|
|
Hargeysa, Jan. 10, 2006 (WDN) - Shir jaraa'id oo ay xafiiskeeda ku qabatay Marwo Edna Aadan Ismaaciil wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa waxa ay digniin culus u jeedisay maamul goboleedka Puntland oo dhawaan heshiis la galay shirkad qaabilsan dhinaca shiidaalka si ay hawlo qodis shiidaal iyo macdano kale ay uga fuliso goobo ay ku jiraan kuwo ku yaalla gobolada Sool iyo Sanaag. shirkaasi jaraa id oo uu ku weheliyay wasiirka Ciyaaraha Max`ud Siciid Maxed waxa ay ku bilowday sidan: "Waxaan halkan ku cadaynayaa in Jamhuuriyadda Somaliland ay leedahay xuduud Caalamku aqoonsan yahay oo ku salaysan xuduudihii Isticmaarka ee xadiday xuduudaha dalalka Afrika oo dhan. Waxa kuwaas ka mid ah dalkii uu Talyaanigu gumaysan jiray ee loo yaqaanay ‘La Somalia Italiana’, iyo dalkii Ingiriisku illaalin jiray ee ahaa ‘Somaliland Protectorate. Xuduudahaas oo ka wada diiwaan gashan Xarunta Ururka Qaramada Midoobay (United Nations). Waxa kale oo dhigaya inaan la bedeli Karin xuduudaha dalalka Afrika Sharciga Ururka Dalalka Africa(Organization of African Unity, iyo ka African Union.). Heshiiskaas baadhista macdanta waxa dawlad goboleedka Majeerteeniya ku taageeray Madaxweynaha Soomaaliya ee lagu doortay Imbigaati, iyo Ra’iisal wasaarihiisa. Sidaas darted, waxaanu adduun weynaha ogaysiinaynaa in Somaliland aanay sinaba u aqbalayn heshiiskaas ku saabsan gobolo dalkeeda ka tirsan. Waxa kale oo aan ogaysiinaysaa addunweynaha in Madaxweynaha Maamulka Soomaaliya aanu Jamhuuriyadda Somaliland ka talinin. Waxaanu digniin culus siinaynaa shirkadaha Shisheeye ee heshiisyada been beenta ah loo saxeexo inaanay xuduuda Somaliland soo geli Karin, waxna ka baadhi Karin, una soo dirsan Karin sahan. Haddii ay yeelaanna aanu ka qaadayno tallaabooyinka ku haboon. Kuwaas oo halis gelin doona xasiloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika, kana lumin doona hanti wixii ay shirkadahaasu dalkayaga sharci darro ku soo geliyeen." wasiirka Ciyaaraha Somaliland Maxud Siciid Maxed ayaa isna dhinaciisa sheegay in aanay Somaliland gacmaha ka laaban doonin cid kasta oo ku soo xadgudubta dhulkeeda. waxa uu wasiirku intaas ku daray in dadka deegankaasi aanay ogolayn in dhulkooda si tuuganimo ah loogala baxo khayraadka dihin ee dhulkaasi. shirkaasi jaraa id ka dib waxa ay wariyaashu waydiiyeen su`aalo kala duwan oo labaa wasiir si talan taali ah uga jawaabeen. Maxamed Ibraahim Maxamed Copyright © 2006 Wardheernews.com |