Ma Adaa Dulqaad Garan Kara Oo Daacadnimo Sheegtay?
By Dr. Cali Baxar
June 14 , 2009
|
Marka ad wax badan is tidhaa ka aamus arrimaha siyaasad-ku-sheega ah ee is rog rogaya, siiba kuwa ka dhacaya Koonfurta Soomaaliya, ayuunbaad arrimo kaa fajiciya arkaysaa amba maqlaysaa. Waxaa tusaale u ah hadalkii ka soo yeedhay Sheikh Daahir Aweys ee Ahaa: Ha loo dul qaato dagaal hor leh oo sii socon doona.Sheekh Xasan Daahir oo saxaafadda ka soo hormuuqday, sheegeyna in dagaalku socon doono
Waxaan hubaa, Oo an sheki ku jirin, in dadka Somaaliyeed dulqaad badan muujiyeen marka la eego sida ay ugu dulqaateen dhibaatooyinkii ka soo gaadhay dagaalada sokeeye. Waliba, gaar ahaan, dadka Somaaliyeed waxay dulqaad badan u hayaan waxa la yidhaah qabiilka danahiiska.
Sidaan wada garan karno, ambse an aragnama, waxaa maanta look ala degaa oo noqotay qodobada ugu horeeya nebadgelyo-raadiska iyo wada noolaashaha dadk meel wada dega wadanka dhexdiisu waa qabiilka. Somaali waxay dulqaad u weyday, oo ay mar hore dayacday waa wadaninimo. Tass baa keentay in ayna cidna isugu imaan cadow laga daafaco wadanka.
Waxaase dhacda in dadka Soomaaliyeed ku masquuleen in qabiilba qabiilka kale iska ilaaliyo. Waxaa tusaale muuqda noqon kara, anigu sidaan qabo, in Dawladii Cabdilaahi Yussuf loo diiday in ay Muqdisho soo caga digato. Dacwada ugu weyn ee lagal horyimid waxay ahayd Hawiye oo ku dooday in uu Daarood qabsanaayo. Waxay marwalba ahayd doodu, Dawlada waan rabnaa ee mar rabno cida ka madaxda ah, Cabdilaahi Yuusuf. Itoobiya ayuu wataa waxay ahayd kaliya geed ku gabad.
Maanta waxaa madax ah kii sidaas lahaa, Sheikh Axmed, Dawlado shesheeyana, oo xitaa Itoobiya ku jirto, wuu rabaa in ay wadanka joogan oo ay ilaaliyaan Dawladiishu inta ay adkaanaysu. Waxna kuma jabna dacwadaa iyad ah, sidaan anigu qabo. Waayo, mar haddii nabad laga waayo dadka ay wax la rabto Dawladu, waa in ay heshaa cid ilaalisa nabadgelyada xafiisyada iyo maamulka la rabo in uu hirgalo.
Dad badan oo shalay arrinkaas laftiisa ka soo horjeeday, siiba kuwa sheegta Odayaasha Hawiye, maanta way soo dhaweeyiin doodaas iyada ah, wayna ku dhawaaqaan in la daafaco Dawlad Sheikh Shariif Axmed. Labadaa Dawladood waxa qudha ee u dhexeeyaa waa qabiilka uu yahay qofka ka madaxda ahi. Dulqaadka Hawiye maanta uu muujinayo waxaa u sal ah kaliya iyaga oo u arka in ayna u jeeda Dawladu ahayn in Hawiye lagu qasado. Awal horena Ma hayn ujeedadu, waxay ahayd tuhun la is muudsiiyey (wrong perception) iyo baqdin qabiil oo lakala qabo.
Markaa waxaa iga yaabiyey dulqaadka uu sheikh Hassan Daahir Aweys ka rabo in uu dadku dagaal kale oo dheer u sii dhabar adkaadu, waxa ay micnaheedu yahy. Waxay igala fogaan weyday, in uu Sheikh Aweys leeyahay Hawiye, Hawiye kale ka doorta oo aniga ii dulqaata inta aan dantayda dagaal ku gaadhaayo. Waayo, sida uu arko amba looga bartay ummadda Soomaaliyeed way u dul qaataan arrimaha qabiilka. Taas baa ka soo hor marta danaha guud, sida wadaninimada amba gobalnimad.
Aniga oo an la iiga baran in aan gabay tiriyo, ayaan hadana is haysan kari waayey oo in aan guuxo amba doobiyo, oo an xunbada qubo sidii awr doob baranaaya, ayaan wax soo daadshey ee bal ila eega. Iina dulqaata, tii Soomaalinimo, ma aha tu qabiil.
Waxaan Idhi:
Duco beele ina Daahirow nabad ma doonaysid
Dadkaagan dulmigu daashaday iyo dumarkan daaduumay
Dabkaad hurisay dad kuwaad in badan nabadda duufsiisay
Danyaraha carruurta ah intaad dil u horseedayso
Dagaal aan damayn baad waddaa tan iyo door dheere
Ma adaa dulqaad garan kara oo daacadnimo Sheegtay?
