Doobir (Hees)
W/T Dr. Abdirahman Beileh
Oct. 18, 2012
|
Heestan soo socota oo la yidhaahdo “Doobir”, waxay ka dhalatay haasaawe ka dhexdhacay diyaaraddii Air France, habeennimadii Arbacada, Oktoober 10, 2012, Douala-Paris flight number Air France 953.
Dadkii diyaarddaa ku jiray oo soo dhammaystiray shir-weyne ka dhacay magaalada Douala, Cameroun, oo lagu lafagurayey sidii loo badbaadin lahaa kayn-weynta dooxada Congo (The Congo Basin Forest) oo uu soo qabanqaabiyey Bangiga Horumarinta ee Afrika (The African Development Bank), ayaa qaarkood waxay ka sheekaysanayeen sida Afrika da qaarkeed u baaba’ay iyo sida ay kuwa kale xawliga ugu socdaan.
Haasaawihii wuxu la galay waddanka Soomaaliya iyo Soomaalida oo ay ku sheegeen in ay gaadheen meel aan soo noqod lahayn. Waxay ku tilmmaammeen Soomaalidii in ay amma qaxooti yihiin amma qori sitaan.
Arrintaasi aniga oo laamaddoodsaday, runtiina daallanaa oo damacsanaa in aan hurddo ku jid maro, dab ayey igu shidday, wey i toosisay, hurdadiina wey iga duulisay. Waxa markiiba I hor yimid sawirro ku jiray hees aan hore idiinla wadaagay oo la yidhaa “Ceelasha Biyaha”
Heesta Doobir waxa ay tibaaxaysaa arrimo kala duwan. Waxa ay tilmaamaysaa in, inkasta oo ay run tahay in uu Soomaalida ku dacay xanuun lafta jebiyey oo seexiyey muddo labaatan sano ka badan, haddana waxa muran la’aan ah in dunteedii is-haysato weli oo dadaallo wax-ku-ool ahi jiraan oo isku xidhay qurba-joogta iyo bulshada dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba ku tabaalaysan. Waxaay heestu tusaale u soo qaadanaysaa dhismayaal wax-ku- ool ah oo uu ka mid yahay dugsiga sare ee hoyga ee Geb (The Geb Secondary Boarding School) oo dhawaan qurba-joogta reer Awdal iyo bulsahdoodu ka hirgeliyeen meel la yidhaa Geb, iyo dadaallo kale oo badan oo laga wado dalka qaybihiisa kala duwan.
Waa tan heestii DOOBIR
Heestii Doobir
By Dr.Abdirahman Beileh
October 12, 2012
Duulitaanki shalay
Douala iyo France
Tunis oo ka dambaysay
Diyaaraddii cammirrayd
Ummaddu ay daf ahayd
Illaa daakhilka buuxday
Dardartii socodkii
Dadku ay farxad weyn iyo
Sheeko deeddamayeen
Durdurkii hadalkii
Kursigii iga dambbeeyey
Iyo kii dacalkayga
Dawladaa ku shiraayey
Dadweynay ka hadleen
Hal-doorkii ka dhammaayoo
Digo-xaadh la marshay
Doonni bay ka hadlleen
Ku dayowday badweyn
Dhakhalka iyo shiraaca
Dabaylo ay lulayaan iyo
Injiinkii is-duqeeyey oo
Dalambaabi dhacaysa
Dooddii ay dhex-galeen iyo
waxay dowddabayeen ee
Dhegahayga ku duulaybaa
Igu daaray kulayl oo
Boogtaydii darsanaysay
Damqay oo i xanuunshay oo
Dammiirkayga dhaqaajay oo
Hurdadii wey iga duushay oo
Anigoo dirgan waayey iyo
Dibinta oo aan qaniiniyo
Dirqi baan ku socday
Horaad taa ugu daashee
Dug intaad ka tidhaahdo
Gacmahaaga ka duubo oo
Danahaaga ka raacana
Naftaydii igu diidday oo
