|
![]() |
|||||
Axmed Ibraahin Cawaale: "Arrimaha buugga
|
![]() |
Hargeysa, June 06, 2012 (WDN) - Axmed Ibraahim Cawaale oo ahaa ninkii loo xidhay buug uu ka qoray taariikhda beelaha Soomaalida iyo isirkoodu oo xassaasiyad badan ka kiciyay magaalada Hargeysa ayaa shalay xabsiga laga soo daayay ka dib markii jicmihii la soo dhaafay laga qabtay goob uu ku soo bandhigayay buuggaas.
Buuggaas oo magaciisa la yidhaahdo Dirkii Sac-maalada ayaa qoruhu sheegay in qaybta xasaasiyadda dhalisay uu badankeeda ka soo xigtay qoraal uu degelka WardheerNews ku daabacay nin la yidhaahdo Maxamed Hirad bishii April 2010.
Waxa Md. Axmed Ibraahin Cawaale uu intaas ku daray in waxyaalaha qoraakaas ku qoran aanu qaarkood ku raacsanayn, buuggana dib u daabacayo raalli gelinna ka bixinayo, kana saari doono qaybtaas buuqa dhalisay.
Md. Cawaale oo shalay ka dib markii xabsiga laga soo daayay arrimahaas saxaafadda uga waramay ayaa waxa uu yidhi “horta buuggan xiisadda kiciyay anigu ma lihi Website-ka WardheerNews buu ku jiraa, ninka qorayna Maxamed Hirad baa la yidhaahdaa waxaanu ku daabay April 2010-kii, balse markaan eegay arrimaha xasaasiyada kiciyay ee qabaa’ilka waxaan arkay in qalad dhacay, buugga intii suuqa gashay waan ururiyay, balse anigu waxaan soo xigtay. Calaa kulli xaal waxaan doonayaa inaan buuggii dib u saxo, kana saaro waxyaalihii la dhibsaday. Xataa waxa la yidhi ninkan waa laga dambeeyaa, laakiin buuggani waa mid ka hadlaya taariikhda Soomaalida iyo asalkeedii”
Xigasho Burco Online