Warbixin ku saabsan shirkii beelaha Sool Sanaag & Cayn (SSC) ee Nairobi dhawaan ku soo gabagaboobay
|
Nairobi, Oktoobar 13, 2009 (WDN) – Shirka beelaha SSC oo in muddo ah qabanqaabadiisu ay ka socotay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxa si rasmi ah loo furay bishan Oktoobar 3 deedii. Hase yeeshee ka dib markii ay soo baxday in ergooyinkii laga sugayay qurbajooggu aanay soo dhammaystirmin ayaa waxa dib loo dhigay illaa bisha Oktoobar 7 deeda.
Wufuudda shirka ka soo qayb gashay waxa ay dhammaayeen 42 xubnood. Kuwaas oo ka kala socday jaaliyadaha kala duwan ee beesha iyo 5 xubnood oo ka socday ururka Northern Somali Unionist Movement (NSUM).
Ajandaha shirku waxa uu ahaa laba: Midaynta Shacabka SSC iyo xoraynta dhulka laga haysto.
Ugu horrayn waxa maalintii koowaad lagu falanqeeyay madasha shirka sababaha dhaliyay midnimo la’aanta ka dhex jirta shacabka SSC iyo in dhulkooda qaybo ka mid ahi ay farahooda ka baxaan. Waxa goobta lagaga dooday asbaabo dhowr ah oo loo tirinayay in ay ma’suul ka yihiin midnimo la’aanta iyo qabsashada dhulka SSC.
Dooddaas ka dib waxa la dhalliilay doorka siyaasiyiinta beelaha SSC kaga jira goleyaasha dawladda kmg ah iyo maamul goboleedka Puntland. Kuwaas oo la sheegay in ay gabeen dantii guud ee shacabka ay matalayeen, noqdeenna kuwo dantood raac ah. Waxa sidoo kale la tilmaamay doorka ay ku yeelatay kala daadsanaanta shacabka SSC dumistii qaranka iyo xukuumaddii dhexe ee Soomaaliyeed. Waxa iyana la xusay in ay dalka ka baxeen waxgaradkii deegaanka SSC. Kuwaas oo aan raad weyn oo la taaban karo ku yeelan horumarka iyo wax ka qabadka dhibaatooyinka ka jira deeegaanada SSC. Ugu dambayn waxa iyana dhalliilo loo soo jeediyay Isimada beelaha SSC. Kuwaas oo lagu cannaantay in aanay sidii la rabay uga soo bixin waajibaadkii saarraa.
 |
Doodahaas ku aaddanaa sababahaas dhaliyay midnimo la’aanta shacabka, qabsashada qaybo ka mid ah deegaanka iyo dhibaatooyinka ka jira gobolada SSC ka dib ayaa waxa loo gudbay marxaladda hadda taagan iyo sidii looga bixi lahaa.
Dhammaan wufuudda shirka ka qayb gashay waxa ay ka midaysnaayeen in aan ugu horrayn aayaha iyo masiirka degaanada SSC aan cid kale lagu hallayn. Waxa kale oo xubnaha shirka ka qayb galay ay isku raaceen in la dhiso urur (structure) lagu fuliyo arrimaha la xidhiidha masiirka degaanada SSC. Kaas oo ay hawlihiisa ay ugu horrayso xoraynta deegaanada laga haysto beelaha SSC. Dhismahani ma aha mid lagaga baxayo maamul goboleedka Puntland. Hase yeeshee waxa xubnaha shirka ka soo qayb galay ku heshiiyeen in uu yahay mid mas’uul ka noqonaya aayaha degaanka.
Markii in muddo ah laga doodday magaca uu qaadanayo dhismahan ururka cusub ee degaanada SSC ee lagu go’aamiyay shirkan waxa la isku raacay magaca ah: Hoggaanka Badbaadada iyo Midaynta (HBM) ee SSC. Waxa la is tusay in aan loo baahnayn in nidaamkan loo arko mid lagaga fogaanayo beelaha kale ee ku midoobay Puntland ee ay tahay uun in uu maamulka Puntland gabay degaanada SSC.
