Home Articles Somali Songs About us  

 


Ha la I doorto Ummad Yahay
WT. Cabdillaahi Jaamac Mooge
July 18 , 2009

Faysal Cali Waraabe

Maansadani waxay soo baxday bishii Juun ee sannadkan 20 keedii 2009 ka. Waa maanso male awaal ah oo uu tiriyay Cabdillaahi Jaamac Mooge oo ku magac dheer Gaabane.

Maansadani waxa ay daba socotaa maansooyin hore oo male awaal ahaa oo ku soo baxay degelkan WardheerNews. Kuwaas oo lagu soo gudbiyay aragtiyo ay isweydaarsadeen Rayaale iyo Silaanyo.

Maansadan Ha la I doorto Ummad yahay sida kuwaas hore waxa ay cabbiraysaa farriinta iyo aragtida Faysal Cali Waraabe ee ku aaddan maansooyinkaa hore la isu weydaasaday. Faysal waxa kale oo uu ku soo bandhigayaa maansadan aragtidiisa iyo qorshihiisa uu damacsan yahay inuu ka fuliyo Somaliland haddii loo doorto xilka madaxtinimada doorashada soo socota. Haddaba isagoo la hadlaya Daahir Rayaale iyo Axmed Siilaanyo Waxa uu yidhi:

1. Axmadiyo adiga Daahira
2. Dadka maxaad u hodaysaan
3. Duqay baad tihiin  dhacay
4. Runta maxaad u daahdaan
5. Dalku inuu xorooboo
6. Dawlad gaara noqonnoo
7. Dunidu na ictiraaftana
8. Maba doonaysaanoo
9. Soomaalinimo ku daaliyo
10. Midnimo aan ku dagannaad
11. Weli daba ordaysaan
12. Wixii dhiig la daadshiyo
13. Daarihii burburay iyo
14. Dulmigiyo halaaggii
15. Dadkeennu ka soo baxay
16. Maba dareemaysaanoo
17. Dib inaad u celisaan
18. Damaciinu waa kaas

 
19. Dareen baan anigu leeyahay
20. Ka horreeya dadka kale
21. Meel fog saara diiradda
22. Iyana waa damiinnoo
23. Ii maleeye doqon
24. Doorkani waa keygii
25. Dadaal baan wadaayoo
26. Diir caddaalayaashiyo
27. Dunidaan wareegaa
28. Ictiraaf ka doonaa
29. Soomaalinimana diidoo
30. Marka ay I doortaan
31. Dadku ii codeeyaan
32. Dood horaan ku sheegoo
33. Magacana waan u daynoo
34. Dunidaan ogeysiin
35. Dal gaarkiis ah inaan nahay

36. Wallee durugga aan wado
37. Duulka jooga Xamar
38. Addis Amxaarka deggenbaa
39. Dadka iiga xiga oo
40. Iyagaan dugsaniyoo
41. Dekedahana
aan siinnoo
42. Yuhuud baan dejiniyoo
43. Goobo lagu dalxiisiyo
44. Dugsiyada  dhisaayoo
45. Dadku waa u aayiye
46. Carab maxaan ka doonaa

47. Dabool hadal la saariyo
48. Ma aqaanno duurxulka
49. Hadday Weedhu dacar tahay
50. Kama dhawro dibintoo
51. Dadku way yaqaannaan

52. Kuwa qaranka diidee
53. Xaqiiqada dafirayee
54. Doc kaleeto aaddee
55. Hartinimada doortana
56. Dagaal baan la geliyoo
57. Diyaaradaan u gadanoo
58. Ka duqeeya hawada oo
59. Dubaabadaan ku kicin
60. Dabar gooya faqashtoo
61. Inta ina daba joogtee
62. Danaheenna fulisaan
63. Darajooyin u xidhiyoo
64. Xaabsadaan u diriyoo 
65. Fu’aad baan ku dariyoo
66. Iyagaan isku diliyoo
67. Midh midhkii ka doogana
68. Dirqi bay ku imanoo
69. Duriyaddaa u wada talin

70. Shacab lagu danaystiyo
71. Durbaan iyo huuhaa
72. Ummaddu waa ka daashoo
73. Daahirbaa ku sirayoo
74. Siilaanyana ka daranoo
75. Isku dookhba weeyee
76. Ee I doorta aniga
77. Ii dhiiba darajada
78. Daryeel aad heshaanoo
79. Dawlad aynu noqonoo
80. Dunida aan ku biirnee
81. Inoo doora magac kale
82. Dareenkaygu waa kaa
83. Dadku waa ogsoonyahay
84. Doorkani waa keygii
85. Ee waxba ha ku daalina
86. Siilaanyo iyo Daahirow
87. Cidi idin dooni maysee

WT. Cabdillaahi Jaamac Mooge (Gaabane).
E-Mail:Gaabane101@googlemail.com

Silsiladda Maansooyinka Mala Awaalka ah:

*
Siilaanyo

* Siilaanyo: Duqu Weli Ma Daalin Miyaa?

* Faysal C. Waraabe: Ha La I Doorto Ummad Yahay

* Xaabsade: Doogsin Raac

* Muuse Biixi: Duni Wareertay!
_________________________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2009 Wardheernews.com