

Muuminka iyo masiixiga is galay diimaha is maagay
Masaladuba waa aakhir saben midabyadiisiiye
Waxa malagu suurka u qabsay milayga weeyaane
Maanshaa Allaahuye qabrigu waa madow yahaye
Rabbigii Muxammed uumay baan magan sanaynaaye


Mubashir sheekh C/laahi
E-Mail:Mubashir506@hotmail.com
_________________________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2010 WardheerNews.com