|
|
Gar u Walaalooba
W/T. Maxamed Maxamud Maxamed Cashare (Coon)
January 14, 2010
|
Sida dhabta ah waaxyaha qofka bini aadamka ah, labo waa isu ooyaan, labo waa is qaataan, labo waa is jiitaan, labona waa isu dhintaan. Waxa sidaas ka dhigan guud ahaan umadda Soomaaliyeed. Haddaad dockale ka eegtona sida la caddeeyey waxa Eebbe Soomaalida ugu deeqay in ay noqdaan ummad isku diin, Af, dal iyo dad qudha ah.
Haddaba waxa isweydiinle iyagoo wadaaga intaas aan kor ku xusnay,
waa yaabe, haddaad u timaado 10 qof oo meel wada fadhiya oo Soomaaliyeed, aadna u sheegto, waxa maanta dalkii loo doortay madaxweyne, waa hubaal in uu mid weliba ku weydiinayo iyagoon iska warqabin: Oo waa reerkee kan la doortay?
Waxaan iswediiyaa saaxiibada aan fekerka wadaagnaana ila qabaan, madaxweyne kasta oo Soomaaliya loo doortaa hadduu noqonayo dabcan qof ka soo jeeda qabiil, taana aan lagu qancayn si kasta oo uu xaqa iyo cadaaladda ugu dhow yahay,
waa yaabka yaabkiise, ma rasuul guud kA yimaa goosh uun talinaaya?
Arrimahaas kor ku xusan iyo faahfaahin wehelisaba waxa aan ku soo gudbinayaa gabaygan aan u bixiyay "Gar u Walaalooba". Kaas oo soo baxay bishan January 7 deedii 2010 ka.
Gabaygiina waa kan ee ku soo dhawaada:
Gelinkii yimaadaba adduun ways gediyayaaye
Gabadano gufaaciyo haddii godadle soo hooro
Geesaha hadduu kaaga kaco gegi adoo yaalla
Gurboodkiyo carruurtii hadday gelengel kaa taallo
Gibil aad ku awddiyo adoon go, u awoodaynin
Garbaduub inaad eegataa uurku muu geyo,e
Gabankaaga inaad gowracdana waa gedaan dhicine
Hooyadan gambada tuurtay iyo aabbe gabadh waayey
Geeridan guryaha loo gatoo laysku garab yeelay !!!
Inta gacalo loo xidhay asay oo oohin gubanaysa
Ama guura-raacdoo haween aarku kala gooyey
Goblan geeri lagu dhowrayana Guulle muu badine
Imisaa mid garab wiil lahaa gocasho ooyaaya
Imisaa mid calaf guudka jira Yurub ka soo goobay
Geerida saxaaraha badh baan ruux gunaanadine
Liibiya gefkii kaga dhacaan gaarba loo deyine
Laashkii badhbaa lagu geddiyey badaha guudkooda
Goosankii ka soo hadhay haddii jeelal lagu giijey
Malti may gar-gaarino Talyaani gaar umuu deyine
Gasiin haw danbeeyee ma helin meel gabaati lehe
Garan waa haddii uu dhocoo gu,guna uu raago
Geenyadu hadday orod gabtoo goodirku istaago
Gujis ay nirgaha gowdhisoo golongol uugaanto
La arkee inuu guulleheen gelin waraabshaaye
La arkee inay gubun-gub iyo gocoso daaqdaaye
La arkee inay kay gabtiyo gabanno deeqdaaye
Geyigeen haddii uu gubtoo noloshii gaadhowdey
Hadddii soodh gondaha laysku jaro gelin walboo jooga
Gardarrada waxaan saarayaa ruux walboo galaye
Gu’ yartaa gantaalada siddaay garasho yeelkiine
Guudkiina idinkaa ku wada hoobiyaa guba e
Idinkaa nin gaardiyahayaa idinku guuraaye
Idinkaa dantiisa u gudoo tiinna aan garane
Idinkaa garley hooyadeen iyo gubay dhulkeenniiye
Idinkaa markuu guusha helo gala tahriib dheere
Intase aad garnayl baas siddaan gaagax bay noqone
Haddii aan guntiga loo adkayn oo gelinba ruux raacin
Haddii aan waraabaa gudiyo aarka laga goobin
Haddii aan markay goosantana gaajo loo mudanin
Haddii aan gondaha dhiig ku qoyn guure bahalaynta
Haddii aan libaax gaadmo rabi gogosha kaa toosin
Godlanmaynno oo iga wallee waa galoof go,iye
Gardarrada tahriib loo galee geniga loo eeday
Ninka aad u guurtoo gunnimo galab ku soo raaya
Ma roob baa Ilaah gaasiraa, gelin qudhow hooray ?
Gondihiisa oo laaban miyaa gurada loo buuxshey ?
Mise aabihiisaa la gube teenni guranaaya ?
Waxba yaan garwaaqsiga lumiyo eedda gees marine
Waxba yaan tacliin gowrac uun gowda lay barine
Waxba yaan guhaad iyo xumaan ruuxba ruux gadine
waxba yaan jihaad aan gudbayn laygu gaagixine
Waxba yaan qabiil geedki go,ay gaadh la ii geline
Waxba yaan garbaha laygu tolin geesi baad tahaye
Kol haddaan barwaaqada la garan garabna loo yeelin
Kol haddaan gargaar daacadnimo gacanta loo haadin
Kol haddaan la goyn gaajadoo guri dareemaayo
Kol haddaan gef kii gala dhammaan guudka lagu feedhin
Kol haddaan kitaab lagu gudbiyo diinta lagu gaadhin
Kol haddaan salliga lagu gam,ayn godob la,aan waarta
Kol haddaan rasuul guud ka yimi gooshna imanaynin
Kol haddii ninkii galab qabtiba geed uun noqonaayo
Kol haddaynaan guul kale heleyn iyo gacan walaalaysa
Waxaan nabadda ugu guuxaynnaa waa ged aan jirine
Is gunaadad Soomaaliyeey xaalki soo gudubye
Ama Guulle tala saarta oo gar u walaalooba.
Maxamed Maxamud Maxamed Cashare ( Coon )
E-mail:coon_igge@hotmail.com
--------
Qoraalada kale ee qoraaga:
- Walbahaarka Tahriibta iyo Wanjalaadda Yurub
- Odayaal Tukubaaya iyo Ayeeyooyin Tahriiba
- Adaa Duudsiyee garo
__________________________________________________________________________________
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews
Copyright © 2010 WardheerNews.com |