Dahabshiil
Home Articles Somali Songs About us  

Xukuumadda Puntland oo uga Digtay
  Xildhibaanada Baarlamaanka Cusub
ee Soomaaliya in ay Doortaan
Madaxweyne Aanay
Raalli ka Ahayn

Faroole oo ka qaybgalaya shirkii khariidadda nabadda ee Soomaaliya ee lagu qabtay Nayroobi
Garowe, Sebt. 08, 2012 (WDN)- War saxaafadeed maanta ka soo baxay xafiiska madaxweynaha dawlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo nuqul ka mid ah la soo gaadhsiiyay WardherNews ayaa ka digay in Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ay doortaan wax loogu yeedhay shakhsiyaad hore loo tijaabiyay oo fashilmay.

Puntland waxay ka mid ahayd saxiixayaashii barnaamijkiikii kharriidadda nabadda ee lagu dhammaystirayay nidaamka ku meel gaadhka iyadoo laba shir oo arrimhaas looga hadlayayna lagu qabtay caasimadda Puntlnd ee Garoowe, isla markaana Puntland horseed ka ahayd shirarkii saxiixayasha kharriidadda nabadda ee Gaakacayo, Addis Ababa iyo Nayroobi ayaa warsxaafaddeedkaas lagu yidhi.

Warsxaafaddeedka ayaa waxaa kaloo lagu sheegay in Puntland ay ku celcelinayso mawqifkeeda waxayna ugu baaqaysaa xubnaha baarlamaanka federaalku in ay u doortaan mushrrax karti, iyo aaminaad leh jagada madaxweynaha Soomaaliya. Sidaa darteed Puntland waxay ka digaysaa in xildhibaanadu doortaan shakhsi hore loo tijaabiyay oo fashilmay ayaa lagu sheegay warsaxaafaddeedka inkastoon la caddayn shakhsigaasi midka uu yahay.

 
 

 

 

Haddii shakhsi noocaas ah la doorto waxaa Puntland meel u taal inay aayaheeda ka tashato ayaa warmurtiyeedkaas lagu soo gabagbeeyay.

Dawlad goboleedda Puntland oo dhidibada loo taagay muddo haatan laga joogo 14 sannadood ayaa horseed u ahayd ka hirgelinta nidaamka federaalka dalka Soomaaliya iyadoo tan iyo intii uu xukunka Puntland hayay Madaxweyne C/raxmaan Faroole uu ismaandhaaf weyni u dhexeeyay Puntland iyo dawladda Federaalka ee fadhigeedu yahay magaalada ee Muqdisho.

Madaxweyne C/raxmaan Faroole ayaa isagu mar walba isku daya in uu saamayn weyn ku yeesho siyaasadda iyo jihada uu qaadanayo nidaamka Federaalka ee Soomaaliya. Hasa yeeshee su’aashu waxa ay tahay saamayn intee le’eg baa hadalka noocan ahi ku yeelan karaa dib u yagleelidda dawladnimadii Soomaaliya iyo taageero ma uga haysaa xukuumadda Puntland arrinkaas shacabkeeda?

WardheerNews, London.

Copyright © 2012 WardheerNews.com