Dahabshiil
Home Articles Somali Songs About us  

 


Soomaali Baan Ahay
WT. Cali Ileeye (Cali marshal)
Sept. 03 , 2012

Maxaa geydha yoontiyo,
Gabayooxa ina baday?
Mici good ma fududee,
Maskaxdaa gidaadoo,
Gudhay oo basaastoo,
Damqashada ka guurtee,
Lafa-geriba jebinnee,
Goormaa la talantalay?
Gunnimayna haysee,
Miyaynaan gob noqon karin?

(Kala-Guran , Hadraawi 2011)

Maansadan gaaban oo iyada oo hees ahi (tuman) ay dhawaan soo bixi doonto insha allah, waxay maskaxdayda ka soo maaxatay ama igu dhalatay ka dib markii aan arkay sida dhulkeennii cadawgu isugu habar-wacday, iyo sida dadkeennii isu damqan jiray ee jiidhka kaliya ahaa maanta inba siyaasi dan gaar ah wataa meel  ugu ootay, cadaawad iyo qabyaaladna loogu kala beeray. Waxa la illaabay wixii innaga dhexeeyay ee ahaa, Islaanimo, Soomaalinimo, dhul iyo Wada dhalasho.

Waxa ay ku bilaabmanaysaa sidan:

Inkastoon Sirgaxanoon
Soomalhaad  dagaaliyo
Saban adagna soo maray
Cadawguna i saanayaday
surka layma jari karo
Sinjigayga lama tiro
Saatirkeena mooyee
sanku neefle kama baqo
Sujuud uma dhigi karoo
Soomaali baan ahay.


Sawracaygu waa kuush
Sumadaydu waa dhaqan
Sunadii rasuulkiyo (NNKH)
Sahaydaydu waa diin
Sal waxaan ku taagnahay
Xididkiisu suganyoo
Siyar layma ridi karo
Suuldaaro Kuma dhaco
Suryo Layma dhigi karoo
Soomaali baan ahay

Haduu gaal Sawaabani 
Kugu yidhi " Silooniyo
Waxaad tiin sadhiyo cudur
Ama duul sabooloon
Sirta nolosha garanayn".
Siduu sheegay waa been
Adoo ugu sareeyoo
Cidi kaama sidatee
Sanka taag walaaloow
Soomaalibaad tahay

Samaan maleh Gumaystuhu
Ninka siiyay Xabashiga
Soonaha galbeedee
En Ef Dhiina  suuq-dhigay (NFD)
Awoowgayna waa siray
Gargaar kama sugaayee
Qofka daba-saqleeyoow
Adna saadanbaad garan
Markuu soodhka kula dhaco

Sooyaalku wuxu yidhi 
Seeftii jihaadkee
Axmed gurey la sarakacay
Sayid maxamed Noolee
Aways dogobyo sii saar
Bashiir saancadaalaha
Seexashiyo Hurdo-udiid
Faarax nuurna Saalbaha 
Suugaanta kula dirir
Saakana ragbaa nool

Soomaali baan ahay
Soomaali baad tahay
Waxaan nahay Sokeeyiyo
Seedi iyo xididiyo
Saaxiib is jeceloo
Dhamaan waynu simanahay

Allaa Mahad Leh

Hal-aqoon Cali Ileeye (Cali Marshal)
Khartoum, Sudan
E-Mail: naleye99@hotmail.com

________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2012 Wardheernews.com