Dahabshiil
Home Articles Somali Songs About us  

Dastuurka cusub ee Soomaaliya oo la ansixiyay & ciidamada amaanka oo toogtay
rag isa soo miidaamiyay

Muqdisho, Agoosto 01, 2012 (WDN)- Xubnihii maalmahanba ku shirsanaa magaalada Muqdisho ee loo soo xulay ansixinta dastuurka cusub ee dalku uu yeelanayo, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay dastuurkaas.

Xubno tiradoodu dhantahay 645 ayaa la sheegayaa in ay maanata madasha shirka fadhiyeen, iyadoo tirada guud ee xubnaha ergaduna dhammayd sida la sheegayay 825 qof.

Haddaba 621 ka mid ah 645-ka ergo ee ka soo qayb gashay kulankaasi ansixinta ayaa Haa ugu codeeyay dastuurka KMG ah, waxaana diidey 13 ruux, halka 11 kalena ay ka aamuseen.

Intaas ka dib waxa shir guddoonadii ay ku dhawaaqeen in dastuurka uu ansax ku yahay cod aqlabiyad leh maadaama 96% ku dhawaaad ergadii ka soo qeyb gashay ansixinta dastuurkaasi ay Haa ku codeeyeen.

Wasiirka dastuurka dowladda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil, ayaa ammaan u soo jeediyay ergada waxaana uu sheegay in ay shahaaddo sharaf guddoonsiinayaan.

Raysal wasaaraha dawadda kmg ah ee Soomaaliya Md. C/wali Maxamed Cali Gaas, oo saxiixay dastuurkaasi markii la ansixiyay ka dib, ayaa isna madasha ka sheegay in maanta oo kale ay muddo umadda Soomaaliyeed sugeysay, uuna uga mahad celinayo ansixinta dastuurka dhammaan dadkii ka soo qeyb qaatay.

Dastuurkan oo muran badni ka oognaa bilihii ugu dambeeyay ayay ansixintiisu dhabbaha u xaadhaysaa soo xulidda xubnaha baarlamaanka iyo doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaaliya oo la rabo in ay ku soo gabagabwdo inta ka horeysa labaatanka bishan Aagoosto ee aan ku jrno.

Dhinaca kale ciidamada ilaalada ka hayay goobta uu shirka ka dhacayay, ayaa fashiliyay isku day ay kooxda al-Shabab ku doonayeen inay ku weeraraan xarrunta lagu ansixinayay dastuurka ee degmada Xamar Jajab.

Askari ciidamada ka mid ah, ayaa toogtay laba nin oo isa soo miidaamisay. Kuwaas oo ku qarxay meel dibadda ka ah xarunta shirka uu ka soconaayay, waxaana goobta ku dhintay labadii ruux ee isa soo miidaamisay oo la sheegay inay doonayeen inay gudaha u galaan xarunta shirka iyo askari halkaasi ilaalo ka hayay.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdi Samad Macalin Maxamuud, ayaa warbaahinta u sheegay in Shabaabku ay ku fashilmeen inay qalalaase ka geystaan halka shirka uu ka dhacayay, waxaana uu amaanay ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, oo xaqiijiyay amaanka intii uu shirka ansixinta dastuurku socday.

Jamaal Cismaan
WardheerNews, Nairobi

Copyright © 2012 WardheerNews.com