GABAY: Duulkaan hoggaan wacan lahayn, hoog Allaa badaye
WT. Maxamed Hirad
May 03 , 2010
|
 |
Xaaladda Soomaaliyada maanta. Bal u fiirso waxa la baday hooyooyinka iyo carruurta Soomaaliyeed oo ah mustaqbalkii ummadda |
Gabaygani waxa uu soo baxay bishii April 10 keedii 2010 ka. Waxa uu wax innaga hoga tusalaaynayaa waayaha daran ee hoggaan xumada iyo doqoniimada ku salaysan ee Soomalidu ku sugan tahay iyo waxa ay maanta dhaxalsiisay.
Soomaaliyi maanta iyada oo ka aqoon iyo waayo aragnimo badan duqaydii hore ee xornimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed keenay ayaa kuwa haatan joogaa waxa ay doorteen in ay dib ugu guuraan qabyaalad, cunsuriyad iyo dadnimo xumo. Waa taas maanta hoos fadhiisisay ummado iyo dad ay aad uga horreeyeen.
Sida loo macno beelay waxa maanta lagu faanaa madaxweynihii, waa kii xaafadooda e, ayaa safar meel hebla ku tegay iyo waa la soo dhaweeyay! Waa ayaan darro weyn, wax kaleba iska dhaafe in aan ugu yaraan la is weydiin muxuu la shir tegay, maxaasa dan ah oo uu ka soo qabtay halkaas? Sow la xusul duub uun ma'aha kaad odayga been abuurka wadaagtaan? Calaa kulli xaal waa hoogga iyo waayaha ay maanta Soomaaliyi ku sugan tahay. Ka sii darane weliba waa iskama warqabto. Ilaah bay leedahay.
Ugu dambaynm waxa aan gabayga ku soo halqabsanayaa Axmed Cabdiraxmaan X. Xasan oo ka mid ah bahda WardheerNews oo aanu suugaanta iyo qoraalada saxiib weyn ku nahay. Gabaygiina waan kan ee iga hooya:
Axmedow horaan kuugu qoray, tixo habboonaaye
Habeen iyo dharaar waanigaan, kaa hagranahayne
Caawana war aan soo heliyo, hadal yar kuu sheego
Soomaaliyoo gu’ hooraa u di’in. heego curanaysa
Oo labo tobnaad sano hungiyo, halas la soo jiiftey
Hoglihii hareeraha mariyo, hilamadii xeebta
Ee seejey Hawd iyo Nugaal, harada guudkeeda
Hargaysiyo Garoowaa kolkaa, loo hilaadsadaye
Habaahuurka Xamar baa na hoday, hoos ka cunantaase
Hayin qaar lahaa iyo kuwii, helayey gaadiidka
Ku hayaame habqan soo kiciyo, qaar haraad qabaye
Hayeeshee hankii loo qabiyo, hirasha naalloodka
Ku hanqaarme goortay tageen, goob habaas badane
Daruurihii hillaacaan la hayn, kobay ku hooreene
Iyagaan dhulkaba haaban baa, weel la hoorsadaye
Hawaday ku kala qaybsadeen, koox halaaganiye
Kuwo hoos fadhiyey oo in badan, haamo culanaayey
Iyo qaar halgamay oo lahaa, horumar aad gaadhid
Iyo qaar u hawl galay kursaad, halabsan oo fuuli
Ku hungoobe hamigay qabeen, qaar qabiil hodaye
Haleeladii hadhuubada la yidhi, ka hirqiyoo maala
Laga waa hal loo soo godloo, la hunguriyeeye
Haddii maalintii kii la jirey, hilib ka soo goosto
Hormuudkuna habcado dhiigga oo, laga horaynaynin
Habeenkiina ubadkii la dhaho, dhayda ka hidiida
Haadkeed inuu dhacahayaan, marag u haystaaye
Hagardaamadii shalay dhacdaye, lagu halaakoobay
Ee shacabku haaraha ku yaal, hiif ka bixi waayey
Ayaa qaar habaarani wadaan, hadimadoodiiye
Hororraa dalkeennii qabsaday, hoogayaal nixine
Heshiis bay ku gaadheen bulshada, kala horayteede
Hubkoo laysu qaatiyo fidmada, lala humbaaleeyo
Hanti boobka yaan laga karayn, hoobsi lacageede
Hodonimo ku gaadh bay kursiga, ugu haliilaane
Kala hororsi gaal iyo Axmaar, waa hab dhaqankoode
Runta lama hullaabee xaqaa, lagu hanuunaaye
Duulkaan hoggaan wacan lahayn, hoog Allaa badaye
Halyayadii horeetaan u dhiman, hibashadoodiiye
Horseedkii xorriyadee naftiyo, hurayey maalkooda
Midnimadii shantay u halgameen, calan dul heehaaba
Hadur bay ka yeeleen raggeer, maanta noo hadhaye
Hayeeshee bulshadan loo hadhka ah, habacsanaantooda
Ee boqonta kii heerayaba, u hambalyaynaaya
Ee doqon halaagooda wada, hadiyad siinaaya
Geesi hanada oo soo baxana, wada huruufaaya
Qabiilkii halleeyey waqood, ku hardamaayaane
Allahayow adaa hiil leh oo, hirasho waa taaye
Halka aanu joognaana Eebbow, maanta waa halise
Na hambee Allahayow adaa, hawl yaraan kara e
Maxamed Hirad
E-Mail: xagar2000@yahoo.com
______________________________________________________________
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews
Copyright © 2010 WardheerNews.com
|