|
![]() |
|||||
Muxuu Ku saabsaan yahay“Diiwaanka Qosolku”? Dad badan ayaa xiisaynaya oo wax iska weydiinaya buugga Diiwaanka Qosolka ee dhowaan soo baxay oo aan anigu in badan ka ogahay, kana mid ahaa dadkii ka fooliyey ama ummulisadiisiiba. Waa buug runtii qiime leh oo uu qoray Jamaal Cali Xuseen, waxaanu ku saabsan yahay sheekooyin qosol iyo murti leh oo dhinac walba tnolosha ka taabanaya, hadday tahay dhinaca miyiga, magaalada, qurbaha, degaannada kala duwan ee ay Soomaalidu degto ee Geeska Afrika iyo dhinaca haweenkaba. Buuggani waxa uu xog iyo aqoon kobocsan ku kordhinayaa dhallinyarada soo koraysa, gaar ahaan kuwooda qurbo-joogga ah oo uu tusayaa in ay Soomaalidu lahayd/ leedahayna sheekooyin qosol iyo murti leh oo lagu faani karo. Inta kalena (waayeelka) waxa uu xusuusinayaa waaya-waayo iyo waxyaalo ay illaaween, runtiina yiddidiilo iyo riyaaq gelinaya. Buuggu waxa uu ka kooban yahay shan qaybood oo muhiim ah oo u kala baxsan: Sheekooyin qosol iyo mahadhooyin leh Murti iyo suugaan kale ayaa iyada qudheedu aan ka maqnayn oo ku dhex filiqsan, waa buug laba boqol oo bog cagacagaynaya, in ku dhow 150 sheeko oo qosol iyo xigmad ku fadhiyaana dhex jiifaan. Maxaa Laga Yidhi “Diiwaanka Qosolka?” Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi): Abwaan Weyn, Mufaker Maansoole iyo Xeel-dheere Aqoonta Bulshada Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan: Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa, Bare Sare (Professor) ka ahaan jirey Jaamacadda Boston (USA), Xeel-dheere Cilmi Nafsiga Naadiga Akhristeyaasha Hargeysa: Akhristayaashii Maanta; Qorayaashii Berito Maxamed Baashe Xaaji Xasan: Suxufi Qoraa ah, London Waa Buug dadka waxna baraya, kana qoslinaya. Jamaal wuxuu cilmiyeeyey oo uu waxbarasho ka dhigay qosolkii si farshaxannimo leh isagoo dadka u baraya in sida maahmaahda oo kale meesha uu Qosolku ku habboon yahay loogu adeegsan karo. Buuggan “Diiwaanka Qosolku” waa buug aad loogu baahnaa, aadna looga heli doono! Cabdi Haybe Laambad: Fannaan, Jilaa, Hal-abuur, Mu’alif, iyo Ka-qosliye weyn Curshaawigu waa: Cumer Aw-Cabdi Muxumed (Doolli) “Kaalaya aan wada qosollee”! Taas waxa dhiirri gelinaya Ururka Dhaqanka iyo Fanka Soomaalida ee KAYD. London – April 11th - Saturday Contact persons: Bristol – April 12th – Sunday Location: St Pauls Community Sports Academy Copyright © 2009 Wardheernews.com |