Garnaqsi
Tixdan gabanka ah waxaan rabaa inaan kaga faalloodu waxyaaba badan oo waqtigan la joogo ka dhaca dalka Soomaalida. Run ahaantii waxaa u sabab ah dadka oo ay ka luntay dhaqamadii hore loogu yiqiin oo dhan iyo isbedel ku yimid xataa suugaantii iyo wax kasta oo noloshooda khuseeyey. Maansadani waxa ay soo baxaday bishan May 27 , 2007, waana kan gabaygiiye ee iga hooya:
Adduunyada gabowdaye dhowaan geeska dhigi doonta
Ee Guullihii soo askumay goor horeba sheegay
Waa nimaan gu’ jirin maanta kii godol ka doonaaye
Haddii aynaan garanayn cilmiga nala guddoonsiiyey
Ee nebigu gaadhsiiya yidhi ummad gadaalkiin ah
Amuurahan gudbaayana miyay inna garwaqsiinin
Dowlad guuna baa waxaa gembiyey geel jir iyo tuuge
Garoomaha kuwii sidan jiruu wiil yari gawracaye
Giiryaale fula’aa ka adag geesi dirirtiiye
Taangi guuxayaa lagu qabsaday gudumo daabkeede
Guunyada dadkii loo ogaa caydh la galawleeye
Kuwaan geel lahaan jirin horwayn gaar u foofsade e
Giinjaha dameer baa ka wacan awrka goolka ahe
Laandheere gob ahaan jiraa gaabshey luquntiiye
Oo kii ka gaabnaan jiraa gaadhey meel sare e
Gabdhihii xishoon jiray surwaal gaaban baw huya e
Wiilal baa intay dahab gateen guudka loo dabaye
Gurboodkiyo haweenkii raggii gaalo ugu yeedhye
Guryihii ka saariyo rugtii jeella loo geliye
Gobollaa dadkoodii la faray inay ka guuraane
Haddii kale gumaad baa ku iman gawrac loo tudhine
Daallin baa garsoor iyo la biday talo go’aankeede
Rag baa haan garaacdoo na yidhi gabayo weeyaane
Gamboolaydii loo diid iyo kuwii gaarka u lahaaye
Guddiyaaba loo xulay inay gaadhka ka qabtaane
Xabashkii gumaystaha ahaa gacal walaalowye
Geeshkiisu waakaa fadhiya gumaradeenniiye
Ciddii aan gargaarkiisa helin haad ku gabasleeye
Shantoo la isu geyn bay labadii kala go’ doonaane
Wadaaddaa go’aansaday dagaal geli colaadeede
U gaabsade suwaalkiyo guntiga guul darriyo hooge
Goobihii xadrada loo ogaa gaardi lagu dheelye
Guubaabo laga yeel wacdigii loo golayn jiraye
Garbahana kitaab iyo tusbax sooma geliyaane
Gamasyaaba lagu qaatay iyo gumuc rasaaseede
Bal dayaay aduunkaa ganbiyan gebi dhaclayntiisa
Mar haddaanan dunideer gurracan gees ka marahaynin
Ama aan dhul gaariyo la arag gooni wax u yeelad
Oo gabanka aan dhalay tashigaa igu gargaaraynin
Waa inaan gawaan lama ordee talo gorfeeyaaye
Gabagabana waa aniga iyo ged iska sheegayga
Haddaan lay gabbaanadin caqligu iga gawaan raacin
Ama aanan gees marin dadkii la iga soo gooyey
Oo dhalashadaydii u gelin garacyo shaydaana
Wallee talo golaha aan ka go’in uma caraad guuxo
Wallee dano u gooniya rag wada daba guclayn maayo
Wallee diin gadaal nooga timid hiil u geli maayo
Wallee dabin xariir lagu goglana laygu gelin maayo
Luquntayda gaalleef rag sida gooya odhan maayo
Wallee dowlad gaaraa la helay layga gadi maayo
Wallee godob rag ii qaba hunguri garab ku siin maayo
Wallee niman galbeedkaa u kacay gabay ka dayn maayo
Wallee oday dadkiisii ka go’ay guurti odhan maayo
Wallee geeri Soomaaliyeed guul ka dhigan maayo
Wallee garabyadoodaa is jara garow mid siin maayo
Wallee gacal xigaakii nin dilay geesi odhan maayo
Wallee guriga ii xiga khalqiga gaade kuma laayo
Wallee Xabashka soo galay arlada geel u qali maayo
Walee haanta gawgawda badan goorna tumi maayo
Walee haragga lagu soo gedfana giija odhan maayo
Wallee gacanta igu taal mar qudha guudka kama saaro
Go’aankaygu waa kaa gartiyo gabaygu waa saase
Maxamed Hirad
San Diego California
E-mail:xagar2000@sbcglobal.net
Copyright © 2007 Wardheernews.com |