Bandhig Suugaaneed lagu qabtay Waqooyiga London
Ismail A. Hassan (Khaliil)
WardheerNews
November 11, 2008
 |
| Qoraagga weyn ee Aw Jaamac Cumar Ciise oo ka mid ahaa qorayaashii ku soo bandhigay buugaagta madasha, xafladdana hadallo koobanna ka soo jeediyay. Sawirka - WDN. |
London, Nov. 11, 2008 (WDN)- Bandhig Suugaaned si heer sare ah loo soo agaasimay, dadweyne aad u tiro badanina ka soo qayb galeen, ayaa maalintii Axadda ee 9kii bishan lagu qabtay xaafadda Camden ee magaalada London.
Bandhiggan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Naadiga Qalinleyda ee Somali PEN (Somali Speaking centre of International PEN) oo la kaashaday Somali Community Centre, Jaaliyadda Jabuuti ee U.K. iyo Halabuur Centre.
Bandhig suugaaneedkan oo halku dheggiisu ahaa Hadiyadda Jabuuti, Hiilka Afka Hooyo, Hal Abuurka Qalinka iyo Himilada Soomaalida U.K. ayaa ahaa mid ay Qorayaal iyo Abwaanno Soomaaliyeed oo ka yimid Jabuuti ay ku soo bandhigayeen buuggaag kala geddisan oo Af Soomaali ku qoran iyo suugaan kale oo aad u xiiso badan.
Qorayaasha iyo abwaanada Soomaaliyeed ee ka yimid Jabuuti madashaasna ku soo bandhigay buuggaadta iyo qoraalada waxaa ka mid ahaa Aadan Faarax Samatar, Aw Jaamac Cumar Ciise, Maxamed C/laahi Riiraash, Maxamed Daahir Afrax, C/qaadir Cabdi Yuusuf (shube), Saalax Xaashi Carab, Cabdalla X. Ducaale iyo Faarax Wacays (Caarre).
 |
| Abwaan Cali Sugulle & Fannaanadda weyn ee Faadumo Qaasim Hilowle. Sawirka - WDN |
Waxaa kaloo isna Bandhiggan ka soo qayb galay Abwaanka weyn ee wadaniga ah Cali Sugulle (Dun Carbeeed) oo isagu wadanka Imaaraadka Carabta ka yimid.
Qorayaashii iyo abwaanadii goobta ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay buuggaagtan hadiyadda ah ee ay ka keeneen waddanka Jabuuti aqoonta ay xambaarsan yihiin iyo qaabkii ay ugu suurto gashay soo saaristoodu.
Buuggaagtii halkaas lagu soo bandhigay oo aad u farabadnayd ayaa waxaa ka mid ahaa kuwo ka hadlayay suugaanta Geela, Fardaha iyo Haweenka oo uu qoray Aw Jaamac Cumar Ciise oo isagu hore buuggaag uga soo saaray Taariikhdii iyo Halgankii Daraawiishta ee uu hogaaminayay wadanigii weynaa ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.
Aw Jaamac oo muddo lixdan sano ku dhaw ku hawlanaa ururinta iyo cilmi baadhista taariikhda iyo suugaanta Soomaalida oo goobtaas ka hadlay ayaa sheegay in uu hadda faraha ku hayo buuggaag dhawr ah oo taariikh ah, cilmibaadhistoodana muddo u joogay dalka Yaman, oo qaarkood ku qoran yihiin luqadda Carabiga.
 |
| Dadweynihii ka soo qay bgalay munaasabaddan isugu jirtay buug faafinta iyo bandhig suugaaneedka ee lagu qabtay London bishan November 9 keedii 2008. Sawirka - WDN. |
Aw jaamac ayaa dadkii kulankaas ka soo qayb galay iyo guud ahaanba qurbojoogga Soomaaliyeed ka codsaday in ay ka qaybqaataan, taakulaynna ka geystaan daabacaadda buuggaagtaas qiimaha leh.
