|
![]() |
|||||
Soomaaliya oo ka mid ah wadamada adduunka ugu saboolsan, isla markaana dhex muquuratay colaad iyo dagaallo sokeeye, ayaa waxay 180 wadan oo ururkani uu daraasad ku sameeyay noqotay dalka ugu musuqmaasuqa badan. Waxaay liiska dalalka caalamka ka gashay booska ugu hooseeya ama kaalinta 180aad. Ururkan oo xaruntiisu tahay magaalada Berlin ee waddanka Jarmalka, ayaa dalalka kale ee Soomaaliya ay isku dhaw yihiin dhinaca musuqmaasuqa, laguna xusay warbixntani ay kala yihiin wadamada Afgaanistaan, Myanmar, Suudaan iyo Ciraaq. Waddanka New Zealand ayaa noqday wadanka adduunka ugu musumaasuqa yar, iyadoo ay soo raacaan wadamada Denmark, Singapore iyo Sweden. Wadamada Biritayn iyo Maraykanka ayaa iyana liiska musuqmaasuq yarida kaga jira kaalinta 17aad iyo 19aad sida ay u kala horreeyaan. Warbixintan oo uu ururkaasi soo saaro sannad walba ayaa musuqmaasuqa ku qeexday ku tagri falka xilka dawladdeed ee uu qof hayo, si uu ugu fushado danihiisa gaarka ah. Ururkan ayaa waxa uu sheegay in waddamada ay dagaaladu halakeeyeen ay u baahan yihiin caawinaad dibadeed, si looga taageero in aanu musuqmaasuqa noqon mid dhidibada sii muta.
Soomaaliya oo aanay ka jirin dawlad dhexe oo awood leh ayaa inta badan dakhliga dawladdu uu ka yimaaddaa mucaawinada dibadda laga helo, marka laga reebo cashuuraha furdadaha oo iyaga la sheego in ay si toos ah ugu dhacaan, jeebka masuuliyiinta maamulada ka jira Soomaaliya. Dawladda kmg ah ee Soomaaliya oo iyadu ka arrimisa xaafado kooban oo ka mid ah magaalada Muqdisho, ayaa lagu eedeeyaa in masuuliyiinteeda ugu sarreysa qaarkood, ay ka faraqabsadaan hantida loogu deeqo shacabka Soomaaliyeed ee gaajada iyo macaluusha la ildaran. Mas’uuliyiinta sida gaarka ah farta loogu fiiqo ee ku caan baxay ka faa’idaysiga xilalka ay ummadda u hayaan, waxaa ka mid ah wasiirka maaliyadda Shariif Xasan Sh, Aadan oo la sheego in uu hore u ahaan jiray ganacsade maandooriyaha qaadka u dhoofiya Soomaaliya. Maamulada Puntland iyo Somaliland, ayaa iyana mas’uuliyiintoodu yihiin kuwo si aan gabbasho lahayn ugu tagri fala hantida Ummadda. Mas’uuliyiinta ka arrimiya maamulada kala duwan ee Soomaaliya ayaanay sideedaba jirin cid kula xisaabtanta hantida ummadda ay mas’uulka uga yihiin.
Ra’iisal wasaarihii hore ee xukuumaddii C/laahi Yuusuf, Cali Maxamed Geeddi oo lagu eedeeyo in uu hanti badan ummadda ka dhacay intii uu xilka hayay, ayaa waxa uu hadda si warwar la’aan ah ugu nool yahay guri la sheegay in uu ku iibsaday malaayiin doolar oo ku yaalla magaalada Nayroobi. Dhaqanka musuqmaasuqa ayaa waxa uu ka noqday guud ahaanba dalka Soomaaliya, cudur aan daawo lahayn oo si baaahsan ugu dhex fiday maamulka dawladda, isla markaana uu shacabku u muuqso mid raalli ka ah. |