Dahabshiil
Home Articles Somali Songs About us  

Dawladda Deegaanka Oromada oo Abaabul xooggan ugu jirta sidii loo xadayn lahaa soohdinta u dhaxaysa degaankooda iyo kan Soomaalida

Jigjiga, May 26, 2012 (WDN) - Warar xogogaal ah oo ka soo baxaya dawladda degaanka Oromiya, hay'adaheeda iyo xaruumaha xisbiga talada haya ee  Ururka Dimuqraadiga ah ee Dadka Oromiya (OPDO) ayaa sheegaya in abaabul xooggan uu maamulka degaankaasi hadda ku guda jiro. Kaas oo ku aaddan aaddan sidii loo xadayn lahaa soohdinta u dhaxaysa Deegaanka Soomaalida iyo qawmiyadda Oromada.

Wararka laga helayo maamulka Oromada ayaa inta ku daraya in guddiyo isugu jira aqoonyahanno ku xeeldheer xadaynta iyo siyaasiyiin ka socda Deegaanka Oromiya ay olole xooggan ka wadaan siday arintaasi u dhici lahayd, una noqon lahayd mid dhinacoodu ka faa'iido.  In muddo ahba arinkan xadayta soohdinta u dhaxaysa degaanada Oromiya iyo Soomaalida ayaa ahaa mid laalan.

Dhinaca kale wararka ka imanaya dawladda degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in aan haba yaraatee wax diyaar garow ahi ka muuqan xukuumadda, hay'adaheeda iyo xisbiga talada haya toona. Kaas oo dadweynaha ku dhaqan degaanku ay ku tilmaameen in uu u sansaan eg yahay qaabkii uu u dhaqmay maamulka degaanka Soomaalidu xilligii uu talada degaanka hayay Cabdi Jibriil. Xilligaas oo degaanka Soomaalidu lumiyay degmooyin iyo magaalooyin dhowr ah oo qaarkood ay ku jiraan ubucda dhulka degaanka Soomaalida.

Kala daadsanaanta iyo tabaabushe xumada ka muuqata maamulka degaanka ee ku aaddan arrintan xadaynta (oo dadka qaarkii u arkaan boob dahsoon oo mar labaad ay maamulka Oromadu kula kacayaan dhulka Soomaalida) ayaa la soo sheegayaa in uu walaac badan ku abuuray shacabka degaanka, gaar ahaan kuwa ku dhaqan degmooyinka deriska la ah degaanka Oromada.

Arinkan ayaa isna ku soo beegmay xilli ay xukuumadda dhexe ee Itoobiya ay doonayso in wada hadallo iyo waanwaan nabadeed ay a gasho garabka hubaysan ee Ururka Xoraynta Ogaadeeniya (ONLF). Kaas oo iyana dadka qaarkii ay isweydiinayaan bal in uu saamayn ku yeelan karo iyo kale.

WardheerNews

Copyright © 2012 WardheerNews.com