Dahabshiil
Home Articles Somali Songs About us  

Warsaxafadeed: Waan ka xumahay in la afduubay shirkii Istanbul

Muqdishu, May 28, 2012 ( WDN) - Warsaxafadeed maanta ka soo baxay wasaaradda dastuurka iyo dib u heshiisiinta ee DFKMG, oo soo gaadhay WardheerNews, ayaa lagu sheegay in shirka ka socda magaalada Istanbul ee Turkiga, ay wasaaradda dastuurka ee DFKMG ka xun tahay xulashada dadka ka qayb galaya shirkaasi.

Warsaxafadeedkaasi ayaa lagu sheegay in sida ay horey uga soo horjeestan shirkaasi qaybo muhiim ah oo (Puntland iyo Galmudug) oo ka tirsanaa saxiixiayaashii wadahadalada soo afjaridda nidaamka ku meelgaadhka ee xilliga kala guurka uu shirkan Istanbul ahayn mid ay u dhan yihiin dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, balse ay tahay mid dad gaar ahi ay maamuleen. Kuwaasi oo u badan siyaasiyiin huwan magac bulsho.

"Waannu ka xunnahay xulashada ka qayb galayaasha shirkaasi, oo ay af duubeen dad siyaasado gaara wata" ayuu ku yidhi warsaxafadeedkaasi wasiirka dasuurka ee DFKMG Md. Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil. Wasiirka ayaa sheegay in loo baahan yahay in si degdeg ah araimahan loo dhammeeyo, si markaasi shirka Turkigu u noqdo mid taabba gal ah.

WardheerNews

Copyright © 2012 WardheerNews.com