Home Articles Somali Songs About us  

Muran ka taagan beel ka mid ah kuwa la haybsooco oo la sheegay in ay u xuub siibatay beel kale

London, November 19, 2009 (WDN) - Waxaa isa soo taraya muran xooggan oo ka taagan beel Soomaaliyeed oo ka mid ah beelaha la haybsooco, oo la sheegay inay u digarogatay isir ahaan beel kale oo ka mid beelaha laan dheeranimada sheegta.

Beesha Maxaad Barre oo ka mid ah beelaha la haybsooco ee Madhibaan, ayaa lagu soo warramayaa in ay hadda u xuubsiibatay beesha Kuul Carre oo iyadu ka soo jeedda Habar Yoonis, Isaaq.

Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray oo ka mid ah Salaaddiinta magaalada Hargeysa oo la sheegay in uu isagu lafdhabar u yahay ololaha beesha Maxaad Barre ugu  digaroganayso Habaryoonis oo hadda booqasho ku maraya dalka Biritayn, ayaa dhawaan ku baaqay in magaalada Burco lagu qabto shir ballaadhan oo lagu soo dhaweynayo beeshan ku soo biirtay jilibada Habaryoonis.

Warka ayaa waxa uu intaa ku darayaa in Salaaddiin, odayo iyo waxgarad kale oo ka tirsan beesha Maxaad Barre ay arrintaasi gaashaanka ku dhufteen, iyagoo islamarkaana ku tilmaamay wax aan loo dul qaadan karin oo been lagaga sheegayo Isirka beeshooda.

Qoraal dheer oo ay saxaafadda u kala direen oo ku socday salaaddiinta, odayada iyo waxgaradka  beesha Habar Yoonis, ayay ku canbaareeyeen wax ay ugu yeedheen marin habaabinta lagu samaynayo abtirsiinyaha beesha Maxaad Barre ee Madhibaan.

“Annaga oo ah Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Maxaad Barre ee dagan Somaliland iyo Soomaaliyaba, waxaan halkan ku caddaynaynaa in aysan waxba ka jirin, arrimo beryahan lagu marin habaabinayo abtirsiinyaha beesha oo ay Yurub ka wadaan koox yar oo ka tirsan beeshayada iyo koox ka tirsan beesha Habar Yoonis”, ayay waxgaradkaasi ku sheegeen bayaankooda.

Salaaddiinta iyo waxgaradka beesha Maxaad Barre, ayaa waxay kaloo bayaankooda ku xuseen in kooxdan yari ay ku andacoodeen, in beesha Maxaad Barre ay tahay Kuul Carre, Habar Yoonis, arrintaasna aanay waxba ka jirin. “Arrimaha la yaabka leh ayaa ah in beel isirkeeda la yaqaan, oo qarniyaal soo jirtey in maanta la isku dayo in taariikda isirkeeda la khaldo, ayadoo laga faa’iidaysanayo dhibaatooyinka gaarka u haysta beesha iyo beelaha la midka ah, iyadoo dad kooban loo dirayo dhaqaale si loo jahawareeriyo sooyaalka taariikheed”, ayay salaaddiinta iyo waxgaradkaasi kale ku caddeeyeen bayaankooda.

Salaaddiinta iyo odayaasha Maxaad Barre ee bayaankan soo saaray, ayaa sidoo kale waxay sheegeen in ay xidhiidh la sameeyeen salaaddiin iyo waxgarad ka tirsan beesha Habar Yoonis. Kuwaas oo sheegay in wararka hadda la faafinayo aanay waxba ka jirin, laguna marin habaabinayo taariikhda iyo abtirka beesha Maxaad Barre, isla markaana aysan raalli ka ahayn. Waxa ay qireen cuqaashaasi sida bayaanka lagu sheegay in beesha Maxaad Barre aysan isir wada dhalasho la wadaagin beelaha Isaaq, gaar ahaan beesha Habar Yoonis.

Shir isna ka dhacay magaalada Nayroobi oo ay isugu yimaadeen mas’uuliyiin, siyaasiyiin iyo wax garad ka tirsan beesha Gabooye ee bariga Afrika ayay ku cambaareeyeen wax ay ugu yeedheen kala qaybinta ay salaaddiin ka tirsan Somaliland ku hayaan beesha Gabooye. Waxa isna lagu taageeray bayaanka salaaddiinta qaoraallo ay warbaahinta u gudbiyeen qaar ka mid ah madax dhaqameedka beelaha kale ee Gabooye

Dhanka kale bayaan uu soo saaray Maxamed Jaamc Cawil oo isagu isku tilmaamay afhayeenka beesha Kuul Carre ee Habar Yoonis, ayaa waxa uu ugu baaqay dhammaan xubnaha beesha ee ku kala nool dunida dacaladdeedu in ay u diyaar garoobaan ka soo qaybgalka shirweynaha dhawaan la filayo in uu ka dhaco magaalada Burco, ee xarunta gobolka Tog Dheer ee beesha Habar yoonis ku soo dhawaynayso walaalahooda Kuul Carre.

“Waxaan beelaha Kuul Carre ku wergelinayaa inay dhowaanahan soo shaac baxeen, shakhsiyaad tira yar oo doonaya inay carqaladeeyaan, ama is hortaagaan shirweynaha ka dhici doona magaalada Burco ee gobolka Togdheer ee Somaliland, ee ay hore ugu heshiiyeen, guurtida iyo salaadiinta Beelweynta Habar Yoonis iyo cuqaasha iyo waxgaradka beelaha Kuul Carre”, ayuu afhayeenku ku sheegay qoraalkiisa.

Warku waxa uu intaa ku darayaa in sidoo kale ay qurbajoog badan oo ka tirsan beesha Habar Yoonis ay taageereen, soona dhaweeyeen shirka lagu soo dhawaynayo beesha Kuul Carre oo la filayo in uu ka dhaco magaalada Burco 20 ka bisha January ee  sannadka foodda innagu soo haya.

Beelaha la hayb sooco oo aalaaba ay Soomaalida inteeda kale ku hayaan dulmi iyo xaqiraad, ayaa taasi waxay ku keentaa in shakhsiyaad ka mid ahi, si ay uga badbaadaan bahdilka iyo quudhsiga ay mararka qaar sheegtaan beelo kale. Hase yeeshee waa markii ugu horreysay ee beel dhan oo ah kuwa la hayb sooco ay u xuub siibato beel kale, loona qabanqaabiyo shirweyne soo dhawayn ah.

Aqoonyahan deggen magaalada London oo ay WardheerNews arrintan wax ka weydiisay ayaa sheegay in beelaha la hayb soocaa aanay u baahnayn in la isir gediyo, balse ay mudan yihiin in laga daayo dulmiga iyo quudhsiga, loona arko in ay la mid yihiin beelaha kale ee Soomaaliyeed, loona ogolaado in ay xidhiidh is dhexgal iyo xididtinimo la yeeshaan beelaha kale siiba dhinaca guurka.

Wararka gobolada Somaliland oo waayadan dambe ay aad ugu badnaayeen beel ka soo digarogatay xisbi siyasaadeed oo ku biirtay mid kale iyo xaflado lagu soo dhaweeynayo, ayaa la isweydiin karaa in  xaalku hadda wixii ka dambeeya isku bedeli karo beel ka soo digarogatay beel kale, kuna soo biirtay mid kale oo xaflad lagu soo dhaweeyay.

WardheerNews

Copyright © 2009 WardheerNews.com