Inaan dood ka idhaah
Debnahay cuncunaaya
Dulqaadkaan waayo lahaana
Daaddays baan ku xabaalay oo
Dushaan oodo ka saaray oo
Dib u soo noqon maayo
Diyaar baan ahay caawa
Ciidan baan dumayaa
Dacwad baan furayaa oo
Dagaalb baan ridayaa
Daadb baan soo rogayaa
Bulshadaa kala daadsanee
Fadhataystay dugaagu ee
Sida lo'da dammaanka
Afmiishaarku dillaalay ee
Dirqi uu ku xaraashay ee
Ciddu doono ka iibshay baan
Wax u deydayayaa yoo
Dadaal baan ku jiraa
Danyar bay korisoo
Dugsigii la I geeyey iyo
Sidii lay dabajoogay baan
Daynkoodii bixiyaa
Darteed baan u mlaeegtay
Calankaa degta saartayna
Daacad baa u hoggaan ah
Afartaa dood furiddeed iyo
Arraartaydii ku daa
Darandoorriga heesta
Durduraa geel ku jabaa e
doobir ii dheh abaadir
waxa ta aka dambaysa
Ninkii daarta cad fuulay ee
daruurtii arkay waayey ee
Iyaduuo da’ay roob oo
Dunidoo dhan asqeeyey
Duufaanno ay dhacayaan
Isagu daaradda seexday
Alla doonni ka saar
Daranaa caqligiisu
Ma dameero jin baa?
Digaa hoosta ka nool eh
Inta aan dambaskeedu
Sii dambaaburo heesin
Ku hullaaqin degaanka
maan dagaagaro heesta
Ha dabbaalo dhuflaysoo
Digdigteediyio reenka
Dadwaynu ha ku toosee
Dawga maan u tilmaamo
Durbaankii abtigay (Timacadde)
Doobtiisii ku codeeyoo
“Daaddah” maan ku idhaahdo
Deellaybaa curanaysee
Waxa ay ku dambayso
Anna maan durrujaaga
Intaan xaabo u doono
Dusha geedo ka saaro
Roobka noo da’ay maanta
Ku darrooray agteenna
Isla doonasho Eebbe
Daruur heedhe ka weynoo
Kani waa daldhaammeeye
Daad buu soo rogayaa e
Dantii haw mulacyeeyoo
Cudurka inna dulleeyey (qabyaalad)
Danaheenna ku seegnnay iyo
Daafka ha innaga maydho
Halkuu doono ha aadee
Miyaan daaradda mooso
Miyaan daadka isdhaafsho
Wuxuu doono qaadee
Daafta maan ka istaago
Da’yar baa qatanaydoo
Habka diinka sidiisa
Daymadayda ku noole
Miyaan dowliska qaato
Degelkoo leh barwaaqo
Ku dareeriyo beesha
Dukeeyoo iska daafay
Tu kalaa ka dambbaysa
Darandoorriga heesta
Durduraa geel ku jabaae
Doobir ii dheh abaadir
Dabnahaa I cuncunaayee
Haddii aan dib u laabto
Maahmaahdii dura sheego
Dulucdeedu ahayd
Markuu doono Raxmaanku
Dameeraa dhala weylo
Kor baa daad u kacaa
Dilaa weeye yaxaase
Isaga oo dam ku siistay
Dalqadiisa ku geystay baa
Dabaylo isbeddelaan ood
Dib u soo noqotaa oo
Dabadeed talisaa
Waxa taas u daliil ah
Dadaalkaan u dhammayn
Dayrkii aaynnu yaglleellay
Arrintii aan ku Ducaynnay
Degelkii xaabka la’aa
Duruuftiisu adkayd
qofkastaaba ka dayrshay
Hasheennii dergan weyday
Dhaafiweyday duleedka
Ilayskaynnu ku daarnnay iyo
Halka uu ku dambbeeyey
Doorka aad ka ciyaartay
kaalay oo ila daawo
Dalaggii aynnu fajaasnay
Miraalaa ku darrooray
Damta heedhe ka saaray
Ku bashiishtay diraacdan
Xareed baa la durduurtay
Dunidii ku badhaadhay
Buurihii deddanaa ee
Dabayshu ay balfinaysay
Cadceeddii ka darrayd ee
Haddii aad ku yar daahdo
