Home Articles Somali Songs About us  

Ina Jicimbir: Jawaab ku socota Dr. Beileh
By Dr. Ali Bahar
Jan 04, 2010

The following poem (Jiifto) is a response to Dr. Abdirahman Beileh’s poem titled: Heestii Komeesa iyo Ina Jicimbir, posted recently on wardheerNews. Dr. Beileh reports on  “The Common Market for East and Southern Africa---Komeesa” took place in Victoria Falls, Zimbawi on June 2009.

Dr. Beileh laments the absence of a Somali state (Ina Jicimbir) from these meetings and how the Somalis neglected their obligation to their country and the general welfare of the Somali people, while wasting their precious time on clan politics.

In support of Dr. Beileh’s poem, this poem also expresses the author’s frustration and disappointment with Somalis. The Somalis are busy mechanizing the destruction of the Somali state and sabotaging each other in the name of clan; while other African countries are discussing ways to collaborate and coordinate efforts to improve the lives of their people in their respective countries.

Haddaan Ina Jicimbir Ahay Jawaab baan Kuu Wadaa

Jagida meel adag u dhacay
Jidhkii nool baa damqada
Miyaan anu jixinjixaa
Qalbigu jalow ima yidhaah
Jabkayga ma sheegi karo
Jacaylka dadkaaga iyo
Jibaadkaagaan maqlaa
Dhagtayduba jalaq ma laha

Jiidhkan kuu dhaqaaqay iyo
Jidhiidhicada kugu kacdiyo
Jabkiyo hooggan ku helay
Haddaan kuu jawaabi laa
Jiiftadu faham bay rabtaa
Jacayl qaran bay rabtaa
Dhammaan ilma Jicimbiroo
Jid wada raacay rabtaa
Ujeeddada ruux gartaa
Jaqaaftuu guran lahaa
Jidkuu kula mari lahaa
Agtaaduu joogsan laa
Jagada reer hebal ku shiray
Codkiisuu jeedsan laa
Sidaad jiiftada ku tidhi
Adaa u jihayn lahaa
Wuxuu janto sheegi laa
Dadkaaba u joogsan laa
Jabkani reer Jicimbir helay
Jadwalkaa lagu dari lahaa
Joogbuu wax u taban lahaa
Kursiguu soo jiidan laa
Jimcaha markay tahay aroor
Jar sare arrin lagu jirrabo
Jiridda hoosteed la tago
La jeexdee jilib la dhigo
Jawaab loo heli lahaa
Jid dheeroo la ii dhisiyo
Jawaan lacagoo ka maqan
Wixii qayrkii jilmadey
Jeebkiisaa buuxi laa

Janada dad la qaybsan laa
Jalbuu soo heli lahaa
Juucaan kaga hadhi lahaa
Jidhiftu kaga duuli layd

Jabkiise wuxuu ka dhacay
Jaalloow kuma aaminsani
Waxbuu jeebkiisa galin
Jidiinkiisuu wax marin
Tolkiibuu jimidh u xadi
Jin baa been I widhwidhin

Jidkii shalay aan ka lumay
Jarkan dheereen ka dhacay
Ka joog maqal bay lahayd
Dadkaan isku jiidh ahayn
Jees wada yaal ahayn
Jinsiyad  mida wada ahayn
Jamaad wada maali jiray
Jamaal-qurux waxaan lahaa
Jannooy gabadh jalaqsan dhalay
Jidkay wad daadsanyiin
Jalbaab ku maleegan yiin
Jidhkooda la iibsadaa
Maydkooda la jiidayaa
Afkiibaa juuqda gabay
Adduunkii I wada jeclaa
Dhammaan jeeniga ku rogay
Jinbaa I wada lama garta ah
Jaarkaygii gawrac idhi
Jikaar hadalkaygu noqoy
Dhammaan ilma Jicimbir iyo
Walaalkay Jaamac iyo
Saxiibkaygaan jeclaa
Agtooda ma joogi karo
Tolkay jees-jees u dege
Kalaam jabaq nama dhex maro
Wanaag jaho la isla waa
Socdaal jaqaftaan hayaa
Jid ii daran baan socdaa
Abeesadu igu jaqdaa

Axmaar jaajuus u ihi
Jabkay Nairobi degay
Jigjiga galbeed baan ka maray
Jabtooy Eritrea iyo
Sudan jidad lagu baqtiyey
Jahligu Yaman igula orod
Nin jabay ii caga juglee
Jabuutiyo tagay Asmara
Jufiyo waran la igu cari
Jabkii helay reer Ciraaq
Shabaab jeel la iigu ood
Jilbiyo gacmahaba I jare

Jinbaa sirta ii akhriya
Janada inan galo ma rabo
Jidkeeda maxaan u mari
Haddaan jilibkay dageyn
Qabiilkay janan ka noqon
Jannadu ani ii xidhnayn
Jikaar iyo muran la hayn
Jareekaan cawlan iyo
Jawaan garowoo la xado
Jujuub noloshoon dad dhaco
Jiqiiqda carruurta iyo
Ku joogsiga maydka iyo
Jeebkiisoon baadha iyo
Jaallaha jiifee jajabay
Hadduu juuq ii yidhaah
Jufada AK-ga iyo
Jaf aan eebada u darin
Jalkiisa ka hoos xadayn
Maxaa janno lagu hayaa

Inaan soo joogso iyo
Cabdow jiif  la iga helo
Dhagbaan jabaq ii furayn
Janada nin su’aal ka qaba
Jahligu warankiisa yahay
Jeebkiisa u xoogsadaa
Jacayl qaran muxuu u yahay?
Jiiftadan maba garan karaa?
Jis iyo xubin baa I maqan
Jabkii reer Jicimbir helay
Sagaal jees bay noqdeen
Jar-jare calankaad jeclayd
Jallaafaa lagu badalay
Jabkood bay ku faanayaan
Jagiyo madax bay rabaan
dhammaan jeebkaa u daran
Jaadkay kala boobayaan
Jalxumo wada yuuraraan
Jalaabi ku maran yihiin
Jeeniga wada laaban yiin
Qabiil ku jibaadayaan
Jinbaa u akhriya Quraan
Jikaar waxay kugu marshaan
Jannada inay soo arkeen
Tolkood jaajuus ka yahay
Jaadkuna joogta u yimaad

Jawaabaan  kuu wadaa
Cabdow joogsoo bal maqal
Jidkii ina koofi maray
Halkuu jeexdaan socdaa
Jufada warankee I sudhan
Jiidhkayguba ima damqado
Jinbaa shalay ii waramay
Jannadu danba iima aha
Cadaabtaa jiif macaan
Jidkeedii waan hayaa
Jikaar badan ha ila galin
Jacayl qaran ima hayee
Soo jeedi haddaad is tidi
Jinbaan ku faruur xidhnee
Ma joogee ha igu jabin
Jiifkaaga ha iiga kicin

Ali Bahar
Email:abahar57@gmail.com

__________________________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright 2010 WardheerNews.com