|
![]() |
|||||
|
Gabalku waa sii dhacayaa, oo cadceeddu iyada oo dhar dahabiya xidhan ayaa waxay u sii gurguuranaysaa godkeeda. Waxay geyiga ku sii sagootinaysaa falaadho casuusa. Kuwaas oo marka ay foolkaaga ku dhacaan ku hilmaansiinaya wixii aad huq iyo hagardaamo maalintaa mudatay. Waxa ay kugu soo noolaynayaan dareenno muxubo iyo kalgacal isugu jira oo aad u qabtay inta xidhan maro iyo dhixir oo gudahaaga ku dhadhay markii aad qaan gaadh noqotay.
Dhulkan hortayda ka muuqda waxa uu huwan yahay biyo madaw oo bad la iigu sheegay mar danbe. Alla baddu qurux badanaa oo haddana quwad waynaa; deeqsisanaa oo haddana dad qalsanaa; xunbo badanaa oo haddana xasili ogaa. Ma xaaskii saaxiibkay ee Cibaado yoomaa? Gudaha shishe ee badda waxa dhex siqaya wax guryo u eeg, la iiguse sheegay maraakiib. Halka dhexdeedana ay dul sabaynayaan doonyo yaryar oo dad saaran yihiin. Cirku caad yar oo khafiifa ayuu gashan yahay, isaga iyo badduna waxay ku kulmaan halka ugu fog ee aragaygu ku soo af meermo. Haddaba, badda xeelligeeda oo biyaha u dhaw ayaan taaganahay aniga oo cago cad; surwaalku kor buu iigu laaban yahay, labada gacmoodna miskaha ayay ii saaran yihiin. Neecawda, Hirarka iyo mawjadaha cadcad ee ka soo kacaya meel Alle og yahay iyaga oo qalaamo-roganaya waxay ku bac dhabanayaan hortayda. Waxaan kala garan la'ahay waxan oo baaxaadeg ahi cadho iyo qooq mid ay ka yihiin badda! Haddii ay ka danbe ka yihiin iga walla waxa rag adduunka jooga oo idili haddii ay isugu tagaan inaanay baahi tirayn!
Dadka badan ee galabta meesha isugu yimid waxay isugu jiraan: In dabbaal u timid iyo in daawasho u timid. Qolada danbe ayaan ku jiraaye xiskaygu wuxuu kala hormaynayaa xusuuso macaan iyo qadhaadhba leh oo sida mawjadaha iyaguna isaga soo daba dhacaya. Qalbigaygu wuxuu iska sifaynayaa xumaan iyo xasad wixii maalintaa ku soo dhacay, halka ay indhahayguna la dabbaala joogtaynayaan gabadh qurxoon oo si habsami ah u dabbaalanaysa. Timaheeda kala rogan ee ay biyuhu ka da’ayaan, xubnaheeda kala shuban iyo horaadadeeda hugay xidhan tahay soo hirdiyayaa waxay dhaayaha u diidayaan in ay dhinac kale jaleecaan. Tolow miyaanay u baahnayn qof dabaasha aad u bara? Dheguhu waxay ku raaxaysanayaan guuxa mawjadaha sida talantaalliga ah isaga soo daba dhacaya, halka sanka iyo sanbabaduna ay qaadanayaan neecow udgoon oo saafi ah. Haddaba aniga oo farxaddaa la muraaqoonaya ayaan ku beerraqay: Bad yahay gobbaad tahay,
Gacaliso, salaan suubban dabadeed, ogow erayada kalgacalka huwan ee farriintani xanbaarsan tahay waxay ka soo burqanayaan halbowlaha jidhkayga iyo habayaasha dhiigga. Waxa ay hagaag ugusoo dhacayaan carrabkayga, halka dabnuhuna ay awoodi la' yihiin cabbirka dareenkaa shucuurtu ka ceegaagto, isla jeerkaas uu qallinkuna keeni kari la' yahay erayo-afeed dareenkaa qoraal u roga. Haddaba maxaan sameeyaa, sideense kuugu soo tebiyaa gacaliso? Ma garan karo laakiin, waxaad iiga dhigan tahay: sagal daruureed iyo saxan saxo roob; Gacaliso, muddo hadda laga joogo sannado ayay iniin kalgacal oo haatan geedba noqotay gudaheenna ka biqishay. Muddadaa waxaan daraasaynayay dabcigaaga iyo kaygu sida ay isula jaan qaadi karaan. Waxa kale oo aan ku foognaa sidii aynu u abuuri lahayn haasaawe dhaba oo dhalanteedka ka fog. Haddaba ku guulayshada arrintaa adiga oo garabkayga taagan ayaa keenaysa inaan dhanbaalkan kuu soo diro. Waxaan kaa codsanayaa inaad erayadan ku xaradho laabtaada kuna xajiso xiskaaga inta aad nooshahay. Ma og tahay gacaliso, gaarinimada, garasho badnaanta iyo gobannimada uu Guulle kuu dhaliyay baa gudahayga gurxan iyo guux ku abuuraya. Qurux badnaantaada, qorqornaantaada iyo qiima waynigaaguna qalbigayga waxay ku kordhinayaan kalgacal uu horeba kuugu qabay, halka degganida tallaabada, diirimaadka laabta, dabacsanida hadalka iyo dulqaadkuna ay dareenkayga muxubbo sii laban laabayaan. Danaynta dheeraadka ee aad u hayso ehalkayga iyo ixtiraamka badan ee aad u qabto asxaabtayduna waxay ka marag yihiin dadnimadaada iyo dunji wanaagaaga, waanan kaaga mahad celinayaa. Gacaliso, been baan kuu sheegay haddii aan ku idhaa kugu qaldami maayo waligay, waayo dhammays ma ihi, adna illa mid baad tahay. Sidaa darteed haddii aynu rabno nolol aayatiin leh waxa lagama maarmaan ah inaan baranno habka khilaafka loo yareeyo loona xalliyo. ________ Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq) waa qoraa wax ka barta dalka Masar oo si joogta ah sheekooyin gaaban, maqaallo iyo qormooyin kaleba ugu soo bandhiga WardheerNews. Waxa aad kala xidhiidhi kartaan: E-Mail: awliyo177@hotmail.com Qaar ka mid ah sheekooyinka iyo qormooyinka kale ee degelkan lagu soo daabacay* Ha Ii Diidin Heesaha Wq. Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq) _____________________________ We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com Copyright © 2012 WardheerNews.com |