Buuggaagtii kale ee laga keenay magaalada Jabuuti si gaarana dadkii bandhigaas ka soo qayb galay u soo jiitay waxaa ka mid ahaa buugga Futuux Al Xabasha oo Af Soomaali lagu tarjumay. Buuggaan ayaa waxaa si wada jir ah u tarjumay Aadan Xasan Aadan (Beleloo) iyo Maxamad Cabdilaahi Riiraash.
Buugga Futuuxal Xabasha ayaa waxa uu si faahfaahsan uga waramayaa halgankii geesigii weynaa ee Imaam Axmed Guray oo hogaaminayay muslimiinta Geeska Afrika ee dagaalka la galay xoogaggii Kiristaanka ee Xabashida.
Waxaa kale oo isna goobtaas lagu soo bandhigay Qaamuuska weyn ee Af Soomaaliga oo isna lagu qoray magaalada Jabuuti.
Bandhiggan oo dadweynihii ka soo qayb galay ay aad uga heleen ayaa dadkii ka hadlay madasha waxaa isna ka mid ahaa Abwaan Cali Sugulle oo ka waramay qaybo ka mid ah suugaantiisa wadaniga ah, iyadoo qaar ka mid ah heesihiisa caanka ahaana ay goobta ka qaadday fannaanda weyn ee Faadumo Qaasim Hilawle, aadna dadku ugu wada riyaaqeen.
 |
| Maxamed Baashe X. Xasan oo ka mid ah qorayaasha deggen dalkan UK, kuna soo bandhigay madasha buugga la yidhaa Hal aan tebeyay oo uu ka qoray taariikhdii iyo suugaantii Eebbe naxariistii janno ha siiyee X. Adan Af Qallooc. Sawirka - WDN |
Qorayaashii madashaas ku soo bandhigay wax soo saarkoodu kuma ay koobnayn oo kaliya kuwa ka yimid Jabuuti ee iyana waxaa jiray qorayaal ku nool wadankan U.K. iyo kuwo daggen wadanka Maraykanka oo buuggaagtooda goobtaas lagu soo bandhigay. Waxaa qorayaashaas ka mid ahaa qoraaga Maxamed Baashe X. Xasan oo ka hadlay buugga dhawaan soo baxay ee uu ka qoray taariikhdii iyo suugaantii naxariistii janno Eebbe ha siiyee Abwaan Xaaji Aadan Afqalooc.
Waxaa dadkii ka soo qayb galay munaasabadda ku maaweeliyay heeso aad u macaan fannaaniinta Soomaaliyeed iyo kuwa reer Jabuuti ee deggan magaalada London.
Haddaba annagoo aan halkan ku soo koobi karin waxyaabihii madashaas lagu soo bandhigay ayaa waxay ahaayeen guud ahaan kuwo dadweynihii ka soo qayb galay ay aad uga faa’idaysteen.
 |
| Fannaanadda weyn ee Faadumo Qaasim oo kor u haysa Qaamuuska af Soomaaliga oo hadiyad loo siiyay, kana mid ahaa buugaagta goobta lagu soo bandhigay. Sawirka - WDN |
Waxaa xusid mudan in dhammaan buuggaagta laga keenay Jabuuti uu qoristooda iyo
daabacaaddooda iyo socdaalka abwaanadani ku yimaadeen London intaba uu abaalkeeda leeyahay uuna suurto geliyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle oo dadaal weyn ugu jira daryeelka iyo hurmarinta Afka Soomaaliga.
Bandhiiggan oo inta uu socda noqon doona mid meerto ah ayaa waxaa la filayaa in lagu qabto qaar ka mid ah xaafadaha kale ee magaalada London ee Soomaalidu ku badan tahay.
Ismail A. Hassan
WardheerNews
E-Mail:khaliilha484@hotmail.com
Copyright © 2008 WardheerNews.com |