Al-Shabaab oo La Sheegay in ay Hubka Lidka Diyaaradaha ku Dul Rakibeen Dabaqyada ay Dadka Rayidka ahi Deganyihiin ee Kismaayo |
Nayroobi, Sebt. 20, 2012 (WDN)- Maleeshiyaadka al-Shabaab, ayaa lagu soo warramayaa inay si qasab ah guryaha ka sameysan dabaqyada ee degmada Kismaayo, xarrunta gobalka Jubada hoose u dul saarteen hub cul culus, gaar ahaan kuwa lidka dayaaradaha. Taas oo dadka ku dhaqan magaalada ku kaliftey inay badi ka qaxaan magaalada. Dad Kismaayo jooga, ayaa WDN u sheegay in tallaabadaasi ay si aad ah u qalqal galisay dadka degmada ku dhaqan.
Waxay sheegeen dadkan oo siyaabo kala duwan ula hadlay WDN, diideyna in magacyadooda iyo codkoodaba la isticmaalo in shalay illaa iyo maanta ay xaafad xaafad al-Shabaab u tagayeen oo dabaqyada saaranayeen hubka cul culus, dadka guryaha deganna loo sheegayay inay dagaalka ka qeyb qaataan ama guriga isaga guuraan.
Ficilkan ay Shabaabka ku dhaqaaqeen, ayaa waxa uu yimid, wax yar kadib saacado markii ay al-Shabaab magaalada Kismaayo oo maalmo ka hor mar ay faaruqiyeen ay dib ugu noqdeen.
Fu'aad Maxamed Khalaf, oo ka mid ah horjoogayaasha al-Shabaab, ayaa sheegay in dhalin yarada looga baahan yahay inay Kismaayo difaacaan, sida uu warka u dhigay.
Idaacaddii afka Alshabaab ku hadasha ee Andulus, oo ka mid aheyd agabyo ay maalmo ka hor al-Shabaab ka rarteen magaalada, ayaa dib hawada ugu soo noqotey shalay, iyadoo oo bilawday inay dadka ku dhiira galiso inay dagaallada ay Shabaabku wadaan ka qeyb qaataan.
Dhiilada ka taagan Kismaayo, ayaa waxa ay keentay in kumannaan dad ah ay ka barakacaaan magaalada Kismaayo.
Jamaal Cismaan,
WardheerNews
Nayroobi, Kenya.
Copyright © 2012 WardheerNews.com |