|
Saado Cali Warsame oo ku dhaawacantay Shil
Baabuur oo ka dhacay jidka u dhaxeeya
Gaalkacayo iyo Garoowe
London, July 20, 2012 (WDN) Wararka naga soo gaadhaya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in fannaanadda caanka ah ee Saado Cali Warsame uu dhaawac soo gaadhay ka dib markii uu ku qallibmay baabuurkii ay la socotay waddada u dhaxaysa Gaalkacayo iyo Garoowe.
Shilkan ayaa wararku intaas ku darayaan in ay dad ku dhnteen kuwo kalena ku dhaawacmen.
Dhaawaca fannaanadda ayaa lagu oo warramayaa in uu yahay iyada oo madaxa iyo gacan ay wax ka gaadheen.
Saado Cali ayaa maanta ka soo degtay garoonka magaalada Gaalkacayo, iyadoo ka soo kicitintay Magaalada Muqdisho oo hal habeen u hoyatay. Magaalada Gaalakacayo ayay uga ambabaxday dhinaca Garoowe ka dib markii ay dhamaatay soo dhaweynii loogu sameeyay halkaasi.
Fannaanadda iyo dadkii kale ee ku dhaawacmay shilkaas baabuur ayaa hadda lagu dawaynayaa Cusbitaalka magaalada Garoowe.
Wararka kale ee ku saabsan shilkan ayaa iyana sheegaya in Maxamed Cali Cilmi oo ahaa tifaftiraha Taleex Media in uu ka mid yahay dadka ku geeriyooday shilkan baabuur. Dadka kale ee ku waxyeelloobay shilkan ayaan illaa hadda tafaasiishoodu na soo gaadhin. Hase yeeshee kala soco WardheerNews wixi warar ah ee ka soo kordha arrintan.
WardheerNews
Copyright © 2012 WardheerNews.com |