Ku dubaysay dhammaan ee
Dusha kaa murxinaysay
Diirka kaa muldhinaysay
Barwaaqaa ka dambbeesay
Dalkii xabka la’aa
Naflaydydu ay kay didaysay
Dunidii way is beddeshay oo
Daaraha is hadheeyey
Markaa waagu dillaaco
Loo dareero iskuulka
Illaa fiid dabadiisa
Marka laydhka la daaro
Damaanshaadka dhacaaya
Dareenkaa ku dhaqaaqa
Durba waad garataa
In aan daw cagta saarnay
Dibna loo noqonayn
Dawaaf baan ku jirnaa oo
Dantay baan u maleegtay oo
Calanakaan degta saratay 00
Waan ducaysanayaaye
Doobir ii dheh abaadir
Mid kalaa ka dambbaysa
Ragga daabbad jaraystow
Dumarkyo iyo carruurtow
Dariiqaynnu astaynnay
Wixii daal inna gaadhay
Wixii geedka duleedka
Odayaal ku dardaarmay
Dib intaan u jalleecnno
Intaad daafaha eegnno
Shalayto iyo dorraad
Deris weyn ha noqdaan
Noo ileeya dariiqa
Dalandoolka hayaanka
Marka awrku dakaamo
Jidhku uu dubayoobo
Afku uu hadal daayo
Daran-doorri- ku maal iyo
doobigoo xoorku caleeyo
Wanaagabaa ka dambbeeyee
Dub-adayg iyo fiiro
Dulqaad ha inna hogaansho
Qofka dooddan maqllaaya ee
Dulucdeeda fahmaayee
Jidhku uu damqanwaay ee
Halka daabbad marysso
Daymoodee iska dhaafay
Ka digiigixan waayey
Dhegihiisa dabooshay
Muxuu yahay Alla doori?
Kuwii doonta shiraacday
Dirir xooggan habeeyey
dantoodii ku labeeyey
In ay daawo galaan
Dulqaadka iyo hannaanka
Inay daacad yihiin
Diyaar hawl u yihiin
Socodaal dheer dalbadeen
Wallee daah kuma qaydna
Afartaa run u daa
Tu kalaa ka dambbaysa
Darandoorriga heesta
Durduraa geel ku jabaae
Doobir ii dheh abaadir
Doqonbaa warwareegtoo
Meelo dheer wax-ka-doontoo
Hadal aan dux lahayn iyo
Duu-daa-daa ku wareertoo
Kugu daalisa hawle
Anoon dhaafin duleedka
Durba ma idin qaboojay?
Ma idin deeqay warkaygu?
Dareen maydinku beeray?
Ma dubaaxiyay jiidhku?
Masakaxdiinnu ma diirtay?
Haddii uu dirir hooray
Dal dhammeeye hillacay
Degelkoo dhan asiibay
Daayinkii na abuuray
Farriimahaan u dirannay
Ducadeenni ajiibay
Dadaalkeennii midhaystay
Dugsigeennii Gebeed
Daakiraadda allaylka
Marka diiggu dhawaaqo
Illaa fiid dabadii
Dam cadeeddu tidhaahdo
Duruustii soconayso
Dhallinteennii dayowday ee
Sida duunyada fooftay
Ilaahbaynna dilaayee
Habka diinka sidiisa
Dubkoodii jidhifaysaty
Hadday maanta duruus
Climigii dihanaa
Ka durduurnayaan
Faraskii ina daabbad
Ee daddaabba xidhnnaa
Ha dawaafo adduunka
Dantii ha xarragoodo
Waxaan sheeko ku daayey
Ku soo duubay warkaygan
Dambbibaannu samaynnay
Daa’imoow naga maydh
Dadaal baan ku jirnnaa yoo
Daa’imo iyo carruuriyo
Danyarbaa na sugaysee
Allow dawga hagaasan
Aammiiin
Dr. Abdirahman Beileh
E-Mail: A.Beileh@afdb.org
__________________________________
We welcome the will only consider articles sent exclusively.
Please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.
WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2012 WardheerNews.com |