Home Articles Somali Songs About us  

 


Baroordiiqdii Bir Ma Geydadii Qarixii Huteelka Shaamow
WT. Maxamed Hirad
December 05 , 2009

Qayb ka waxyeeladii ka dhacday mrakii la isku xafaladdii qalin jebinta ee Jaamacadda Banaadir
Waxa uu gabaygani soo baxay bishan December 04, 2009. Taas oo ah maalin ka dib markii qof ismiidaamiyay uu isku qarxiyay Huteelka Shaamow ee magaalada Muqdisho oo xaflad loogu qabtay arday ka qalin jebisay Jaamacadda Banaadir.

Waxa wax arrin aad looga naxo iyo mid laga muruggoodaba ah dadka beegsaday dhallintaas maanta iyaga oo duruufaha aynu garanaynno ee Xamar ka jira ku nool, haddana dhammeeyay waxbarsho illaa heer jamaacadeed ah. Halkii maanta bogaadin iyo rayrayn laga filayay, ayaa shaydaan halaagan oo u qaba in uu janno ku galayo, dhallintaas iyo masuuliyiintii goobtaas ku sugnaydba isku miineeyay.

Waxa aynu odhan karnaa waa sooyaalka Soomaalida maanta oo aan hubo in aan cidina hore u saadaalin. Laakiin ugu yaraan masiibadan waxa ay noqon kartaa mid shacabka Soomaaliyeed ku baraarugisa, ayna ku gartaan dhibaatada jirtaa inta ay le'egtay. Waxa lama huraan ah in ururada argagixisada, ah ee shaqadii shaydaanka haya, ee arrimaha noocan oo kale ahna ka wada dalkeenna iyo caalamkaba meel looga soo wada jeesto.

Gabaygii baroordiiqda ahaa ee aan arrintaas ka tiriyayna waa kan ee iga guddooma:

Khaliilow qaracankaa naftiyo, qoomay badenkayga
Qiyaamihii sidaan taaganahay, ama qisaas joogo
Qalbigayaga quustaa gashaan, iga qaboobayne

Qaraxyada qorshahan loo xushiyo, qaabka lagu doortay
Qalin jabinta dhallintaa cilmiga, soo qatimay maanta
Ee weli dembiga ay qabaan, lagu qiraalaynin
Dhakhtariyo qusuusiba haddii, qoorta laga gooyey
Qiil kale miyaa laaban iyo, qaran la dhowraayo

Qamaamaha qabiil weerarkii, lays qal qalanaayey
Wixii qalad la soo galay shacbiga, soo qabtiyo toogta
Qosol iyo qisay noo ahayd, qoobka ka cayaare
Qabqabliyo qaxii baa ka roon, qoomkan soo degaye

Duul qoyan biyaha ku qubtay bay, qoonsan weligoode
Qalfoof baa ka soo hadhay dadkaba, qiimihii lumaye
Shisheeyaha dalkooda qabsaday, ugu qabbaanaane
Qabar maafush weeyaan dhammaan, duudsi qaayibaye
Qalalaasaha uga sad roon, nabad la qaataaye

Muslin Eebbe qirayay intaas, qawda ku hayaane
Quraan ruugyadii baa la jaray, qaariga ahaaye
Shareecada kuwii qaadi jiray, ama qawaaniinta
Qabley baa u taal iyo naftoo, laga qudh gooyaaye
Qoraa iyo midkii hadal wershay, qaarajinayaane
Qabuuraha dadkii hore la dhigay, soo qufanayaane
Bal dayaay qasaaraha ku dhacay, qaranki soomaali
Bal dayaay wixii qiima gala, waa qulqulayaane
Qurbaa looga yaacoo dalkoo qaawan baa hadhaye

Maxamed Hirad  
E-Mail: xagar2000@sbcglobal.net

Qoraalada kale ee Hirad:

* Qabaa’ilka Soomaalidu ma isbahaysi baa, mise waa dhalasho?
_________________________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2009 Wardheernews.com