Dadka badankii wuu garan karaa waxan aad daahayso
Dib u dhugo dariiqaad martay oo daris waxaad keentay
Itixaad dagaalkii Puntland duulimaad lumay dheh
Diin baan wadaa baad tidhaah cidina doonayne
Ina Yeey dagaal kaaga badi dabinna kuu qoolye
Darbi oodan waataad gashay eed Diiqsi kari weyday
Daarood rag baa kuu baxee dibad ma joogteene
Dagaal lagumo helo darajdaan Daayin kuu qorine
Dariiqii xalaasha u ahaa diidday in aad raacdo
Kala didisay Daarood Hawiye dooxa wada Yiille
Dadkii ehel ahaan jiray zamaan daafta kala aadye
Dambi dhaaf in aad raadsato cidi ma diideene
Dufan (nourishment) debadda kaa soo gala iyo doolarkani awran
Diin Wahaabka (Wahaabi) kuwan kuu akhriya ee dumiyey Soomaali
Dariiqan dadkaygii Halligay diiday odhan weyday
Debno maalka (lip service) diin aanad hubin dood Kksoo dhigatay
Dalkan ololay daayac carruur dumarkan ooyaaya
Diintaba waxaa laga gadaa ruux daryeel qaba e
Dubku nimuu damqado Daahirow daris ma laayeene
Danta adiga kuu gaar ah baad ubad u dooxdaaye
Ma adaa dulqaad garan kara oo daacadnimo sheegtay?
Dadku way ogyiin Daahirow damacan kuu gaar ah
Danbi dhaaf Ilaahay ka doon oo dami dabkaad oogtay
Wada diidday dowlado wixii door lasoo bidaye
Danta guud nin doonaba ma tihid oo raba xal diin dhaafsan
Dawo raadis kii noogu yimid ee dunidu noo doortay
Dil ku qaada mooyee ma odhan sidan ha loo daaqo
Mar ku doodday inaad tahay caskari sugayey doorkiisa
Ina Yeey duleedkuu ka kacay iminka doonaya
Mar ku doodday inaad Diintii tahay iyo Nebi la soo doortay
Marna damac qabiil kama tegtide daaha soo xidhatay
Markaad damacdo Warlord dad cuna dan u walaaloode
Mar ku durug Al-Qaeda kuwaa dunida aafeeyey
Dib u dhugo dariiqaad martay meydka wada daadsan
Dadku waxay rabaan baa ka weyn danahan kuu khaas Ah
Galguduud dagaalkii dorraad dhiigga lagu daadshay
Doofaar Ka yimi dalal shishe oo madaxa soo duubtay
Dulligii Ciraaq soo rogay ee dumarka laynaayey
Dib u dhaca kuwii baday Afghan ee duur cidla taagay
Dad naceybka duul lagu korshay oo naartu wada diidday
Dumar iyo carruur niman midnaba cid u danayneynin
Dunbuq buuxa nimankaa sita ee dilaya Soomaali
Dadkii go’ay dariiqyada kuwii gawrac ugu Duubay
Dooxyada ququla Dhiig dadbaa lagu dabbaashaaye
Danbibaa la galay Daahirow adiga kaa daahan
Diintaadu kuma joojiso oo daallin baad tahaye
U dulqaata dacwad kama dhigeen ruux damiir lihiye
Dooddaada ina Daahirow duunku kula yaabye
Ma Adaa dulqaad garan kara oo daacadnimo sheegtay?
Dariiq lagu dhintuun baad waddaa oo diidday hadal toosan
Ku dan seegtay diin been ah iyo duub cad ood xidhato
U durduuratay ruux dhiigga jecel oon cid u danayneyne
Dab ku hurisay dariskii ku xigay duubcas ugu Yeedhay
Kala dumisay dooduhu Hawiye dad ugu baaqaayey
Dalabkaaga kii Diiday dhahay dib uma sii noola
Dulqaad ruux leh amba qaba dareen dad u ku maamuusu
U dulqaata dacwad kama dhigeen ruux damiir lihiye
U durbaan tun waligaa cid kale duufso kaa aragto
Dan kalood ka leedahay La waa oo dumisay Soomaali
Dalku Dhaqankii Uu Soo Dhisiyo Dhaxal Dadka U Yaalay
Ku durdurisay taariikh da’weyn oo daari kama taagna
Dadku way arkaan Daahirow bohoshan aad daahday
Dib u noqod dagaal kale gala daawo noqon mayso
Ila daawo aan duluc dadnimo hadal ku deeqsiiyo
Deji reerka beel daaje noqo danaha guud dhowra
Bal ha dilin dadkaygani wax badan dulinku soo gaadhay
Bal daryeel daciifkiyo danyare doog u wada raadi
Dalka dhiig dadba lagu qubee duciyo Khayr raadi
Daahiyad hadduu beri ahaa dumarkii Soomaali
Dubkooday Gadaan baa La baday Dani Markay Yeeshay
Darxumada duleedada ku helay dib uga soo hooya
Danbi dhaaf kuwaas ku hele darajo dheeraad ah
Dareenkayga sidaan qabo ma yarid duni intaad joogtay
Dalkaagoo ku maamuusa iyo daris ku dhowraaya
Daydayo xabaal yara degdeg Ah oo lagu daryeelaayo.
Dr. Cali Baxar
E-Mail:aib_1@yahoo.com
_________________________________________________________________________________
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews
Copyright © 2009 Wardheernews.com |