|
![]() |
|||||
Qodobo laga soo saaray shirkii DFKMG iyo maamulka Somaliland ee LondonNairobi, Kenya, June 21, 2012 ( WDN) - Shirkii u dhaxeeyay dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ee ka socday duleedka London, ayaa galinkii dambe ee maalintii Khamiista la soo gaba gabeeyay iyadoo dhinacyaduna ay qodobo isku raaceen.
Shirkaasi ayaa socday laba maalin, waxaana uu ahaa kii ugu horreeyay ee Somaliland iyo dowlad Soomaaliyeed uu dhexmaro, hasa yeeshee wali lagama wada hadlin arrinkii sida aadka ah loo hadal hayay ee ahaa gooni isku taagga Somaliland, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaliya C/samad Macalin Maxamuud oo u waramay barnaamijka RaadRaac ee Raadiyo Wardheer.
Dhinacyada ayaa isku raacay in qodobadasi iyo kuwa kale oo badanba ay ka wada hadlaan madaxda dowladda Soomaaliyeed iyo maamulka Somaliland marka kulamada xiga ay dhacaan, waxaase waxyaabihii ay isku raaceen sidoo kale ka mid ah:-
Wareysi ku saabsan shirkaasi oo aan la yeelanay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka dowladda Soomaaliya, ayaad ku maqli doontaan dhawaanahan barnaamijka Raadraaca ee Radio Wardheer, Hadduu ALLE qaddaro. Copyright © 2012 WardheerNews.com |