WardheerNews oo waraysi la yeelatay abwaan Gaariye

C/rashiid C/raxmaan Xaaji Xasan
________________________________

Hargeysa, August 22, 2008 (WDN)- Iyadoo waayadan dambe ay jirtay dood ku saabsan daahfurka miisaanka maansada Soomaalida, ka dib markii wareysi ay la yeelatay WardheerNews Prof. Cabdilaahi Diiriye (Carraale) uu ku sheegay in uu isagu yahay aqoonyahankii ugu horeeyay ee daahfura miisaanka maansada, ayaa haddaba waxaa u suurta gashay WardheerNews in ay wareysi xiiso badan la yeelato Prof. Maxamed xaashi Dhamac (Gaariye), oo uu kaga hadlay arrinta muranka miisaanka maansada.

Abwaan Gaariye

Abwaan Gaariye ayaa wareysigaas ku sheegay in isagu uu ahaa qofkii ugu horeeyay ee daahfura miisaanka maansada. Waxaanu abwaan Gaariye intaasi ku daray in loo baahanyahay in la is barbardhigo qoraaladii uu xiddigta Oktoobar ku soo bandhigay bishii Jan. 1976, iyo kuwii Carraale, kuwaasi oo uu sheegay in ay aad u kala duwanyihiin.

Abwaan Gaariye isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri, “ waxa aan bulshada u sheegayaa in horaanta bisha Oktoobar aan imanayo London si aan uga qayb galo tartan caalami ah oo dhinaca gabayada ah oo aan ka mid ahay dadka ku tartamaya, waxaanan diyaar u ahay in aan aniga iyo Carrale arrinta ka wada doodno, iyado aan weliba jeclaan lahaa in idaacadaha ( BBC-da) si toos ah looga siidayo dooddaas.

Arrinta doodda daahfurtay miisanka maansada Soomaaliyeed oo beryahanba lagu soo bandhigayay shabakadda WardheerNews, ayaa waxaanu akhristayaasha ugu bishaaraynaynaa in aanu dhawaan idiin soo bandhigi doono wareysigaas aan la yeelanay Abwaan Maxamed xaashi Dhamac (Gaariye), kaasoo ku saabsan arrinta muranka miisaanka iyo arrimaha kale ee la xidhiidha suugaanta Gaariye.

Sidoo kale waxa uu abwaan Gaariye maanta kaga hadlay arrinta muranka miisaanka maansada xaflad lagu soo bandhigay Buuggaag oo lagu qabtay xarunta shaqaalaha dawladda ee magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

Xafladdaas ayaa sidoo kale uu Prof. Gaariye ka sheegay in uu diyaar u yahay in bisha oktoobar ay meel fagaare ah kaga wada dooddaan isaga iyo Prof. Carraale arrinta daahfurka miisaanka maansada.

C/rashiid C. Xasan
WardheerNews
Hargeysa, Somaliland.

 

Copyright 2008 Wardheernews.com