Home Articles Somali Songs About us  

Maxay tahay sababta ka dambeysa xayiraadda idaacadda VOA uu ku soo rogay maamulka madaxweyne Faroole?

London, Oct. 02, 2009 (WDN) - Madaxweyne C/raxmaan Faroole iyo maamulkiisa ayaa tan iyo intii ay talada Puntland qabteen u muuqda kuwo sas ka qaba saxaafadda xorta.

Haddaba iyadoo beryahan dambe falal amni darro ahi ay ka jireen magalooyinka waaweyn ee Puntland ayaa halkii maamulka laga filayay in ay wax ka qabtaan arrintaas aad mooddaa in ay cadho kula dul dhaceen idaacadda Codka Maraykanka laanteeda Soomaaliga (VOA).

Shaqo joojinta lagu soo rogay weriyeyaasha VOA-da uga soo warrami jiray Puntland iyo xayiraadda la saaray idaacadaha maxalliga ahi in ay baahiyaan barnaamijyada VOA-du ma aha arrin laga garaabi karo.

Illaa hadda maamulka Puntland ma soo bandhigin sababo cad oo keliftay in ay ku dhaqaaqaan tallaabadan ay ku xayireen dhegaysiga idaacadda laanta afka Soomaaliga ee codka Maraykanaka.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta ee dawlad goboleedka Puntland  Md. C/shakuur Mire Aadan iyo wasiirka Amniga Puntland Md.  C/laahi Siciid Samatar oo si wada jir ah wareegto oo ay ku faahfaahinayaan talaabadan ay ku xayireen idaacadda VOA-da shalay soo saaray ayaa ku eedeeyay idaacadda Codka Maraykanku in ay ku kacday falal ay khalkhal ku gelinayso ammaanka Puntland.

Labadan mas’uul midkodna ma soo bandhigin waxa ay yihiin waxayaabahaas ay VOA-du khalkhalka ku gelinayso ammaanka Puntland.

Sida ay haddaba xusayaan wararka aan ka helayno ilo xogogaal ah oo ku sugan Puntland sababta dhabta ah ee ka dambeysay talaabadan ayaa lagu sheegay in ay tahay markii idaacadda VOA ay dhawaan wareysatay nin sheegtay in uu yahay wakiilka Ahlu sunna Waljamaaca ee Puntland. Kaas oo sheegay in ay xafiis ka furteen magaalada caasimadda ah ee Garoowe.

Su’aasha haddaba la isweydiin karo ayaa ah ma waxay ahayd in la xayiro idaacaddii ninkaas wareysatay, mise ninkaas odeyga ah ayay ahayd in uu maamulku tallaabo ka qaado haddii uu ku kacay wax sharciga ka soo horjeeda?

Si kastaba ha ahaatee tallaabadan ay ku kaceen mas’uuliyiinta Puntland waa mid wax u dhimaysa sumcadda maamulka Faroole. Taas oo hore ay u dhaawacday arrimaha ka taaggan Puntland sida budhacad baddeedda, tahriibta iyo ammaan darrada beryahan dambe isa soo tareysay ee ka jirta geyigaas.

Ismail Hassan (khaliil)
WardheerNews, London.

Copyright © 2009 WardheerNews.com