Shirku waxa uu u arkaa in HBM SSC ay tahay wejiga koowaad (phase I), welina uu dambeeyo wejigii labaad (phase II). Wejiga koowaad waxa uu ku eg yahay xoraynta degaanada SSC ee la haysto. Waxa ka dib dhici doona shir weyne la isugu imaan doono lagagana tashan doono sida uu noqonayo iyo waxa xigi doona wejiga koowaad.
II. Dhismaha Hoggaanka SSC:
Waxa shirku u qeexay hoggaanka SSC in uu noqdo sidan:
Dhsimaha hoggaanka SSC waa mid ku dhisan “Hubin iyo isku miisaamid”(Checks & Balances). Awoodda ugu sarraysa ee hoggaanka SSC waxa leh Gole (Congress) ka kooban 18 xubnood oo kala ah: 15 rag ah iyo 3 dumar ah.
Golaha waxa hoos imanaya hoggaamiyaha. Kuwaas oo ku kormeeraya hoggaanka xilka iyo waajibaadka loo dhiibtay. Waxa kale oo Goluhu uu magcaabi doonaa ku xigeenka hoggaamiyaha, Xeer Ilaaliyaha Guud (Attorney General), iyo Hanti Dhowrka Guud (Auditor).
18 ka xubnood ee Golaha SSC (Congress) ka kooban yahay waxa soo xulaya, soona gudbinaya Isimada beelaha SSC. Haddii ay dhacdo in Isimadu soo gudbin waayaan xubnaha Golaha waxa markaas raadinteeda u xilsaaran guddi dhexe (Steering Committee) oo la isku raacay in ay noqoto guddidii shirka qabanqaabisay.
Hoggaamiyaha waxa dooranaya ama xulanaya Golaha SSC. Waxa uu mas’uul uga yahay hawlaha fulineed ee loo xilsaaray.
Waaxaha laga fulinayo hawlaha hooggaanka waxa la go’aamiyay in ay noqdaan afar. Ta ugu muhiimsan waxa la isku raacay in ay noqoto ta difaaca. Taas oo ay soo raacaan xidhiidhka dibedda (International Relations), Dhaqaalaha (Resource Mobilization) Iyo adeegga dadweynaha (Social Services). Kuwaas oo la isla gartay in Golaha Congress ku wax ka bedeli karo haddii loo baahdo.
 |
Gabagebadii shirka waxa la guda galay in la doorto jagada hoggaanka iyo k/ xigeenkiisa.
Jagada hoggaamiyaha waxa ku guulaystay Saleebaan Ciise Axmed oo helay 23 cod, halka Jaamac Xasan Khaliif oo jagadaas kula tartamay uu helay 18 cod. Jagada kale ee hoggaamiye ku xigeenka waxa loo doortay Kornayl Cali Xasan (Cali Sabaray) oo aan jagadaas cidi kula loolamin.
Doorka isimada beelaha SSC waxa la isku raacay in uu ku ekaado xil dhaqameedka ay beeluhu u xilsaarteen. Waxa shirku isku raacay in Isimada loo abuuro Gole yeelanaya guddomiye wareega (rotating Chairperson). Kaas oo ay iyagu soo dooranayaan. Hawlaha ugu muhiimsan ee Isimada ay yeelanayaan ee ku aaddan dhismaha HBM SSC waxa ka mid ah iyaga oo soo xulaya xubnaha ka mid noqonaya Golaha Hoggaanka Badbaadada iyo Midaynta ee SSC iyo xallinta khilaafaadka.
Go’aamada shirkan ee lagu dhisay ururkan HBM ee SSC ayaa waxa iyana ansixiyay Isimada ka qayb galay kulanka Nairobi. Kuwaas oo kala ahaa Garaad Jaamac Garaad Cali, Garaad Abshir Saalax iyo Garaad Cali Buraale. Waxa Garaadadu ay u duceeyeen hoggaanka cusub ee loo doortay HBM. Kuwaas oo ay Eebbe uga baryeen in hawsha loo xilsaartay uu fududeeyo, kana dhigo kuwii xilkaas culus ka soo dhalaala.
WardheerNews
Copyright © 2009 Wardheernews.com |