Gabay: Maakhir maamul baa loo dhisoo mahad ilaah weeye
Maxamuud Axmed Cabdalle
August 12, 2007
Waxan halka uga hambalyaynaynaa dhammaan bulsha weynta Soomaaliyeed. Waxan hambalyo gaara u diraynaa dadka Reer Maakhir oo markii ugu horraysay iyagu isku tashaday, samaystayna maamul goboleed cusub. Gabaygan oo uu tiriyey Maxamuud Axmed Cabdalle, wuxu soo baxay bishan Agoosto 12, sannadda 2007-da. Waxa abwaanku u hadiyaynayaa gabaygan dadka Reer Maakhir, wuxuna dhiirri gelinayaa maamulka halkaa dhowaan lagaga dhawaaqay.
Wuxu Yiri:
Adduunyadan iskala miidhaysee la isku maandhaafay
Ee la is mohoobiyi talaa lagu muquunshaaye
Nimaan tiisa meel marin aqoon mooyi lagu dhaafye
Maakhir maammul baa loo dhisoo mahad ilaah weeye
Maahir-baa ka soo baxay nafluhu kala miciin roone
Midigtuu Jibriil kaashadaye cidi ma meelayne
Waa gobol makhluuqaadka dega lagu mabsuudaaye
Waa gobol milgiyo dhaqan da’ weyn lagaga miistaaye
Malyuunbaa ku dhaqan aan qabiil lagu masaalayne
Waa gobol maqaan weyn sidii Muniyo Baarliine
Magaalooyin badan baa ku yaal oo mihiib galahe
Sayidkii ka maahmaah kolkuu Badhan muraadaayey
Mansabkay Buraan waa lahayd waa mawaad qorane
Midhishoo dalxiis loo tagiyo Ceelbuh milicdeeda
Dhahar muunadley iyo Carmale waa degaan mudane
Waa gobol Mur iyo Maydi iyo midho ka buuxaane
Madarka iyo beeraha Galgala mooskii laga beerye
Macaluul ma taal iyo darxumo maato li’ataaye
Waa gobol mawaashiga hantida Mawlahay dhigaye
Maandeeqda geeliyo fardaha Mawle wuxu siiyey
Meesiga lo’aad iyo adhiga laga macaashaaye
Magar wada ugaadhaa ku badan oon masruuf geline
Macdan iyo Batroolbaa ku jira oo manfac u roone
Majayahan nimcada taal ayaan cidina moogayne
Waa gobol mahiigaan ka da’o guga mullaaxdiise
Muguc wada xareediyo, manqiyo, togaggu waa muushe
Cashu waa magool kolay ku tahay milayga jiilaale
Waa gobol marsada Laasqoriyo Maydhba gaar u lehe
Waa gobol mushtarigiyo ku wacan maal la tabacdaaye
Waa gobol masuulkii tashiyo odaygu muuqdaaye
Waa gobol bad lagu meeriyoo baahi aan mudane
Moolkeeda weyn waxad ka heli madhax aan guurayne
Mudka iyo Tarraqaddaa ku filan meel kastaba yaale
Waa gobol markay qurux tagtana lala masaynayne
waa gobol ishii milicsataa muhasho deynayne
Surad iyo Manaabaa ku yaal mool la daawado’e
Dayibkiyo Madheedhkaa ka baxa mudhe Galoolkiiye
Maygaagga iyo Jiica iyo Qudhac malleexaanle
Margoogtiyo Hareeriga bataa muuso kuu qabane
Mahwi Ceeri laysugu yimoo gole la maageeray
Madaddaalo jaandheer la tumay Muxibbo boodayso
Meertadiyo jiibtaa kalgacal muuso kuu qabane
Martidoo habeen soo geb tiri oo mir lagu sooray
Oo magac Sanaag waa hiddee sharaf la maamuusay
Maaweeladiyo sheekadaa muuso kuu qabane
Guur mihindiskiisiyo markii xidid la muuneeyo
Miisaan hablood iyo halyey la isku meeleeyo
Meherka iyo haasawahaa muuso kuu qabane
Kolkii muran dhexyaal aadamaha oo la kala maago
Muqdarkiyo cirroolaha kolkii talada loo meersho
Muddac iyo muddaacaley gartaa muuso kuu qabane
Afartaasi mayaygii cirkiyo moodda galabtii dheh
Maansooyinkuu Maxamed Nuur meerin jirey waa dheh
Mahadhadii Afdhaaliyo, Xuseen mihindiskoodii dheh
Soomaaliya masiibadii heshaa maaro loo helaye
Anaa miiggan iyo macangagnimo laysku mari waaye
Nin waliba muskuu degu jiruu maanka ku hayaaye
Masiirkeeni lumay wuxu ku iman taada maammulo’e
Micnaha dawladnimo may aqoon mooshinkii hore’e
Macluumaadka Fadaraalka waa inan mihiibnaaye
Gobol wali martabadduu dhistuu, yuu ku meel mariye
Mataanay ahaan dani marnaba kala maqnaysiine
Maammulkaa saraa loo tartami maalmo dabadeede
Muqdishiyo Kismaayaa mardhow Mawle fahansiine
Miyirbaa arlada loogu ledi maaxdii nabad weyne
Bal maxaa la isku dili gobol waliba waa ismaamuliye!
Maxamuud Axmed Cabdalle
E-Mail:abdalle@hotmail.com
Copyright © 2007 Wardheernews.com |